Sunday, October 21st, 2018

Wax Walba Oo Aad Uga Baahan Tahay Inaad Ka Ogaato Xafladda Abaal-marinta Xiddiga Adduunka Ee FIFA The Best

Published on September 22, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(22-9-2018) Saddexda ciyaartoy ee Cristiano Ronaldo, Luka Modric iyo Mohamed Salah ayaa Isniinta toddobaadkan ku kala bixi doona abaal-marinta xiddiga adduunka ee FIFA The Best oo lagu qaban doono magaalada London.

Ronaldo ayaa u dagaallamaya inuu markii lixaad ku guuleysto xiddiga dunida, hase yeeshee Luka Modric oo qayb weyn ka ahaa guulihii uu Ronaldo shakhsiga u helay, isla markaana kubbado badan oo uu qiimayn ku helay siiyey Cristiano ayaa dagaalka dhinaciisa kaga jira, iyadoo xiddiga reer Masar ee Mohamed Salah oo bandhig ciyaareed cajiib ah ka sameeyey garoomada uu halganka dhinac kasoo galay.

Saddexdan laacib oo ah kuwa iskugu soo hadhay tartanka ayaa ku kala bixi doona xaflad qurux badan oo Isniinta qabsoomi doonta, taas oo si toos ah looga daawan doonaa.

Wakhtiga iyo Goobta Xafladda

Wakhtiga: Monday, September 24

Goobta: Royal Festival Hall, London.

Halka laga daawan doono

Ma jiro telefishan toos u baahin doona xafladda, hase yeeshee FIFA ayaa baraheeda kusoo gudbin doonta muuqaallada, laakiin shabakadaha cadalool.com iyo cadalool.net ayaa ka shaqayn doona sidii ay akhristeyaasha ugu soo tebin lahaayeen xafladda oo muuqaal ah.

Yaa qaban-qaabinaya xafladda?

Jilaaga weyn ee Idris Elba iyo Layla Anna-Lee ayaa si wada jir ah markii labaad xafladda u qaban-qaabinaya, iyaga oo ahaa labadii qof ee sannadkii horena sidan oo kale u qaban-qaabiyey.

Idris Elba oo ah jilaa weyn oo ka tirsan shirkadda Hollywood, ayaa mar kale helay nasiibka uu xafladda ku qaban qaabinayo, waxaana uu dhowaan sheegay inuu yahay taageere weyn oo kubadda cagta, aadna uu ugu faraxsan yahay inuu goob joog ka ahaado xafladda THE BEST 2018.

Abaal-marinada la bixin doono.

Xiddiga ugu wanaagsan kubadda cagta ee Ragga

Xiddigta ugu wanaagsan kubadda cagta ee Haweenka.

Tababaraha ugu wanaagsan kubadda cagta ee Ragga.

Tababaraha ugu wanaagsan kubadda cagta ee Haweenka.

Goolhayaha ugu wanaagsan dunida.

Goolkii ugu wanaagsanaa

taageereyaashii ugu wanaagsanaa

iyo abaal-marino kale.

Musharaxiinta tartamaya

 

Xiddigaha ku tartamaya xiddiga dunida ee ragga

 

Cristiano Ronaldo (Portugal/Juventus, hore ugu soo ciyaaray Real Madrid)

Luka Modrić (Croatia/Real Madrid)

Mohamed Salah (Egypt/Liverpool)

Laacibiinta ku tartamaya abaal-marinta xiddignimada ee haweenka

 

Ada Hegerberg (Norway/Olympique Lyonnais)

Dzsenifer Marozsán (Germany/Olympique Lyonnais)

Marta (Brazil/Orlando Pride)

Murashaxiinta tababareyaasha ragga

Zlatko Dalić (Croatia/Croatia national team)

Didier Deschamps (France/France national team)

Zinédine Zidane (France/formerly Real Madrid)

murashaxiinta tababareyaasha ee haweenka

Reynald Pedros (France/Olympique Lyonnais)

Asako Takakura (Japan/Japan national team)

Sarina Wiegman (Netherlands/Netherlands national team)

Goolhayeyaasha tartamaya

Thibaut Courtois (Belgium/Real Madrid, usoo ciyaaray Chelsea)

Hugo Lloris (France/Tottenham Hotspur)

Kasper Schmeichel (Denmark/Leicester City)

Murashaxiinta ku tartamaya goolka ugu quruxda badan

Gareth Bale (Real Madrid) – vs. Liverpool

Denis Cheryshev (Russia) – vs. Croatia

Lazaros Christodoulopoulos (AEK) – vs. Olympiacos

Giorgian De Arrascaeta (Cruzeiro) – vs. América MG

Riley McGree (Newcastle Jets) – vs. Melbourne City

Lionel Messi (Argentina) – vs. Nigeria

Benjamin Pavard (France) – vs. Argentina

Ricardo Quaresma (Portugal) – vs. IR Iran

Cristiano Ronaldo (Real Madrid) – vs. Juventus

Mohamed Salah (Liverpool) – vs. Everton

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

DEG DEG: Lionel Messi oo Garoonka laga Saaray kadib dhaawac Culus oo soo gaaray+Sawiro

(21-10-2018) Cayaaryahanka kooxda Barcelona ee Linel Messi ayaa laga saaray Kulanka xiisaha badan ee ay lacayaarayaan kooxda Sevilla ...

