Thursday, January 17th, 2019

Kiiskii Kufsiga ee loo haystey Cristiano Ronaldo oo Weji Cusub yeeshay?

Published on October 3, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(03-10-2018) Qareenka u doodaya haweenayda ku eedaysay Cristiano Ronaldo inuu kufsaday ee Kathryn Mayorga ayaa maanta shir jaraa’id ku qabanaya magaalada Las Vegas ee waddanka Maraykanka, halkaas oo uu faahfaahin kaga bixin doono caddaymaha uu hayo iyo qaabkii uu Ronaldo u kufsaday haweenaydaas.

Kathryn Mayorga ayaa waraysi ay siisay Wargeyska Der Spiegel ee kasoo baxa waddanka Jarmalka, waxay markii ugu horreysay kaga hadashay qaabkii ay wax u dhaceen, iyadoo ka baxday heshiiskii ay lacagta kaga qaadatay Ronaldo sannadkii 2010 ee ahaa in aanay kiiska dibedda keenin.

Mayorga ayaa shaqaalaysiisatay qareen cusub oo u dooda, waxaana markiiba ay joojisay heshiiskii ay kula jirtay Ronaldo oo ay ku tilmaantay inuu sharci darro ahaa, isla markaana ay ka qoomamoonayso in ninkii kufsaday ay kula heshiisay in aanay sharciga la tiigsanin, lacag yar oo koobanna ay ka qaadatay.

Waraysigeeda waxay Kathryn Mayorga ku sheegtay in ay si dhab ah u canaananayso nafteeda sababtoo ah heshiiskaas, balse ay cambaarayn iyo canaan ba huwinayso qofkii kufsiga u geystay oo ah Cristiano Ronaldo.

Sida uu qoray wargeyska USA Today, booliska Las Vegas ayaa dib u furay kiiska kufsiga Ronaldo u geystay haweenaydan, waxaana ay bilaabeen baadhitaan, iyadoo wararku sheegayaan in Mayorga ay sannadkii 2009 booliska ku wargelisay in la kufsaday laakiin heshiis Ronaldo ay la gashay kaddib ay diidday inay sheegto qofkii kufsaday iyo sidii wax u dhaceen inay booliska la wadaagto.

Aden Ocampo oo ah afhayeenka booliska Las Vegas Metopolitan Police Department, ayaa xaqiijiyey inuu soo gaadhay kiiska kufsigu sannadkii 2009, ayna ogaayeen in Mayorga lagula kacay, hase yeeshee baadhitaankooda ay iyadu diidday inay caddaymo bixiso.

Si kastaba ha ahaatee, shirka jaraa’id ee uu maanta qabanayo qareenka Mayorga ayaa la filayaa in uu kusoo bandhigo faahfaahin dheeraad ah, taas oo dhibaato ku noqon doonta Cristiano Ronaldo ka hor inta aan looga yeedhin maxkamad ku taalla dalka Maraykanka oo uu ka furmi doono kiisku marka boolisku dhamaystaan baadhitaanka.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Madaxweynaha Ac Milan Paolo Scaroni Oo Dhac Layaab Leh Loo Geystay & Haweeney Qaab Cajiib Ah Garab Usiisay Dambiilaha.

(16-12-2018) Madaxweynaha kooxda Ac Milan Paolo Scaroni ayaa lagu soo waramayaa in laga xaday jimcadii shalay aheyd boorso ...

Macalinka Kooxda Liverpool Jurgen Klopp oo Ka Hadlay Jose Mourinho Ka Hor Ciyaarta Manchester United iyo Liverpool

(16-12-2018) Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa ka hadlay dhigiisa Manchester United ee Jose Mourinho iyo ciyaarta ay ...

Khabiirada Shabakadda Mirror Football Oo Isku Khilaafay Shaxda Isku Dhaf Ah Kulanka Liverpool vs Man United – Mid Walba Shax Ayuu Doortay!

