Thursday, January 17th, 2019

Paul Pogba Oo Weerar Culus Ku Qaaday Qaab Ciyaareedka Jose Mourinho Iyo Khilaafkoodii Oo Cirka Isku Shareeray

Published on September 24, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(25-9-2018) Xidiga xulka qaranka France iyo kooxda Manchester United ee Paul Pogba ayaa halkiisa ka sii wata in aanu ku qanacsanayn hanaanka ciyaareed ee Jose Mourinho uu ka wado Red Devils wuxuuna markale saxaafada mariyay eedayn iyo waliba sida uu u saluugsan yahay tatikada Jose Mourinho ee aan weerarka badan ku dhisnayn.

Paul Pogba oo xili ciyaareedkan dhawr jeer saxaafada kala hadlay xaalada kooxdiisa isla markaana abuuray muran xoogan kadib markii uu hore wax uga sheegay maskaxda ciyaartoyda kooxdiisa oo uu naftiisa ka bilaabay, waxa uu markale ku celiyay in waxa kooxdiisa ka maqani yahay weerar ay si xoogan u qaadan.

Manchester United ayaa kadib guuldarooyinkii Brighton iyo Tottenham waxay soo wada guulaysatay saddexdii kulan ee ay martida soo noqotay ee Burnley, Watford iyo Young Boys laakiin waxay kulankii ugu danbeeyay barbaro Old Trafford kula galeen kooxda heerka labaad ka soo baxday ee Wolves.

Wuxuuna Pogba ka cadhaysan yahay in marka ay kooxdiisu ku ciyaarayso Old Trafford ay weerar badan ku ciyaarto isaga oo si toos ah dhaliin ugu soo jeediyay tatikada Mourinho isaga oo waliba tix raacaya kulankii ugu danbeeyay ee Wolves.

Paul Pogba ayaa yidhi: “Marka aanu joogno gurigayaga, waxaa waajib nagu ah weerar, weerar, weerar, kaasi waa Old Trafford. Waxaanu joognaa gurigayaga isla markaana waxaa waajib nagu ah in aanu u ciyaarno si ka fiican kulankii Wolves. Halkan waxaanu u joognaa in aanu weerar galno”.

 

Paul Pogba oo markale ka hadlaya sida haddii ay Mancheser United weerar ku ciyaarto ay kooxaha u cabsi galin kari lahayd ayaa yidhi: ” Waxaan filayaa in kooxuhu ay cabsadaan marka ay arkaan Mancheser United oo weerar ah, weerar ah, taasi qaladkayaga ayay ahayd”.

Laakiin Pogba oo u muuqda xidiga kaliya ee ka hadli kara qaabka maskaxeed ee ciyaartoyda kooxdiisa ayaa yidhi: “Laga yaabee in ay waajib ahayd in qaab fikirku uu sidaa ka fiicnaado, sababtoo ah markale waxaanu joognay Old Trafford, waxaana kaliya waajib nagu ahayd in aanu weerarno oo aanu u cadaadino sidii aanu samaynay kulamadii Tottenham, Liverpool, Chelsea iyo Arsenal ee xili ciyaareedkii hore”.

Paul Pogba ayaa ku dooday in marka ay weerar iyo cadaadis ku ciyaarayaan ay iyaga u sahlan tahay wuxuuna isaga oo fariintan Mourinho iyo ciyaartoyda kooxdiisa u diraya yidhi: “Marka aanu sidan u ciyaarno anaga way nooga sahlan tahay”.

Paul Pogba oo uu markii horeba khilaaf wayni ka dhexeeyay Jose Mourinho ayaa markale u muuqda in uu colaadan dab ku sii shiday inkasta waxa uu ka hadlay yahay waxa uu dareemayo taageere kasta oo Man United ahi si ay kooxdoodu guulo u gaadhi karto.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Madaxweynaha Ac Milan Paolo Scaroni Oo Dhac Layaab Leh Loo Geystay & Haweeney Qaab Cajiib Ah Garab Usiisay Dambiilaha.

(16-12-2018) Madaxweynaha kooxda Ac Milan Paolo Scaroni ayaa lagu soo waramayaa in laga xaday jimcadii shalay aheyd boorso ...

