Thursday, January 17th, 2019

Jurgen Klopp Oo Dhabarka U Ritay Masuuliyadda Guul-darradii Ay Liverpool Kala Kulantay Napoli

Published on October 4, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(04-10-2018) Liverpool ayaa xalay guul-darro qadhaadh kala soo laabatay waddanka Talyaaniga oo ay kula soo ciyaartay Napoli, waxaana daqiiqadihii ugu dambeeyey laga dhaliyey hal gool oo ku qasbay tababare Klopp inuu si buuxda dhabarka ugu rito masuuliyadda khasaaraha.

Tababare Klopp ayaa qirtay in kooxdiisu ay xalay fagaaraha la timid bandhig ciyaareed aad u liita oo aan baryahan lagu arag, isla markaana si weyn looga gacan sarreeyay.

Liverpool ayaa loo diiwaangeliyey in rikoodhkii ugu liitay muddo 12 sannadood ah marka la eego sida aanay hal jeer u tooganin goolka kooxda kasoo horjeedda, waxaana sidan oo kale ay ku dhacday February 2006 kulan ay Benfica kaga adkaatay 1-0.

Haddaba, tababare Klopp oo warbaahinta la hadlay ciyaarta kaddib ayaa qiray in khalad dhinaciisa ka yimid uu sabab u noqday ciyaarta liidata ee kooxdiisu la timid garoonka, waxaanu yidhi: “Qayb weyn oo ka mid ah bandhiggu waxa uu ahaa khalad aan anigu sameeyey, laakiin waxa aan u baahanahay ugu yaraan inaan hal habeen dib u daawado oo aan arko waxa uu ahaa khaladkaas oo aanan filaynin.”

Tababare Klopp waxa uu ballanqaaday inuu sixi doono khaladaadkii dhacay oo ay wax ka baran doonaan, waxaanu yidhi: “Waxa aan hubaa in sababuhu ay cad yihiin kaddibna aanu xallin doono, laakiin maanaan fiicnayn, caadiyanna haddii aanad wanaagsanayn waad khasaaraysaa.”

Tababaruhu waxa uu tibaaxay in qaybtii hore ee ciyaarta ay Liverpool yara fiicnayd, laakiin qaybtii dambe ay kasii dartay, isagoo si gaar ah u tibaaxay in xiddiga kooxda ugu wanaagsanaa uu ahaa goolhayihiisa oo ka badbaadiyey kubbado badan oo goolal noqon lahaa.

“Qaybtii hore xoogaa iska caadi ayay ahayd laakiin qaybtii labaad noomay fiicnayn, mar walbana waa calaamad xun marka la yidhaahdo goolhayahaaga ayaa ahaa ciyaartoyga ugu wanaagsan. Ma garanayo markii ugu dambaysay ee ay nagu dhacdo in aanaan hal mar tooganin goolka.” Ayuu yidhi Klopp.

Liverpool waxa ciyaartan kaga dhaawacmay laacibka khadka dhexe ee Naby Keita oo garoonka laga dhex qaaday, kaas oo Klopp uu tilmaamay inuu dhabarka wax ka qabo, hase yeeshee baadhitaano lagu samayn doono.

Liverpool ayaa waxa Axadda sugaysa ciyaar adag oo horyaalka Premier League ah oo ay la ciyaari doonaan Manchester City, ka hor inta aan la gelin fasax kooban.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Madaxweynaha Ac Milan Paolo Scaroni Oo Dhac Layaab Leh Loo Geystay & Haweeney Qaab Cajiib Ah Garab Usiisay Dambiilaha.

(16-12-2018) Madaxweynaha kooxda Ac Milan Paolo Scaroni ayaa lagu soo waramayaa in laga xaday jimcadii shalay aheyd boorso ...

Macalinka Kooxda Liverpool Jurgen Klopp oo Ka Hadlay Jose Mourinho Ka Hor Ciyaarta Manchester United iyo Liverpool

(16-12-2018) Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa ka hadlay dhigiisa Manchester United ee Jose Mourinho iyo ciyaarta ay ...

