Sunday, October 21st, 2018

Hadalladii Sababta U Noqday Xaaladda Cakiran Ee Mourinho Oo La Ogaaday

Published on October 6, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(06-10-2018) Xidhiidhka uu tababare Jose Mourinho la leeyahay ciyaartooyada kooxdiisa Manchester United ayaa mar kaliya isku beddelay mid cakiran, taas oo ay sababtay khaladaad ka yimid dhinaciisa.

Xili ciyaareedkii hore markii ay kooxdu gashay kaalinta labaad ee ay soo qaban kari weyday Man City, waxa la arkayey tababaraha oo ciyaartooyada saf gelinaya isla markaana weydiisanaya inay dhegaystaan, hase yeeshee iyagoo niyad samaan ku qaba ayaa ay dhegaha siinayeen, halka jamaahiirtuna ay luminayeen kalsoonida ay ku qabaan.

Ciyaartooyada ayaa mar kaliya dhabarka u jeediyey tababarahooda waxaana ay arrintu bilaabantay dhamaadka xili ciyaareedkii tegay, hase yeeshee wakhtigii ciyaaraha saaxiibtinimo ay kooxdu ugu safartay Maraykanka, ayaa waxa dhacay dhawr arrimood oo ka yimid dhinaca tababaraha oo uga sii daray xaaladda.

Mourinho oo sida lagu yaqaano caan ku ah hadallo aan laga fiirsanin oo xanaf leh ayaa saddex jeer oo warbaahinta la hadlay, waxay sabab u noqdeen in gebi ahaanba ay dhinac ka wada maraan ciyaartooyadu.

Waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa saddex jeer oo uu warbaahinta la hadlay Mourinho oo uu si toos ah u weeraray ciyaartooyadiisa, kuwaas oo xaaladda cirka ku shareeray.

Weerarkii Phil Jones iyo Eric Bailly ee kaddib Guul-darradii Carabao Cup: Kaddib markii ay dhamaatay ciyaartii masiibadu ka bilaabantay ee ay Manchester United kaga hadhay tartanka Carabao Cup oo ay ka reebtay kooxda yar ee Derby County, tababare Jose Mourinho ayaa si toos ah warbaahinta horteeda uga weeraray labada ciyaartoy ee Phil Jones iyo Eric Bailly oo difaaca ka ciyaarayay.

Ciyaartan oo lagu kala baxay rikoodheyaal, ayaa waxa bilowgiiba gool ku laaggiisii khasaariyey Jones, hase yeeshee Mourinho oo ay ahayd inuu si guud uga hadlo qaab ciyaareedkii kooxdiisa, ayaa waxa uu warbaahinta horteeda ka magacaabay labadiisan difaac oo uu xusay inuu marka horeba sii ogaa inuu guul-darraysan doono ka hor intii aanu ciyaarsiinin.

“Waan sii garanayey in aanu dhibaatoon doono mar haddii ay Jones iyo Eric ciyaarayaan. Waan sii garanayey in kaddibna aanu dhibaato geli doono.” Sidaas ayuu Mourinho warbaahinta ka hor yidhi.

Bahdilaaddii uu Paul Pogba ugu geystay saxaafadda horteeda: Weli dhacdadan cidina ma illoobin, waanay adag tahay in maskaxda dadka caafimaadka qaba ay ka baxdo.

Ciyaartii Derby County ee ay kaga hadheen tartanka Carabao Cup, waxa uu Mourinho warbaahinta horteeda si toos ah ula hadlay Paul Pogba oo uu amar ku siiyey inuu meesha ka baxo, taas oo u muuqatay istusnimo iyo inuu saxaafadda la wadaagayo cidda ka talisa ee amarkiisu ka shaqeeyo kooxda dhexdeeda.

Lama garanayo ujeeddada uu Mourinho ka lahaa hadalkaas, hase yeeshee, waxa Pogba kaga jawaabay sawir ay kula jiraan qaar ka mid ah asxaabtiisa oo uu ku muujinayo inuu fasaxsan yahay oo uu ku baahiyey bartiisa bulshada.

Weerarkii ugu dambeeyey ee ciyaartii Valencia kaddib: Markii ay dhamaatay ciyaartii ay barbar dhaca goolal la’aanta ah ku kala baxeen Valencia, tababare Jose Mourinho ayaa si guud warbaahinta horteeda uga weeraray ciyaaryahannada kooxdiisa oo uu ku tilmaamay in aanay lahayn tayadii ay ku abuuri lahaayeen fursado ay guul ku gaadhaan.

Mourinho oo warbaahinta la hadlaya Arbacadii ayaa waxa uu yidhi: “Waxa aanu isku daynay inaanu ciyaarno laakiin meelaha muhiimka ah ee wejiga kubbad dhisidda, maanaan lahayn farsamadii tayada lahayd ee aanu xagga dambe kaga soo dhisi lahayn kubadda. Waxa aanu isku daynay inaanu fursado abuurno oo aanu ciyaarta ku guuleysano, laakiin waxaanu ognahay in aanaan doonaynin inaanu samayno 20 fursadood.”