Macalinka Kooxda Liverpool Jurgen Klopp oo Ka Hadlay Jose Mourinho Ka Hor Ciyaarta Manchester United iyo Liverpool

(16-12-2018) Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa ka hadlay dhigiisa Manchester United ee Jose Mourinho iyo ciyaarta ay ...

Khabiirada Shabakadda Mirror Football Oo Isku Khilaafay Shaxda Isku Dhaf Ah Kulanka Liverpool vs Man United – Mid Walba Shax Ayuu Doortay!

(16-12-2018) Kulanka ugu weyn England ayaa berito dhici doona, waana kulan aan laga mideysneyn aragtida laga aaminsan yahay, ...

Wiilkii Uu Dunida Kaga Tegay Feedhyahankii Muslimka Ahaa Ee Mohamed Ali Oo Qarka U Saaran Inuu Dawarsado Ama Tuugsado Sabab?

(16-12-2018) Wiilka kaliya ee uu dhalay feedhyahankii Muslimka ahaa ee Muhammad Ali ayaa ku sugan xaalad nololeed oo ...

Wanda Nara Oo Diyaarinaysa Qandaraas Dabar Ku Noqonaya Mauro Icardi

(16-12-2018) Wanda Nara oo ah xaaska iyo Wakiilka ciyaartoyga reer Argentina ee Mauro Icardi oo afka hore uga ...

Farriintii Uu Diego Costa U Diray Arsenal Markii Uu Dhaawacay Laurent Koscielny Iyo Qaabkii Axmaqnimada Ahaa Ee Uu Isku Difaacay

(16-12-2018) Difaaca Arsenal ee Laurent Koscielny ayaa shaaciyey inuu u bilaabmay wax uu ugu yeedhay ‘Cutubka Cusub Ee ...

Barcelona Oo Baadi Goobaysa Beddelka Luis Suarez Iyo Xiddigaha Ay Isha Ku Hayso

(16-12-2018) Luis Suarez hadda da’diisu waxay noqotay 32 jir, waxaana kooxdiisa Barcelona u muuqatay in ay u baahan ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Manchester City oo Mar Kale Hogaanka Si Ku Meel Gaadh ah U Qabatay Maanta.

(15-12-2018) Cayaar ay maanta wada ciyaareen kooxda Manchester City iyo kooxda Everton oo ahayd horyaalka dalka ingiriiska oo ...

Layaab!: Boqortooyada Kuwait oo la ogaadey in ay lacag ka dhacday Cayaartoy waa weyn oo magac leh

(15-12-2018) Lix bilood kaddib markii dalka Kuwait uu martigeliyey ciyaar ay iskugu yimaaddeen xiddigaha waaweyn ee dunida oo ...

Dhamaan Kulamada Sabtiga iyo Saacadaha Geeska Africa ee ay bilaaban doonaan?

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa dhamaan Cayaaraha dhici doona Sabtiga ee ku tirsan Horyaalada kala duwan ee qaarada ...

Halyeygii Manchester United Ee Willie Morgan Oo Magacaabay Afarta Ciyaartoy Ee Uu Doonayo In Kooxdiisa Hore Iska Iibiso Bisha January

(15-12-2018) Halyeygii Manchester United ee Willie Morgan ayaa aaminsan in tababaraha kooxdaas Jose Mourinho ay tahay inuu iibiyo ...

May Ahayn In Arsenal Loo Ogolaado Inay Ciyaarto Europa League – Tababaraha Qarabag Oo Dood Cajiib Ah Bedka Keenay Kaddib Guushii Gunners Sabab?

(15-12-2018) Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa sii wadda guul-darro la’aanta xidhiidhka ah, waxaanay xalay 1-0 ku muquunisay naadiga ...

Qorshaha Jose Mourinho Ku Qaban Doono Salah, Mane & Firmino, Dhibaatada Difaaca Ee Haysata Iyo Sida Uu U Kala Xulan Doono Xiddigaha Uu Haysto

(15-12-2018) Manchester United ayaa Axadda safar ugu tegaysa Liverpool oo kulankooda ugu horreeya xili ciyaareedkan ee horyaalka Premier ...

Cristiano Ronaldo Oo Markale looga yeeray Maxkamad dalka Spain ah iyo Ciqaabta uu lakulmi doono?

(15-12-2018) Maxkamad ku taalla dalka Spain ayaa go’aamisay xilliga ay dhegaysan doonto dacwad la xidhiidha lunsi cashuuro oo ...

Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018 kaas ...