Thursday, January 17th, 2019

Qilaafkii Jose Mourinho iyo Paul Pogba oo weji Cusub yeeshay?

Published on September 30, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(01-10-2018) Macalinka xulka qaranka France ee Didier Deschamps ayaa soo dhex galay xaalada xun ee ka dhex jirta tababaraha Man United ee Jose Mourinho iyo xidiga kooxdiisa ee Paul Pogba wuxuuna Deschamps ku dooday in Pogba aanu kalidii u guulaysan karin Manchester United balse uuu baahan yahay koox uu la guulaysto.

Didier Deschamps ayaa sheegay in uu muddo shan sanadood ah la soo shaqaynayay Paul Pogba isla markaana uu garanayo waxa uu u baahan yahay si uu guulo ula gaadho Man United. Hadalka macalinka France ee Deschamps ayaa ku soo beegmaya waqtiga ay xaalada Mourinho ee Man United xun tahay kadib guuldaradii West Ham United ka soo gaadhay.

Tababaraha xulka France ee Didier Deschamps oo ka hadlaya xaalada Paul Pogba ku haysata Man United ayaa yidhi: “Paul isaga oo kaliya kuma tiirsana laakiin sidoo kale waxa uu ka tirsan yahay koox, waa sida isku duubnaanta ah ee loo ciyaarayo, xaaladu ma aha hal ciyaartoy oo kooxda guul gaadhsiinaya”.

Didier Deschamps oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: “Waxaa jira dhawr waxyaabood oo ay dadka waajib ku tahay in ay ogaadaan, ugu horayn waxaa jira sawrika Pual kaas oo aan ka turjumayn cida uu yahay, laga yaabee in ay sababtu tahay in aanu yara caadi ahayn ama uu tilmaan iska yara yahay”.

Intaa kadib Didier Deschamps ayaa ka hadlay muddadii dheerayd ee uu la soo shaqaynayay Pual Pogba wuxuuna yidhi: “Waxa uu isagu ila joogay ilaa 2013 kii taasi waa shan sanadood isla markaana qaabka uu u shaqeeyaa ma aha in uu naftiisa u shaqeeyo waa isaga oo qayb ka ah koox, taas ayaa xaqiiqdii muhiim ah”.

Didier Deschamps ayaa ka hadlay sida saxaafadu ay xaaladiisa u sii xumaysay isla markaana lacagtii ay Man United kula soo wareegtay ay ahayd mid lagu qoslo wuxuuna yidhi: “Sawirkiisa saxaafada ayaa wax walba sii adkaysay. Tirada lacagtii la soo wareegiseed ee Man United waxay ahayd mid lagu qoslo, wax sahlan may ahayn in la maamulo”.

Ugu danbayn Deschamps ayaa ka hadlay xaaladii Pogba ee koobka aduunka ee xulka qarankiisa France wuxuuna yidhi: “Intii lagu jiray koobka aduunka sumcadiisii ayuu soo ceshaday, xaqiiqdii wuu hadlayaa isaga ayayna cadaynaysaa, laakiin waxa ugu muhiimsani waa in Pual uu koobka adunka yimid isaga oo fikrad sax ah haysta, waxa uu isku diyaariyay in uu noqdo championska aaduunka, taas ayaa ahayd wixii uu maskaxda ku hayay”.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Madaxweynaha Ac Milan Paolo Scaroni Oo Dhac Layaab Leh Loo Geystay & Haweeney Qaab Cajiib Ah Garab Usiisay Dambiilaha.

(16-12-2018) Madaxweynaha kooxda Ac Milan Paolo Scaroni ayaa lagu soo waramayaa in laga xaday jimcadii shalay aheyd boorso ...

Macalinka Kooxda Liverpool Jurgen Klopp oo Ka Hadlay Jose Mourinho Ka Hor Ciyaarta Manchester United iyo Liverpool

(16-12-2018) Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa ka hadlay dhigiisa Manchester United ee Jose Mourinho iyo ciyaarta ay ...