Khabiirada Shabakadda Mirror Football Oo Isku Khilaafay Shaxda Isku Dhaf Ah Kulanka Liverpool vs Man United – Mid Walba Shax Ayuu Doortay!

(16-12-2018) Kulanka ugu weyn England ayaa berito dhici doona, waana kulan aan laga mideysneyn aragtida laga aaminsan yahay, ...

Wiilkii Uu Dunida Kaga Tegay Feedhyahankii Muslimka Ahaa Ee Mohamed Ali Oo Qarka U Saaran Inuu Dawarsado Ama Tuugsado Sabab?

(16-12-2018) Wiilka kaliya ee uu dhalay feedhyahankii Muslimka ahaa ee Muhammad Ali ayaa ku sugan xaalad nololeed oo ...

Wanda Nara Oo Diyaarinaysa Qandaraas Dabar Ku Noqonaya Mauro Icardi

(16-12-2018) Wanda Nara oo ah xaaska iyo Wakiilka ciyaartoyga reer Argentina ee Mauro Icardi oo afka hore uga ...

Farriintii Uu Diego Costa U Diray Arsenal Markii Uu Dhaawacay Laurent Koscielny Iyo Qaabkii Axmaqnimada Ahaa Ee Uu Isku Difaacay

(16-12-2018) Difaaca Arsenal ee Laurent Koscielny ayaa shaaciyey inuu u bilaabmay wax uu ugu yeedhay ‘Cutubka Cusub Ee ...

Barcelona Oo Baadi Goobaysa Beddelka Luis Suarez Iyo Xiddigaha Ay Isha Ku Hayso

(16-12-2018) Luis Suarez hadda da’diisu waxay noqotay 32 jir, waxaana kooxdiisa Barcelona u muuqatay in ay u baahan ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Manchester City oo Mar Kale Hogaanka Si Ku Meel Gaadh ah U Qabatay Maanta.

(15-12-2018) Cayaar ay maanta wada ciyaareen kooxda Manchester City iyo kooxda Everton oo ahayd horyaalka dalka ingiriiska oo ...

Layaab!: Boqortooyada Kuwait oo la ogaadey in ay lacag ka dhacday Cayaartoy waa weyn oo magac leh

(15-12-2018) Lix bilood kaddib markii dalka Kuwait uu martigeliyey ciyaar ay iskugu yimaaddeen xiddigaha waaweyn ee dunida oo ...

Dhamaan Kulamada Sabtiga iyo Saacadaha Geeska Africa ee ay bilaaban doonaan?

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa dhamaan Cayaaraha dhici doona Sabtiga ee ku tirsan Horyaalada kala duwan ee qaarada ...

Halyeygii Manchester United Ee Willie Morgan Oo Magacaabay Afarta Ciyaartoy Ee Uu Doonayo In Kooxdiisa Hore Iska Iibiso Bisha January

(15-12-2018) Halyeygii Manchester United ee Willie Morgan ayaa aaminsan in tababaraha kooxdaas Jose Mourinho ay tahay inuu iibiyo ...

May Ahayn In Arsenal Loo Ogolaado Inay Ciyaarto Europa League – Tababaraha Qarabag Oo Dood Cajiib Ah Bedka Keenay Kaddib Guushii Gunners Sabab?

(15-12-2018) Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa sii wadda guul-darro la’aanta xidhiidhka ah, waxaanay xalay 1-0 ku muquunisay naadiga ...

Qorshaha Jose Mourinho Ku Qaban Doono Salah, Mane & Firmino, Dhibaatada Difaaca Ee Haysata Iyo Sida Uu U Kala Xulan Doono Xiddigaha Uu Haysto

(15-12-2018) Manchester United ayaa Axadda safar ugu tegaysa Liverpool oo kulankooda ugu horreeya xili ciyaareedkan ee horyaalka Premier ...

Cristiano Ronaldo Oo Markale looga yeeray Maxkamad dalka Spain ah iyo Ciqaabta uu lakulmi doono?

(15-12-2018) Maxkamad ku taalla dalka Spain ayaa go’aamisay xilliga ay dhegaysan doonto dacwad la xidhiidha lunsi cashuuro oo ...

Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018 kaas ...