(17-9-2018) Kooda kubada Cagta AC Milan ayaa bareejo lagashay Naadiga Cagliari oo ay kula soo Cayaareen banaanka waxaana ay ahayd in Milan qaybta Hore ee Cayaarta aad looga Gacan sareeyey balse qaybta labaad ay soo bandhigtay Cayaar qurux badan.
AC Milan ayaa lagala hor maray Goolka kadib markii daqiiqadii 4 aadba uu shabaqeeda Gaaray Cayaaryahan Joao Pedro waxaana ladhihi karaa 45 tii daqiiqo ee hore Milan waxa ay ahayd marqaati oo kaliya fursado badana waa lagu helay.
Qaybta labaad ee Cayaarta AC Milan ayaa Garoonka ku soo laabtay iyada oo uu ka muuqdo isbadal weyn waxaana ay layimaadeen Goolka bareejada daqiiqadii 55 aad markaas oo uu Gool qurux badan u dhaliyey weeraryahanka dalka Argentina ee Gonzalo Higuain sidoo kale AC Milan ayaa heshay fursado badan oo qaali ah oo ay ku keensan karayeen Goolal kale Suso ayaana ahaa mid aad uga dhex muuqdey kooxdiisa.
Si kastaba AC Milan ayaa Garoonka ka baxday iyaga oo aan ku qanacsanayn bareejada ay galeen halka kooxda Cagliari ay ahayd Naadi u dabaal degay dhibicda ay ka qaateen Milan.