Thursday, January 17th, 2019

Roberto Firmino Iyo Saddex Weeraryahan Oo Kale Oo Liverpool Ka Maqnaan Doona Ciyaarta Caawa Ee PSG

Published on September 18, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(18-9-2018) Kooxda Kubada Cagta Liverpool ayaa caawa garoonkeeda Anfield kusoo dhoweynaysa naadiga reer France ee PSG, kulankooda ugu horreeya ee tartanka Champions League ee xili ciyaareedkan, kaas oo labada kooxood  ugu bilaabmi doona jewi lagu qiimaynayo awooddooda xili ciyaareedkan.

Kulankan ayaa waxa suurtogal ah in Liverpool uu ka maqnaado weeraryahanka reer Brazil ee Roberto Firmino oo Sabtidii uu dhaawac kasoo gaadhay isha bidix, kaddib markii uu difaaca Tottenham ee Vertonghem uu farta ka geliyey, sida ay dhakhaatiirta iyo tababaruhuba sheegeenna, weli lama hubo inuu ciyaari doono iyo in kale, hase yeeshee waxa warkiisa dhabta ah la heli doonaa daqiiqadda ugu dambaysa.

Waxa kale oo ciyaartan ka maqnaan doona labada weeraryahan ee Divock Origi iyo Dominic Solanke oo liiska dhaawacyada Liverpool kula biiri doona Adam Lallana.

Tababare Jurgen Klopp oo wax laga weydiiyey dhaawaca Firmino ayaa mugdi geliyey fursadda uu u haysto inuu kusoo kabato ka hor ciyaartan, hase yeeshee dhinaca kale muu bixinin qiraal buuxa oo ku saabsan inuu maqnaanayo.

Liverpool oo ku duusha weerarkeeda halista badan ee ku dhisan Sadio Mane, Mohamed Salah iyo Firmino ayaa waxay ka hor tegaysaa PSG oo iyaguna ku hubaysan Neymar, Mbappe iyo Cavani.

Rikoodhka Liverpool ee kooxaha Faransiiska

Rikoodhka Liverpool ee kooxaha ka dhisan waddanka Faransiisku waa mid aan lagu tilmaami karin inuu fiican yahay. Kulamada tartanka Champions League, waxay Reds la kulantay naadiyo Faransiis ah 12 ciyaarood, waxaanay guuleysatay 6, shan laga badiyey iyo mid barbar=dhac ah.

Guushii ugu weynayd waxay Liverpool ka gaadhay kooxaha Toulouse iyo Marseille oo xili ciyaareedkii 2007/0 ay kaga adkaatay min 4-0.

Dhinaca kale, shanta kulan ee laga badiyey, lagagama guuleysanin wax ka badan hal gool.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Madaxweynaha Ac Milan Paolo Scaroni Oo Dhac Layaab Leh Loo Geystay & Haweeney Qaab Cajiib Ah Garab Usiisay Dambiilaha.

(16-12-2018) Madaxweynaha kooxda Ac Milan Paolo Scaroni ayaa lagu soo waramayaa in laga xaday jimcadii shalay aheyd boorso ...

Macalinka Kooxda Liverpool Jurgen Klopp oo Ka Hadlay Jose Mourinho Ka Hor Ciyaarta Manchester United iyo Liverpool

(16-12-2018) Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa ka hadlay dhigiisa Manchester United ee Jose Mourinho iyo ciyaarta ay ...

Khabiirada Shabakadda Mirror Football Oo Isku Khilaafay Shaxda Isku Dhaf Ah Kulanka Liverpool vs Man United – Mid Walba Shax Ayuu Doortay!

(16-12-2018) Kulanka ugu weyn England ayaa berito dhici doona, waana kulan aan laga mideysneyn aragtida laga aaminsan yahay, ...

Wiilkii Uu Dunida Kaga Tegay Feedhyahankii Muslimka Ahaa Ee Mohamed Ali Oo Qarka U Saaran Inuu Dawarsado Ama Tuugsado Sabab?

(16-12-2018) Wiilka kaliya ee uu dhalay feedhyahankii Muslimka ahaa ee Muhammad Ali ayaa ku sugan xaalad nololeed oo ...

Wanda Nara Oo Diyaarinaysa Qandaraas Dabar Ku Noqonaya Mauro Icardi

(16-12-2018) Wanda Nara oo ah xaaska iyo Wakiilka ciyaartoyga reer Argentina ee Mauro Icardi oo afka hore uga ...

Farriintii Uu Diego Costa U Diray Arsenal Markii Uu Dhaawacay Laurent Koscielny Iyo Qaabkii Axmaqnimada Ahaa Ee Uu Isku Difaacay

(16-12-2018) Difaaca Arsenal ee Laurent Koscielny ayaa shaaciyey inuu u bilaabmay wax uu ugu yeedhay ‘Cutubka Cusub Ee ...

Barcelona Oo Baadi Goobaysa Beddelka Luis Suarez Iyo Xiddigaha Ay Isha Ku Hayso

(16-12-2018) Luis Suarez hadda da’diisu waxay noqotay 32 jir, waxaana kooxdiisa Barcelona u muuqatay in ay u baahan ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Manchester City oo Mar Kale Hogaanka Si Ku Meel Gaadh ah U Qabatay Maanta.

(15-12-2018) Cayaar ay maanta wada ciyaareen kooxda Manchester City iyo kooxda Everton oo ahayd horyaalka dalka ingiriiska oo ...

Layaab!: Boqortooyada Kuwait oo la ogaadey in ay lacag ka dhacday Cayaartoy waa weyn oo magac leh

(15-12-2018) Lix bilood kaddib markii dalka Kuwait uu martigeliyey ciyaar ay iskugu yimaaddeen xiddigaha waaweyn ee dunida oo ...

Dhamaan Kulamada Sabtiga iyo Saacadaha Geeska Africa ee ay bilaaban doonaan?

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa dhamaan Cayaaraha dhici doona Sabtiga ee ku tirsan Horyaalada kala duwan ee qaarada ...

Halyeygii Manchester United Ee Willie Morgan Oo Magacaabay Afarta Ciyaartoy Ee Uu Doonayo In Kooxdiisa Hore Iska Iibiso Bisha January

(15-12-2018) Halyeygii Manchester United ee Willie Morgan ayaa aaminsan in tababaraha kooxdaas Jose Mourinho ay tahay inuu iibiyo ...

May Ahayn In Arsenal Loo Ogolaado Inay Ciyaarto Europa League – Tababaraha Qarabag Oo Dood Cajiib Ah Bedka Keenay Kaddib Guushii Gunners Sabab?

(15-12-2018) Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa sii wadda guul-darro la’aanta xidhiidhka ah, waxaanay xalay 1-0 ku muquunisay naadiga ...

Qorshaha Jose Mourinho Ku Qaban Doono Salah, Mane & Firmino, Dhibaatada Difaaca Ee Haysata Iyo Sida Uu U Kala Xulan Doono Xiddigaha Uu Haysto

(15-12-2018) Manchester United ayaa Axadda safar ugu tegaysa Liverpool oo kulankooda ugu horreeya xili ciyaareedkan ee horyaalka Premier ...

Cristiano Ronaldo Oo Markale looga yeeray Maxkamad dalka Spain ah iyo Ciqaabta uu lakulmi doono?

(15-12-2018) Maxkamad ku taalla dalka Spain ayaa go’aamisay xilliga ay dhegaysan doonto dacwad la xidhiidha lunsi cashuuro oo ...

Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018 kaas ...