Wednesday, November 14th, 2018

Zinedine Zidane Oo Haddaba Agaasimayaasha Man United U Sheegay Xidiga Ay Waajibka Tahay In Old Trafford La Keeno Si Uu Mourinho Badal Ugu Noqon Karo.

Published on September 14, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(14-9-2018) Waxaa aad u sii xoogaysanaya wararka Manchester United la xidhiidhinaya tababarihii hore ee Real Madrid ee Zinedine Zidane kaas oo dhawaan si cad u sheegay in si deg deg ah uu ugu soo laaban doono garoomada kubbada cagta, waxayna warbaahinta dalka France shaaciyeen hal ciyaartoy oo uu Zidane shardi kaga dhigay imaatinkiisa Old Trafford.

Inkasta oo hore loo soo saaray liiska ciyaartoyda uu Zinedine Zidane ka doonayo Manchester United haddii ay dhacdo in uu Jose Mourinho badalo, haddana waxaa si gaar ah loo calaamadiyay hal ciyaartoy oo uu Zidane haddaba kala hadlay agaasimayaasha Man United oo uu ka dalbaday in Old Trafford la keeno si uu kooxda u qaban karo haddii ay doonayaan.

Wargayska Le 10Sport oo dalka Faransiiska ka soo baxa ayaa shaaciyay in Zidane uu haddaba agaasimayaasha Man United u sheegay sida uu u doonayo Antoine Griezmann kaas oo lagu heli karo 200 milyan euros isla markaana waqti dheer bartilmaameed u ahaa Manchester United.

Le 10Sport ayaa sheegay in Zidane uu maamulka kooxda Man United ku wargaliyay in saxiixa kowaad looga dhigo xidiga kooxda Atletico Madrid iyo xulka qarankiisa France ee Antoine Greizmann kaas oo heshiis cusub oo waqti dheer ah saxiixay maalmo ka hor koobkii aduunka ee uu Russia ugu soo guulaystay.

Inkasta oo uu Griezmann si layaableh iskaga diiday dalabyo qaali ah oo uu ka helay kooxaha Manchester United iyo Barcelona, ayuu haddana wargayska AS sheegay in Griezmann uu soo dhawayn karo fursada uu kaga hoos shaqayn karo halyayga xulka qarankiisa France ee Zidane.

Si kastaba ha ahaatee, warka Le 10Sport uu ku shaaciyay in haddaba uu Zidane maamulka kooxda United uu ku wargaliyay in Griezmann looga dhigo saxiixa kowaad ayaa dabka ku sii shidaya wararkii markii horeba Zidane la xidhiidhinayay kursiga kulul ee uu hadda Mourinho ku fadhiyo.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Afar Caqabadood Oo Hor Yaalla Tababaraha Barcelona Ka Hor Cayaarta Atletico Madrid

(14-11-2018) Kooxda Barcelona ayaa wali ah hogaamiyaasha horyaalka La Liga inkasta oo ay ceeb iyo waji gabax kala ...

Horyaalka Premier League Guddoomiye Cusub U Doortay Haweenay Madax Ka Ahayd Barnaamijka XAYAWAANKA Ee Telefishanka Discovery

(14-11-2018) Horyaalka kubadda cagta waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa doortay guddoomiye cusub oo beddelaya midkii hore oo ...

Maxay Wadaagaan Lionel Messi Iyo Xiddiga Muslimka Ah Ee Xherdan Shaqiri?

(14-11-2018) Tobankii sannadood ee ugu dambeeyey, ciyaartooyada hibada leh ee soo baxa waxa halbeeg u ahaa Cristiano Ronaldo ...

XULKA RIYADA: Oblak, Modric, Brozovic, Pjanic, Milinkovic-Savic, Perisic & Dzeko – Xulka Qaranka Yugoslavia – Waddankee Iska Celin Lahaa?

(14-11-2018) 11-ka ciyaartoy ee xul ahaan u wada ciyaari lahaa guud ahaan dunida amaba ugu yaraan qaaradda Yurub, ...

Muxuu ku dhamaaday kulankii Itoobiya iyo Soomaaliya?

(14-11-2018) Xulka qaranka Soomaaliya ayaa guul darro qaraar kala kulmay dhigooda Itoobiya oo 4-0 ku martay kulan ka ...

Ganaax Weji Cusub Leh Oo Lagu Riday Weeraryahanka Liverpool Ee Daniel Sturridge – Muxuu Sameeyey?

(14-11-2018I) Weeraryahanka kooxda Liverpool ee Daniel Sturridge ayaa lagu ganaaxay inuu si xun u dhaqmay, isla markaana uu ...

Wargeyska The Sun Oo Daboolka Ka Qaaday Laba Qorshe Oo Midkood Dibedda U Tuurayo Jose Mourinho Oo Maamulka Man United Dejisteen Iyo Macallin Ixtiraam Badan Oo Beddelaya

(14-11-2018) Maamulka kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa la sheegay inay miiska saareen laba qorshe oo midkood caddanaynayo ...

RASMI: Zlatan Ibrahimovic Oo Ku Garaacay Wayne Rooney Xiddiga Sannadka Ee Horyaalka Dalka Maraykanka

(14-11-2018) Weeraryahanka reer Sweden ee Ibrahimovic  ayaa ku guuleystay xiddiga ugu wanaagsan horyaalka kubadda cagta dalka Maraykanka, kaddib ...

RAJO LA’AAN: Waxama Haka Sugina Man United Inta Mourinho Joogo

(14-11-2018) Toddobaadkii guul-darrada qadhaadh ee Man United ay ku dhiibtay kooxda ka arrimisa magaalada Manchester oo si buuxda ...

Macalin Antonio Conte muxuu ku maagay Sergio Ramos?

(13-11-2018) Tababarihii hore ee kooxda Chelsea ee Antonio Conte ayaa ugu dambayn ka baxay aamusnaantii isaga oo jawaabo ...

London oo markale qaabileysa Samir Nasri

(13-11-2018i) Cayaaryahankii hore ee Arsenal Samir Nasri ayaa lagu wadaa inuu dib ugu soo laabto Magaalada London iyadoo ...

Rasmi: Santiago Solari oo loo Magacaabay Macalinka Rasmiga ah ee Real Madrid

(13-11-2018) Maamulka kooxda Kubada Cagta  Real Madrid ayaa si Rasmi ah xilka ugu dhiibatay Santiago Solari iyagoona ka ...

Lionel Messi oo ku Guuleystey Xiddiga Sanadka iyo abaal marinta Pichichi

(13-11-2018)Lionel Messi ayaa  loo gacan galiyay abaal marinta Pichichi  ee 2017/18 kaddib markii uu gool dhalinta La Liga ...

Halyeygii Reer Brazil Ee Roberto Carlos Oo Sameeyey Ballan-qaad Ka Farxiyey Jamaahiirta Real Madrid

(12-11-2018) Halyeygii reer Brazil ee Roberto Carlos ayaa sameeyey ballan-qaad ka farxiyey jamaahiirta kooxdiisii hore ee Real Madrid, ...

Leroy Sane Oo Magacaabay Labada Ciyaartoy Ee Ugu Wanaagsan Taariikhda Kubadda Cagta – Miyuu Iloobay Pele, Maradona, Zidane, Ronaldinho Iyo Halyeeyadii Jarmalka?

(12-11-2018)Xiddiga reer Germany ee garabka uga ciyaara Manchester City ee Leroy Sane ayaa magacaabay labada ciyaartoy ee uu ...