Sunday, October 21st, 2018

Kaddib Guushii Xiddigga Adduunka, Waa Tuma Xaaska Luka Modric, Sidee Ayuu Jacaylkoodu Ku Bilaabmay?

Published on September 25, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(25-9-2018) Xiddiga khadka dhexe ee xulka qaranka Croatia ee Luka Modric ayaa ku guuleystay abaalmarinta laacibka ugu wanaagsan dunida ee Best FIFA Men’s Playar Award, kaddib markii uu si cajiib ah ugu garaacay Cristiano Ronaldo iyo Mohamed Salah oo kula tartamayey.

Modric ayaa sannadkan urursaday dhamaan abaalmarinihii shakhsiga ahaa ee dunida laga bixiyey sida xiddigii ugu wanaagsanaa Koobka Adduunka 2018, Xiddiga ugu fiican qaaradda Yurub iyo Xiddiga ugu wanaagsan caalamka oo ay FIFA ku guddoonsiiyey xaflad qurux badan oo lagu qabtay magaalada London oo aanay ka soo xaadirin Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.

Kaddib guulahaa cajiibka ah, waxay warbaahintu dib ugu laabatay noloshiisa shakhsiga ah iyo marwadiisa quruxda badan ee sababta u noqotay qaab ciyaareedka wanaagsan iyo inuu gaadho heerkan cajiibka ah.

Xaaskiisa waxa magaceedu yahay Vanja Bosnic, waxaanay magaalada Zagreb ee waddanka Ukraine isku-guursadeen sannadkii 2010 bishii May, iyagoo intaas ka hor wadaagayey xidhiidh jacayl oo soo socday muddo afar sannadood ah.

Xaflad gaaar ah oo lagu qabtay caasimadda Zagreb ayaa ay Modric iyo Vanja Bosnic ku aqal-galeen, muddadii ay is qabeenna waxay isku dhaleen saddex carruur ah oo dhamaantood dunida yimid intii uu Real Madrid u ciyaarayay marka laga reebo curadka oo sannad kaddib arooskooda dhashay.

Curadka qoyska Modric waa Ivano, waana wiil dhashay June 2010 oo ah waxyar kaddib wakhtigii arooska, hase yeeshee Ema oo ah inan/gabadh ayaa dhalatay April 2013, hlka Sofia loo diiwaangeliyey wakhtiga dhalashada October 2017.

Luka Modric oo shidaal ka dhiganaya jacaylka marwadiisa quruxda badan, waxa uu Real Madrid ka caawiyey inay ku guuleystaan afar Koob oo Champions League ah muddo shan sannadood ahayd oo uu u ciyaarayay, waxaanu taas ku mutaystay in lix sannadood oo isku xiga loo magacaabo ciyaartoyga ugu wanaagsan xirfadleyaasha kubadda cagta ee Croatia, taas oo uu kala sinmay halyeygii ay isku waddanka ahaayeen ee Davor Suker.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

DEG DEG: Lionel Messi oo Garoonka laga Saaray kadib dhaawac Culus oo soo gaaray+Sawiro

(21-10-2018) Cayaaryahanka kooxda Barcelona ee Linel Messi ayaa laga saaray Kulanka xiisaha badan ee ay lacayaarayaan kooxda Sevilla ...

Juventus oo lumisey dhibcihii koobaad Horyaalka Talyaaniga Xiligaan+Sawiro

(21-10-2018) Kooxda Kubada Cagta Juventus ee hogaanka u haysa Horyaalka Talyaaniga ayaa lumisey dhibcihii koobaad kadib markii ay ...

Daawo: Manchester City oo u awood sheegatay Burnley lana wareegtay hogaanka Horyaalka Ingiriiska

(20-10-2018) Kooxda Manchester ayaa ka faa’iidaysataya barbarihii ay Cheslealagashay Man United, waxayna si toos ula wareegtay hogaanka horyaalka, ...

Goolka Cristiano Ronaldo oo Record Cusub ku soo kordhiyey Kubada Cagta yurub?

(20-10-2018) Cayaaryahanka kooxda Kubada cagta Juventus ee Cristiano Ronaldo oo Gool ka dhaliyey kooxda Genoa kulan hada socda oo ...

Kumuu ahaa Cayaaryhanka loo doortay Man of the Match Kulankii Chelsea iyo Manchester United

(20-10-2018) Kadib kulankii xiisaha badnaa ee dhe maray kooxaha Chelsea iyo Manchester United waxaa lasoo saaray Cayaaryahankii loo ...

Jose Mourinho muxuu u dagaalamay markii labareejeeyey kooxdiisa+Sawiro

(20-10-2018) Macalinka kooxda Manchetser United Jose Mourinho ayaa la arkayey isaga oo dagaalamaya Markii laga dhaliyey Goolka bareejada ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Real Madrid oo lagu garaacay Garoonkeeda

(20-10-2018) Kooxda Kubada Cagta Real Madrid ayaa Guuldaro kala kulantay kooxda Levante oo ay Duhurnimadii maanta kula Cayaareen ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Chelsea oo bareejo ka tuugtay Manchester United

(20-10-2018) Kooxda kubada Cagta Manchetser United ayaa ku dhawaatay in ay Garoonkeeda ku Garaacdo kooxda Chelsea kadib markii ...

Dhamaan Kulamada Galabta iyo Caawa Saacadaha Geeska Africa ee midkastaa bilaaban doonto

(20-10-2018) Waxaa Galabta iyo Caawa lacayaari doonaa kulamo aad u xiiso badan oo kutirsan Horyaalada kala duwan ee ...

Daawo Sawirada Cayaartoyda Manchester United oo soo gaaray London

(20-10-2018) Cayaartoyda kooxda Manchyester United ayaa soo gaaray magaalada London halkaa oo ay ka degeen Hotel iyaga oo ...

Paris Saint-Germain oo bilaawday in ay Raadiso badelka Neymar

(20-10-2018) Kooxda Kubaad cagta Paris Saint-Germain  ayaa lasheegayaa in ay durba bilaawday Cayaaryahankii badelka u noqon lahaa Xiddiga dalka ...

Daawo Sawirada Kooxda Banaadir Sports oo qaaday koobkii Jeneral Da uud 2018

(19-10-2018) Kooxda Kubada Cagta Banaadir Sports ayaa ku Guuleysatay koobka koobabka Jeneral Daa uud ka dib markii ay ...

Baaritaan lagu Samayn doono qaabkii ay AC Milan ula Wareegtay Lucas Paqueta?

(19-10-2018) Wararka ka imaanaya dalka Braziil ayaa sheegaya in baaritaan lagu samayn doono qaabkii uu u dhacay heshiiska ...

Magacyada iyo Sawirada 6 da Macalin ee ugu Guuldarada Badana Taariikhda Premier League

(19-10-2018) Waxaan idiin soo gudbineynaa aqristeyaal Magacyada iyo Sawirada 6 da Macalin ee ugu Guuldarada badan Taariikhda Horyaalka Premier ...

Digniin: Julen Lopetegui oo loo qabtay Sadex Kulan in uu shaqadiisa ku bad baadiyo

(19-10-2018) Maamulka kooxda Kubada Cagta Real Madrid ayaa lasheegayaa in ay digniin kama dambays ah u direen Macalinka ...