Thursday, January 17th, 2019

Afar Khalad Oo Sergio Ramos Sameeyey, Tababaruhuna Ku Raacay Iyo Jamaahiirta Oo Ka Garaabay In Ronaldo Loo Darsaday?

Published on September 17, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(18-9-2018) Real Madrid ayaa lumisay dhibcihii ugu horreeyey ee xili ciyaareedkan, markii ay garoonka San Mames marti ugu noqdeen naadiga Athletic Bilabo.

Real Madrid ayaa qaybtii hore dhibaatootay, waxaana  markii lagu soo noqday qaybta labaad uu tababaruhu degdeg garoonka usoo geliyey Casemiro oo safaro dhaadheer oo uu Maraykanka ugu baxay usbuucii hore kaddib u baahnaa nasasho, hase yeeshee, go’aan kale oo adag ayuu ka qaatay in uu soo geliyo Lucas Vazquez ama Mariano, waxaana uu ugu dambayntii doortay Vazquez.

Cayaartan, waxa laga diiwaangeliyey khaladaad tababare oo ah dhinaca xulashada ciyaartooyada safkiisa koowaad iyo beddelladii uu sameeyeyba, hase yeeshee khaladaadka ugu waaweyn waxa sameeyey difaacyahanka ahna kabtanka kooxda ee Sergio Ramos.

Kabtan Ramos ayaa waxa uu  masuuliyad weyn isa saaray intii uu Cristiano Ronaldo ka tegay Los Blancos, afartii ciyaarood ee ay yeesheenna, waxa uu sameeyey waxyaabo amaba fursado aanu heli jirin intii uu Ronaldo joogay.

Haddaba, waxa ay shabakadda ciyaaraha ee Cadalool halkan idiinku soo bandhigaysaa far khalad oo uu sameeyey Ramos isaga oo garab ka helaya tababarihiisa, kuwaas oo u baahan in sixitaan degdeg ah lagu sameeyo.

Rikoodheyaasha: Sergio Ramos ayaa isaga oo haysta kalsoonida tababaraha waxa uu qaatay rikoodheyaasha oo loo daayey, waana fursadda koowaad ee uu ka helay bixitaankii Ronaldo.

Tababaraha Real Madrid, Lopetegui, ayaa waxa la aaminsan yahay inuu yahay shakhsi aan ka hor iman karin damaca iyo hoggaaminta adag ee Ramos, taas daraadeedna uu isaga iskaga sasabay.

Laadadka Xorta ah: Kulankii Athletic Bilbao iyo ciyaarihii ka horreeyeyba, laagga xorta ah ee ay kooxdu ka  hesho agagaarka goolka kooxda kasoo horjeedda, waxa dul istaaga Ramos marka ay kubaddu dhinaca midig xigto, taas oo uu isku dayo inuu si toos ah u toogto goolka, halkii uu asxaabtiisa madaxa u saari lahaa.

Cayaartii Atletico Bilbao, waxa diilinta dusheeda loo dhigay laag xor ah, oo uu dusha mariyey.

Jamaahiirta iyo falanqeeyeyaasha ciyaaraha ayaa ku dooday in ay jiraan ciyaartooyo badan oo kaga wanaagsan laagga xorta ah oo ay tahay inuu tababaruhu kaalintan u xilsaaro. Toni Kroos oo ah halyey la ogyahay in laaggiisu toosan yahay, caanna ku ah inaanu danayste ahayn, ayaa waxa uu xaqiiqadii yahay laacib kaga fiican laagga tooska ah, hase yeeshee waxa iyaguna jooga Isco iyo Luka Modric.

Damaca gool-dhalinta: Isla marka ay kooxdiisu kubadda qabsato, Sergio Ramos waxa uu ka cararaa difaaca, waxaanu si toos ah u abbaaraa weerarka si uu goolal usoo dhaliyo.

Arrintani waxay dhibaato ku tahay kooxda oo si sahlan goolal loogaga dhalin karayo weerarrada rogaal-celiska ah, waxaanay tahay in tababaruhu uu u sheego Ramos inuu ku koobnaado difaaca.

Taariikh raadin: Sergio Ramos waxa uu doonayaa inuu rikoodho dhawr ah ku galo taariikhda kooxda kubadda cagta Real Madrid, waxaana ka mid ah gool-dhalinta iyo guulaha koobabka.

Waa dhab inuu haddaba ku qornaan doono taariikhda dahabiga ah ee Real Madrid, waxayse tahay in tababare Lopetegui uu u sheego kabtankiisa, in uu horeba u galay rikoodhka diiwaanka naadiga ee uu hadda muujiyo degganaan iyo damaca shakhsiga ah oo uu yareeyo.

