Real Madrid Oo Noqotay Kooxda Ugu Fiican Horyaalka La Liga Ee Dalka Spain Kadib Imaatinka Macalinkeeda Cusub Ee Julen Lopetegui.
Published on September 15, 2018 by Caydiid Cabdi Raxmaan Aadan · No Comments ·
(15-9-2018) Kooxda Real Madrid ayaa hogaamineysa kooxaha ugu fiican horyaalka La Liga ee xilli ciyaareedkan, kadib imaatinka macalinkeeda cusub ee Julen Lopetegui, gaar ahaan qeybta hore ee dhanka garoonka.
Los Blancos ayaa muujisay calaamad cad ee arintan ku aadan, kadib markii ay soo wada guuleysteen saddexdii kulan ugu horeesay ay kula soo ciyaareen horyaalka La Liga ee dalka Spain kooxaha Getafe, Girona iyo Leganis, isla markaana ay kula dagaalamaan dhanka hogaanka horyaalka kooxda Barcelona, balse dhanka farqiga goolasha ay ku hogaamineyso kooxda reer Catalonia.
Real Madrid ayaa ku soo daabacday website-keeda rasmiga ah, iyagoo tilmaamaya in qaab ciyaareedka dhanka weerarka uu ahaa mid cajiib ah la shaqeynta tababare Julen Lopetegui, kadib markii ay dhaliyeen 10 gool, 19 shuut ay ku tuureen kooxaha kasoo horjeeday, taasoo cel celis ahaan wax qabadkooda ka dhigan 52.63%.
Taasi micnaheedu waa in kala badh shuudadka ay koooxda Real Madrid ku tuureen kooxaha kasoo hor jeeda ay isku badaleen ugu dambeyn goolal xidigaha Gareth Bale iyo Karim Benzema ayaa lagu tiriyaa inay ahaayeen kuwa ugu fiican La Liga saddexdii kulan ee laga soo ciyaaray.
Labadan ciyaaryahan ayaa ku bilaawday xili ciyaareedkan qaab cajiib ah, kadib markii ay 3 kulan lasoo dhaafay ku dhaliyeen 7 gool, 4 gool ka mid ah waxaa dhaliyay weeraryahanka reer France, halka 3-da kalena uu dhaliya xidiga reer Weles, Gareth Bale ayaa shabaqa kasoo taabtay seddexdii kulan ugu horeysay horyaalka ay kula soo ciyaareen kooxaha Getafe, Girona iyo Leganis, halka Karim Benzema uu min 2 gool kasoo dhaliyay Girona iyo kan kale ee Legianis.
Benzima iyo Bale ayaa ka sara maray labada xidig kooxda Barcelona ee Lionel Messi iyo Luis Suarez, kuwaasoo saddexdii kulan ay soo ciyaareen ka dhaliyay isku jirkooda 6 gool, 4 ka mid ah waxaa dhaliyay Messi, halka 2-da kale uu dhaliyay Suarez, kadib waxaa soo raacay labada xidig kooxda Levante ee Roger iyo Morales oo iyagana dhaliyay 6 gool, waxayna u kala qeyb sadeen min 3 gool.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho
E-mail: info@qalinkacayaaraha.com
Wararka Maanta
(16-12-2018) Madaxweynaha kooxda Ac Milan Paolo Scaroni ayaa lagu soo waramayaa in laga xaday jimcadii shalay aheyd boorso ...
(16-12-2018) Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa ka hadlay dhigiisa Manchester United ee Jose Mourinho iyo ciyaarta ay ...
(16-12-2018) Kulanka ugu weyn England ayaa berito dhici doona, waana kulan aan laga mideysneyn aragtida laga aaminsan yahay, ...
(16-12-2018) Wiilka kaliya ee uu dhalay feedhyahankii Muslimka ahaa ee Muhammad Ali ayaa ku sugan xaalad nololeed oo ...
(16-12-2018) Wanda Nara oo ah xaaska iyo Wakiilka ciyaartoyga reer Argentina ee Mauro Icardi oo afka hore uga ...
(16-12-2018) Difaaca Arsenal ee Laurent Koscielny ayaa shaaciyey inuu u bilaabmay wax uu ugu yeedhay ‘Cutubka Cusub Ee ...
(16-12-2018) Luis Suarez hadda da’diisu waxay noqotay 32 jir, waxaana kooxdiisa Barcelona u muuqatay in ay u baahan ...
(15-12-2018) Cayaar ay maanta wada ciyaareen kooxda Manchester City iyo kooxda Everton oo ahayd horyaalka dalka ingiriiska oo ...
(15-12-2018) Lix bilood kaddib markii dalka Kuwait uu martigeliyey ciyaar ay iskugu yimaaddeen xiddigaha waaweyn ee dunida oo ...
(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa dhamaan Cayaaraha dhici doona Sabtiga ee ku tirsan Horyaalada kala duwan ee qaarada ...
(15-12-2018) Halyeygii Manchester United ee Willie Morgan ayaa aaminsan in tababaraha kooxdaas Jose Mourinho ay tahay inuu iibiyo ...
(15-12-2018) Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa sii wadda guul-darro la’aanta xidhiidhka ah, waxaanay xalay 1-0 ku muquunisay naadiga ...
(15-12-2018) Manchester United ayaa Axadda safar ugu tegaysa Liverpool oo kulankooda ugu horreeya xili ciyaareedkan ee horyaalka Premier ...
(15-12-2018) Maxkamad ku taalla dalka Spain ayaa go’aamisay xilliga ay dhegaysan doonto dacwad la xidhiidha lunsi cashuuro oo ...
(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018 kaas ...