Tuesday, October 16th, 2018

‘Waxa Laygu Eedeeyey Inaan Gabadha Tababaraha La Seexday’ – Zaha Oo Si Murugo Leh Uga Sheekeeyey Qisooyinkiisii Manchester United

Published on September 21, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(22-9-2018) Xidigii hore ee kooxda Manchester United ee Wilfried Zaha oo hadda ka tirsan kooxda Crystal Palace isla markaana ka mid ah xidiga ugu bandhiga fiican ayaa waraysi xaasaasi ah bixiyay wuxuuna kaga hadlay waqtigiisii Manchester United.

Wilfried Zaha ayaa dhawaan cadho wayn ka muujiyay garsoorka horyaalka Premier league wuxuuna ku dooday in kaadhadh digniin ah lagu siiyay in uu istuuray xili uu qaladaad xoogan la kulmay isaga oo waliba sheega in garsoorku ay rekoodhe u dhigi karaan marka lugaha laga jabiyo oo kaliya.

Wilfried Zaha ayaa ka hadlay arin xaasaasi ah oo warbaahinta lagu daabacay markii uu Manchester United ka baxay taas oo ahayd in uu la seexday inan ama gabadh uu dhalay tababarihii Manchester United ee David Moyes.

Wilfried Zaha oo ka hadlaya  waqtigiisii Manchester United ayaa yidhi: “Xaqiiqdii soo galista United wax sahlan ma aha, sidaa daraadeed, in fursad lagu siiyo oo aanad qaadan waa wax adag, wax aad u badan ayaan la soo maray Uited iyo England”.

Intaa kadib Wilfried Zaha ayaa ka hadlay arin muran badan dhalisay oo hore loogu sheegay sababtii dhabta ahayd ee uu Old Trafford kaga baxay wuxuuna yidhi: “Waxaa jiray warar xan ah oo ah sababtii aanan ugu ciyaarin United, sababtoo ah in aan la seexday inanta ama gabadha David Moyes, manuu jirin hal qof oo isku dayay in uu kala cadeeyo”.

Wilfried Zaha oo si layaableh uga hadlay noloshii adkayd ee ku soo martay Manchester United iyo saamaynta ay ku yeelatay ayaa yidhi: “Iyagu gaadhi imaysiin aniga sida ay ciyaartoy kasta oo kale u sameeyeen, naftayda ayaan cadaabta kula noola oo aan qoyskayga ka maqnaa waxaanan ka fikray: ‘Haddii ayna tani iga dhigan mid ka sii xoogan maxay iga dhigi lahayd”.

Wilfried Zaha oo xaaladiisii United ka sii hadlaya ayaa yidhi: “Markii aan United joogay lacag ayaan haystay, laakiin walal badan ayaan dhulka u aalay, waxay dadku u maleeyaan in nolosaadu ka duwan tahay sababtoo ah in aad lacag heshay, caan ayaad noqonaysaa, sidaa daraadeed si la mid ah kuulama dhaqmayaan, anigu waxba kama qoomamaynayo, sababtoo ah way i sii xoojisay, waxaan dareemay in aan wax walba la tacaali karo”.

Jamaahiirta kubbada cagta aduunka ayaa fikiro badan oo kala duwan ka bixiyay hadalada uu Wilfried Zaha kaga hadlay waqtigiisii Manchester United iyaga oo qaar taageero u muujiyay halka kuwo kale ay dhaliil u soo jeediyeen.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Magacyada iyo Sawirada 11 Cayaaryahan oo laga Sameeyey Xiddigaha Manchester United ee uu heshiisku ka dhacayo Sanadka danbe

(16-10-2018) Macalinka kooxda Manchester united Jose Mourinho ayaa wajahaya dhibaato weyn kadib markii sida lacadeeyey uu heshiisku ka ...

Daawo: Spain oo 15 Sano kadib lagu Garaacay Ciidooda

(16-10-2018) Xulka kubada Cagta England ayaa Guul muhiim ah ka gaaray kulankii xiisaha badnaa ee ay Garoonka Sevilla ...