Tababare Lopetegui, ayaa ay khubradu tusaale ugu soo qaateen inuu kabtankiisa xasuusiyo, in ciyaartooyadii difaaca ahaa ee Beckenbauer oo Bayern Munich ahaa iyo Baresi oo AC Milan ahaa ay rikoodhka kooxahooda, isaguna uu sidaas oo kale ahaan doono, balse masuuliyadda kaligii uu isku koobayo uu la wadaago asxaabtiisa.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Madaxweynaha Ac Milan Paolo Scaroni Oo Dhac Layaab Leh Loo Geystay & Haweeney Qaab Cajiib Ah Garab Usiisay Dambiilaha.

(16-12-2018) Madaxweynaha kooxda Ac Milan Paolo Scaroni ayaa lagu soo waramayaa in laga xaday jimcadii shalay aheyd boorso ...

Macalinka Kooxda Liverpool Jurgen Klopp oo Ka Hadlay Jose Mourinho Ka Hor Ciyaarta Manchester United iyo Liverpool

(16-12-2018) Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa ka hadlay dhigiisa Manchester United ee Jose Mourinho iyo ciyaarta ay ...

Khabiirada Shabakadda Mirror Football Oo Isku Khilaafay Shaxda Isku Dhaf Ah Kulanka Liverpool vs Man United – Mid Walba Shax Ayuu Doortay!

(16-12-2018) Kulanka ugu weyn England ayaa berito dhici doona, waana kulan aan laga mideysneyn aragtida laga aaminsan yahay, ...

Wiilkii Uu Dunida Kaga Tegay Feedhyahankii Muslimka Ahaa Ee Mohamed Ali Oo Qarka U Saaran Inuu Dawarsado Ama Tuugsado Sabab?

(16-12-2018) Wiilka kaliya ee uu dhalay feedhyahankii Muslimka ahaa ee Muhammad Ali ayaa ku sugan xaalad nololeed oo ...

Wanda Nara Oo Diyaarinaysa Qandaraas Dabar Ku Noqonaya Mauro Icardi

(16-12-2018) Wanda Nara oo ah xaaska iyo Wakiilka ciyaartoyga reer Argentina ee Mauro Icardi oo afka hore uga ...

Farriintii Uu Diego Costa U Diray Arsenal Markii Uu Dhaawacay Laurent Koscielny Iyo Qaabkii Axmaqnimada Ahaa Ee Uu Isku Difaacay

(16-12-2018) Difaaca Arsenal ee Laurent Koscielny ayaa shaaciyey inuu u bilaabmay wax uu ugu yeedhay ‘Cutubka Cusub Ee ...

Barcelona Oo Baadi Goobaysa Beddelka Luis Suarez Iyo Xiddigaha Ay Isha Ku Hayso

(16-12-2018) Luis Suarez hadda da’diisu waxay noqotay 32 jir, waxaana kooxdiisa Barcelona u muuqatay in ay u baahan ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Manchester City oo Mar Kale Hogaanka Si Ku Meel Gaadh ah U Qabatay Maanta.

(15-12-2018) Cayaar ay maanta wada ciyaareen kooxda Manchester City iyo kooxda Everton oo ahayd horyaalka dalka ingiriiska oo ...

Layaab!: Boqortooyada Kuwait oo la ogaadey in ay lacag ka dhacday Cayaartoy waa weyn oo magac leh

(15-12-2018) Lix bilood kaddib markii dalka Kuwait uu martigeliyey ciyaar ay iskugu yimaaddeen xiddigaha waaweyn ee dunida oo ...

Dhamaan Kulamada Sabtiga iyo Saacadaha Geeska Africa ee ay bilaaban doonaan?

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa dhamaan Cayaaraha dhici doona Sabtiga ee ku tirsan Horyaalada kala duwan ee qaarada ...

Halyeygii Manchester United Ee Willie Morgan Oo Magacaabay Afarta Ciyaartoy Ee Uu Doonayo In Kooxdiisa Hore Iska Iibiso Bisha January

(15-12-2018) Halyeygii Manchester United ee Willie Morgan ayaa aaminsan in tababaraha kooxdaas Jose Mourinho ay tahay inuu iibiyo ...

May Ahayn In Arsenal Loo Ogolaado Inay Ciyaarto Europa League – Tababaraha Qarabag Oo Dood Cajiib Ah Bedka Keenay Kaddib Guushii Gunners Sabab?

(15-12-2018) Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa sii wadda guul-darro la’aanta xidhiidhka ah, waxaanay xalay 1-0 ku muquunisay naadiga ...

Qorshaha Jose Mourinho Ku Qaban Doono Salah, Mane & Firmino, Dhibaatada Difaaca Ee Haysata Iyo Sida Uu U Kala Xulan Doono Xiddigaha Uu Haysto

(15-12-2018) Manchester United ayaa Axadda safar ugu tegaysa Liverpool oo kulankooda ugu horreeya xili ciyaareedkan ee horyaalka Premier ...

Cristiano Ronaldo Oo Markale looga yeeray Maxkamad dalka Spain ah iyo Ciqaabta uu lakulmi doono?

(15-12-2018) Maxkamad ku taalla dalka Spain ayaa go’aamisay xilliga ay dhegaysan doonto dacwad la xidhiidha lunsi cashuuro oo ...

Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018 kaas ...