Khabiirada Shabakadda Mirror Football Oo Isku Khilaafay Shaxda Isku Dhaf Ah Kulanka Liverpool vs Man United – Mid Walba Shax Ayuu Doortay!

(16-12-2018) Kulanka ugu weyn England ayaa berito dhici doona, waana kulan aan laga mideysneyn aragtida laga aaminsan yahay, ...

Wiilkii Uu Dunida Kaga Tegay Feedhyahankii Muslimka Ahaa Ee Mohamed Ali Oo Qarka U Saaran Inuu Dawarsado Ama Tuugsado Sabab?

(16-12-2018) Wiilka kaliya ee uu dhalay feedhyahankii Muslimka ahaa ee Muhammad Ali ayaa ku sugan xaalad nololeed oo ...

Wanda Nara Oo Diyaarinaysa Qandaraas Dabar Ku Noqonaya Mauro Icardi

(16-12-2018) Wanda Nara oo ah xaaska iyo Wakiilka ciyaartoyga reer Argentina ee Mauro Icardi oo afka hore uga ...

Farriintii Uu Diego Costa U Diray Arsenal Markii Uu Dhaawacay Laurent Koscielny Iyo Qaabkii Axmaqnimada Ahaa Ee Uu Isku Difaacay

(16-12-2018) Difaaca Arsenal ee Laurent Koscielny ayaa shaaciyey inuu u bilaabmay wax uu ugu yeedhay ‘Cutubka Cusub Ee ...

Barcelona Oo Baadi Goobaysa Beddelka Luis Suarez Iyo Xiddigaha Ay Isha Ku Hayso

(16-12-2018) Luis Suarez hadda da’diisu waxay noqotay 32 jir, waxaana kooxdiisa Barcelona u muuqatay in ay u baahan ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Manchester City oo Mar Kale Hogaanka Si Ku Meel Gaadh ah U Qabatay Maanta.

(15-12-2018) Cayaar ay maanta wada ciyaareen kooxda Manchester City iyo kooxda Everton oo ahayd horyaalka dalka ingiriiska oo ...

Layaab!: Boqortooyada Kuwait oo la ogaadey in ay lacag ka dhacday Cayaartoy waa weyn oo magac leh

(15-12-2018) Lix bilood kaddib markii dalka Kuwait uu martigeliyey ciyaar ay iskugu yimaaddeen xiddigaha waaweyn ee dunida oo ...

Dhamaan Kulamada Sabtiga iyo Saacadaha Geeska Africa ee ay bilaaban doonaan?

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa dhamaan Cayaaraha dhici doona Sabtiga ee ku tirsan Horyaalada kala duwan ee qaarada ...

Halyeygii Manchester United Ee Willie Morgan Oo Magacaabay Afarta Ciyaartoy Ee Uu Doonayo In Kooxdiisa Hore Iska Iibiso Bisha January

(15-12-2018) Halyeygii Manchester United ee Willie Morgan ayaa aaminsan in tababaraha kooxdaas Jose Mourinho ay tahay inuu iibiyo ...

May Ahayn In Arsenal Loo Ogolaado Inay Ciyaarto Europa League – Tababaraha Qarabag Oo Dood Cajiib Ah Bedka Keenay Kaddib Guushii Gunners Sabab?

(15-12-2018) Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa sii wadda guul-darro la’aanta xidhiidhka ah, waxaanay xalay 1-0 ku muquunisay naadiga ...

Qorshaha Jose Mourinho Ku Qaban Doono Salah, Mane & Firmino, Dhibaatada Difaaca Ee Haysata Iyo Sida Uu U Kala Xulan Doono Xiddigaha Uu Haysto

(15-12-2018) Manchester United ayaa Axadda safar ugu tegaysa Liverpool oo kulankooda ugu horreeya xili ciyaareedkan ee horyaalka Premier ...

Cristiano Ronaldo Oo Markale looga yeeray Maxkamad dalka Spain ah iyo Ciqaabta uu lakulmi doono?

(15-12-2018) Maxkamad ku taalla dalka Spain ayaa go’aamisay xilliga ay dhegaysan doonto dacwad la xidhiidha lunsi cashuuro oo ...

Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018 kaas ...