(16-12-2018) Kulanka ugu weyn England ayaa berito dhici doona, waana kulan aan laga mideysneyn aragtida laga aaminsan yahay, ...

Wiilkii Uu Dunida Kaga Tegay Feedhyahankii Muslimka Ahaa Ee Mohamed Ali Oo Qarka U Saaran Inuu Dawarsado Ama Tuugsado Sabab?

(16-12-2018) Wiilka kaliya ee uu dhalay feedhyahankii Muslimka ahaa ee Muhammad Ali ayaa ku sugan xaalad nololeed oo ...

Wanda Nara Oo Diyaarinaysa Qandaraas Dabar Ku Noqonaya Mauro Icardi

(16-12-2018) Wanda Nara oo ah xaaska iyo Wakiilka ciyaartoyga reer Argentina ee Mauro Icardi oo afka hore uga ...

Farriintii Uu Diego Costa U Diray Arsenal Markii Uu Dhaawacay Laurent Koscielny Iyo Qaabkii Axmaqnimada Ahaa Ee Uu Isku Difaacay

(16-12-2018) Difaaca Arsenal ee Laurent Koscielny ayaa shaaciyey inuu u bilaabmay wax uu ugu yeedhay ‘Cutubka Cusub Ee ...

Barcelona Oo Baadi Goobaysa Beddelka Luis Suarez Iyo Xiddigaha Ay Isha Ku Hayso

(16-12-2018) Luis Suarez hadda da’diisu waxay noqotay 32 jir, waxaana kooxdiisa Barcelona u muuqatay in ay u baahan ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Manchester City oo Mar Kale Hogaanka Si Ku Meel Gaadh ah U Qabatay Maanta.

(15-12-2018) Cayaar ay maanta wada ciyaareen kooxda Manchester City iyo kooxda Everton oo ahayd horyaalka dalka ingiriiska oo ...

Layaab!: Boqortooyada Kuwait oo la ogaadey in ay lacag ka dhacday Cayaartoy waa weyn oo magac leh

(15-12-2018) Lix bilood kaddib markii dalka Kuwait uu martigeliyey ciyaar ay iskugu yimaaddeen xiddigaha waaweyn ee dunida oo ...

Dhamaan Kulamada Sabtiga iyo Saacadaha Geeska Africa ee ay bilaaban doonaan?

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa dhamaan Cayaaraha dhici doona Sabtiga ee ku tirsan Horyaalada kala duwan ee qaarada ...

Halyeygii Manchester United Ee Willie Morgan Oo Magacaabay Afarta Ciyaartoy Ee Uu Doonayo In Kooxdiisa Hore Iska Iibiso Bisha January

(15-12-2018) Halyeygii Manchester United ee Willie Morgan ayaa aaminsan in tababaraha kooxdaas Jose Mourinho ay tahay inuu iibiyo ...

May Ahayn In Arsenal Loo Ogolaado Inay Ciyaarto Europa League – Tababaraha Qarabag Oo Dood Cajiib Ah Bedka Keenay Kaddib Guushii Gunners Sabab?

(15-12-2018) Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa sii wadda guul-darro la’aanta xidhiidhka ah, waxaanay xalay 1-0 ku muquunisay naadiga ...

Qorshaha Jose Mourinho Ku Qaban Doono Salah, Mane & Firmino, Dhibaatada Difaaca Ee Haysata Iyo Sida Uu U Kala Xulan Doono Xiddigaha Uu Haysto

(15-12-2018) Manchester United ayaa Axadda safar ugu tegaysa Liverpool oo kulankooda ugu horreeya xili ciyaareedkan ee horyaalka Premier ...

Cristiano Ronaldo Oo Markale looga yeeray Maxkamad dalka Spain ah iyo Ciqaabta uu lakulmi doono?

(15-12-2018) Maxkamad ku taalla dalka Spain ayaa go’aamisay xilliga ay dhegaysan doonto dacwad la xidhiidha lunsi cashuuro oo ...

Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018 kaas ...