Juventus oo lumisey dhibcihii koobaad Horyaalka Talyaaniga Xiligaan+Sawiro

(21-10-2018) Kooxda Kubada Cagta Juventus ee hogaanka u haysa Horyaalka Talyaaniga ayaa lumisey dhibcihii koobaad kadib markii ay ...

Daawo: Manchester City oo u awood sheegatay Burnley lana wareegtay hogaanka Horyaalka Ingiriiska

(20-10-2018) Kooxda Manchester ayaa ka faa’iidaysataya barbarihii ay Cheslealagashay Man United, waxayna si toos ula wareegtay hogaanka horyaalka, ...

Goolka Cristiano Ronaldo oo Record Cusub ku soo kordhiyey Kubada Cagta yurub?

(20-10-2018) Cayaaryahanka kooxda Kubada cagta Juventus ee Cristiano Ronaldo oo Gool ka dhaliyey kooxda Genoa kulan hada socda oo ...

Kumuu ahaa Cayaaryhanka loo doortay Man of the Match Kulankii Chelsea iyo Manchester United

(20-10-2018) Kadib kulankii xiisaha badnaa ee dhe maray kooxaha Chelsea iyo Manchester United waxaa lasoo saaray Cayaaryahankii loo ...

Jose Mourinho muxuu u dagaalamay markii labareejeeyey kooxdiisa+Sawiro

(20-10-2018) Macalinka kooxda Manchetser United Jose Mourinho ayaa la arkayey isaga oo dagaalamaya Markii laga dhaliyey Goolka bareejada ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Real Madrid oo lagu garaacay Garoonkeeda

(20-10-2018) Kooxda Kubada Cagta Real Madrid ayaa Guuldaro kala kulantay kooxda Levante oo ay Duhurnimadii maanta kula Cayaareen ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Chelsea oo bareejo ka tuugtay Manchester United

(20-10-2018) Kooxda kubada Cagta Manchetser United ayaa ku dhawaatay in ay Garoonkeeda ku Garaacdo kooxda Chelsea kadib markii ...

Dhamaan Kulamada Galabta iyo Caawa Saacadaha Geeska Africa ee midkastaa bilaaban doonto

(20-10-2018) Waxaa Galabta iyo Caawa lacayaari doonaa kulamo aad u xiiso badan oo kutirsan Horyaalada kala duwan ee ...

Daawo Sawirada Cayaartoyda Manchester United oo soo gaaray London

(20-10-2018) Cayaartoyda kooxda Manchyester United ayaa soo gaaray magaalada London halkaa oo ay ka degeen Hotel iyaga oo ...

Paris Saint-Germain oo bilaawday in ay Raadiso badelka Neymar

(20-10-2018) Kooxda Kubaad cagta Paris Saint-Germain  ayaa lasheegayaa in ay durba bilaawday Cayaaryahankii badelka u noqon lahaa Xiddiga dalka ...

Daawo Sawirada Kooxda Banaadir Sports oo qaaday koobkii Jeneral Da uud 2018

(19-10-2018) Kooxda Kubada Cagta Banaadir Sports ayaa ku Guuleysatay koobka koobabka Jeneral Daa uud ka dib markii ay ...

Baaritaan lagu Samayn doono qaabkii ay AC Milan ula Wareegtay Lucas Paqueta?

(19-10-2018) Wararka ka imaanaya dalka Braziil ayaa sheegaya in baaritaan lagu samayn doono qaabkii uu u dhacay heshiiska ...

Magacyada iyo Sawirada 6 da Macalin ee ugu Guuldarada Badana Taariikhda Premier League

(19-10-2018) Waxaan idiin soo gudbineynaa aqristeyaal Magacyada iyo Sawirada 6 da Macalin ee ugu Guuldarada badan Taariikhda Horyaalka Premier ...

Digniin: Julen Lopetegui oo loo qabtay Sadex Kulan in uu shaqadiisa ku bad baadiyo

(19-10-2018) Maamulka kooxda Kubada Cagta Real Madrid ayaa lasheegayaa in ay digniin kama dambays ah u direen Macalinka ...