Kooxda PSG oo Gashay booskii Real Madrid ee doonista David de Gea

(16-10-2018) Kooxda Kubada Cagta PSG ee dalka France ayaa shaaca ka qaaday in ay dooneyso Goolhayaha dalka Spain ...

Rikoorada laga diiwaan geliyey qaybta hore Kulanka Mucjisada ah ee Spain iyo England+Sawiro

(16-10-2018) Cayaaryahanka kooxda Manchester City iyo xulka dalka England ee Raheem Sterling  ayaa Noqdey Cayaaryahankii koobaad ee Ingiriis ah ...

Sadio Mane oo Gacan ka jabay kuna biirey Xiddigaha Muhiimka ah ee ka dhaawacmay Liverpool+Sawiro

(16-10-2018) Kooxda Kubaad Cagta Liverpool ayaa lasheegayaa in ay haysato dhibaato dhanka dhaawacyada ah kadib markii lasheegay in ...

Xiddiga Musaaricada John Cena Oo Muddo Dheer Garoomada Ka Maqnaan Doona Iyo Dalka Sucuudiga Oo Sugaya Soo Laabashadiisa

(16-10-2018) Halyeyga 16-ka jeer ku guuleystay Champions-ka ciyaaraha legdinta WWE ee Musaaricada, John Cena ayaa muddo dheer ka ...

Dorival Junior” AC Milan waxa ay Gacanta ku dhigtay Xiddiga lamid ah Kevin de Bruyne ama Luka Modric’

(16-10-2018) Macalinka kooxda Kubada cagta Flamengo Dorival Junior ayaa shaaca ka qaaday in Naadiga AC Milan ay Gacanta ku ...

Luka Modric Oo Shaaciyey Xiddiga Uu Ku Riyoodo Inuu Ka Garab Cayaaro

(16-10-2018) Xiddiga xilli ciyaareedkan cidkasta ka yaabsanaya ee Luka Modric ayaa doortay halyeeyga dookhiisa ah ee uu jeclaan ...

Dilka Wariye Jamal Khashoggi Oo Baajiyey Cayaartii Ugu Weynayd Dunida Bilaha Ka Hadhay Sannadka

(15-10-2018) Dalka Sucuudi Carabia ayaa la dhibaatoonaya ceebta kasoo gaadhay dilka wariye Jamal Khashoggi oo lagu dhex khaarajiyey ...

Liverpool oo ka Walaacsan dhaawacyada soo gaaray Xiddigaha Mohamed Salah iyo Virgil van Dijk

(15-10-2018) Kooxda Kubada cagta Liverpool ee dalka England ayaa laxaqiijiyey in ay aad uga walacsantahay dhaawacyo lasheegay in ...

Maxaa kajira in Jose Mourinho iyo Eden Hazard kusii jeedaan Real Madrid?

(15-10-2018) Waxaa isa soo taraya Wararka ku sii dhaweynaya Real Madrid Macalinka Manchester United Jose Mourinho iyo iddiga ...

Magacayada 11 Cayaaryahan Caan ah oo koox la.aan ah kana fariisan Kubada cagta?Sawiro

(15-10-2018) Waxaan idiin soo gudbineynaa aqristeyaal magacyada 11 Cayaaryahan oo caan ah isla Markaana xiligaan dibad joog ka ...

Rasmi: Patrick Cutrone oo heshiis Cusub u Saxiixay AC Milan

(15-10-2018) Kooxda Kubada Cagta AC Milan ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay heshiis cusub lagaartay Weeraryaahnka ...

Kooxda Banaadir Sports oo u soo baxday Finalka koobka Jeneral Da uud markii ay ka badiyeen Saxafi

(15-10-2018) Kooxda Kubada Cagta Banaadir Sports ayaa xaqiijisey in ay u soo gudubtay kama dambaysta koobka koobabka Jeneral ...

Xiriirka Kubadda Cagta Ingiriiska Oo Si Kulul U Canaantay Taageereyaashiisa Oo Rabshado Ka Sameeyey Spain+Sawiro

(15-10-2018) Xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ayaa si xun u canaantay taageereyaasha xulka qaranka England ee ku sugan waddanka ...