Saddexdaas jeer ee uu warbaahinta ka weeraray ciyaartooyadiisa ayaa waxay sii xumeeyeen xidhiidhka u dhexeeya laacibiinta Manchester United iyo Jose Mourinho, waxaanay u muuqataa in hadda uu dhamaad yahay wakhtigiisii Old Trafford.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

DEG DEG: Lionel Messi oo Garoonka laga Saaray kadib dhaawac Culus oo soo gaaray+Sawiro

(21-10-2018) Cayaaryahanka kooxda Barcelona ee Linel Messi ayaa laga saaray Kulanka xiisaha badan ee ay lacayaarayaan kooxda Sevilla ...

Juventus oo lumisey dhibcihii koobaad Horyaalka Talyaaniga Xiligaan+Sawiro

(21-10-2018) Kooxda Kubada Cagta Juventus ee hogaanka u haysa Horyaalka Talyaaniga ayaa lumisey dhibcihii koobaad kadib markii ay ...

Daawo: Manchester City oo u awood sheegatay Burnley lana wareegtay hogaanka Horyaalka Ingiriiska

(20-10-2018) Kooxda Manchester ayaa ka faa’iidaysataya barbarihii ay Cheslealagashay Man United, waxayna si toos ula wareegtay hogaanka horyaalka, ...

Goolka Cristiano Ronaldo oo Record Cusub ku soo kordhiyey Kubada Cagta yurub?

(20-10-2018) Cayaaryahanka kooxda Kubada cagta Juventus ee Cristiano Ronaldo oo Gool ka dhaliyey kooxda Genoa kulan hada socda oo ...

Kumuu ahaa Cayaaryhanka loo doortay Man of the Match Kulankii Chelsea iyo Manchester United

(20-10-2018) Kadib kulankii xiisaha badnaa ee dhe maray kooxaha Chelsea iyo Manchester United waxaa lasoo saaray Cayaaryahankii loo ...

Jose Mourinho muxuu u dagaalamay markii labareejeeyey kooxdiisa+Sawiro

(20-10-2018) Macalinka kooxda Manchetser United Jose Mourinho ayaa la arkayey isaga oo dagaalamaya Markii laga dhaliyey Goolka bareejada ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Real Madrid oo lagu garaacay Garoonkeeda

(20-10-2018) Kooxda Kubada Cagta Real Madrid ayaa Guuldaro kala kulantay kooxda Levante oo ay Duhurnimadii maanta kula Cayaareen ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Chelsea oo bareejo ka tuugtay Manchester United

(20-10-2018) Kooxda kubada Cagta Manchetser United ayaa ku dhawaatay in ay Garoonkeeda ku Garaacdo kooxda Chelsea kadib markii ...

Dhamaan Kulamada Galabta iyo Caawa Saacadaha Geeska Africa ee midkastaa bilaaban doonto

(20-10-2018) Waxaa Galabta iyo Caawa lacayaari doonaa kulamo aad u xiiso badan oo kutirsan Horyaalada kala duwan ee ...

Daawo Sawirada Cayaartoyda Manchester United oo soo gaaray London

(20-10-2018) Cayaartoyda kooxda Manchyester United ayaa soo gaaray magaalada London halkaa oo ay ka degeen Hotel iyaga oo ...

Paris Saint-Germain oo bilaawday in ay Raadiso badelka Neymar

(20-10-2018) Kooxda Kubaad cagta Paris Saint-Germain  ayaa lasheegayaa in ay durba bilaawday Cayaaryahankii badelka u noqon lahaa Xiddiga dalka ...

Daawo Sawirada Kooxda Banaadir Sports oo qaaday koobkii Jeneral Da uud 2018

(19-10-2018) Kooxda Kubada Cagta Banaadir Sports ayaa ku Guuleysatay koobka koobabka Jeneral Daa uud ka dib markii ay ...

Baaritaan lagu Samayn doono qaabkii ay AC Milan ula Wareegtay Lucas Paqueta?

(19-10-2018) Wararka ka imaanaya dalka Braziil ayaa sheegaya in baaritaan lagu samayn doono qaabkii uu u dhacay heshiiska ...

Magacyada iyo Sawirada 6 da Macalin ee ugu Guuldarada Badana Taariikhda Premier League

(19-10-2018) Waxaan idiin soo gudbineynaa aqristeyaal Magacyada iyo Sawirada 6 da Macalin ee ugu Guuldarada badan Taariikhda Horyaalka Premier ...

Digniin: Julen Lopetegui oo loo qabtay Sadex Kulan in uu shaqadiisa ku bad baadiyo

(19-10-2018) Maamulka kooxda Kubada Cagta Real Madrid ayaa lasheegayaa in ay digniin kama dambays ah u direen Macalinka ...