Sunday, October 21st, 2018

Barcelona, Real Madrid, Man United iyo Bayern Munich Oo Caydhinaya Tababareyaashooda

Published on October 8, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(08-10-2018) Shanta kooxood ee ugu waaweyn dunida ayaa toddobaadkan isku diyaarinaya xaalad adag oo ay ku beddelayaan macallimiintooda kaddib dhibaatooyin guulo la’aan iyo khasaare ah oo iskugu xig-xigay.

Jose Mourinho oo ah tababaraha ugu hadal haynta badan leh macallimiinta ay shaqadoodu halista ku jirto, ayaa waxa uu hoggaaminayaa liiskan, hase yeeshee waxa uu garab ka helayaa oo caydhinta la wadaagaya afar macallin oo kale oo la qaybsan doona indhaha warbaahinta ee markii hore kaligii hayey.

Tababaraha ugu horreeya ee la caydhin doono ayaa la tilmaamay inuu yahay macallinka Bayern Munich ee Kovac oo afartii ciyaarood ee ugu dambeeyey laga badiyey, isla markaana ay qaar ka mid ah ciyaartooyadiisa oo uu ku jiro James Rodriguez ay isku dhaceen.

Bayern Munich ayaa sabtidii guul darro qadhaadh kala kulantay  Borussia Mönchengladbach, waxaana uga sii horreeyey saddex guul-darro oo kale oo ay u xambaariyeen Augsburg, Ajax iyo Hertha Berlin, waxaana la sugayaa in maamulka sare ee naadigu uu qaato go’aankii uu Carlo Ancelotti shaqada kaga caydhiyey xili ciyaareedkii hore oo badhtamaha maraya oo kale.

Kooxda labaad ee macallinkeeda caydhin karta ee Manchester United oo inkasta oo ay guul layaab leh kasoo hoysay ciyaartii Newcastle, haddana aanay wanaagsanayn sansaanta ka muuqata Old Trafford, waxaana la filayaa in ugu dambayn dhamaadka bishan uu Jose Mourinho shandaddiisa ka qaadan doono Red Devils.

Real Madrid ayaa iyaduna gashay xaalad cakiran, waxaana ay afartii ciyaarood ee ugu dambaysay la deristay laba guul-darro iyo laba barbardhac, waxaana ka daran in xattaa hal gool aanay dhalinin.

Tababare Julen Lopetegui ayaa Sabtidii qirtay in xaaladda kooxdiisu adag tahay, waxaanu ka dalbaday taageereyaasha inay u samraan, hase yeeshee, madaxweyne Perez ayaa caan ku ah in marka ay kubaddu dafirto tababaraha uu si degdeg ah dariiqa ugu rido.

Kooxda afraad ee ka fikiraysa beddelka tababaraheedu waa Barcelona oo afar ciyaarood oo horyaalka ah aan guuleysanin, kuwaas oo hal guul-darro iyo saddex barbar dhac ah soo xareeyey.

Tababare Ernesto Valverde ayaa kasoo muuqday liiska tababareyaasha ay shaqadoodu halista ku jirto, waxaana wararka laga helayo Spain ay sheegayaan in maamulka kooxdu uu lumiyey kalsoonidii ay ku qabeen.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

DEG DEG: Lionel Messi oo Garoonka laga Saaray kadib dhaawac Culus oo soo gaaray+Sawiro

(21-10-2018) Cayaaryahanka kooxda Barcelona ee Linel Messi ayaa laga saaray Kulanka xiisaha badan ee ay lacayaarayaan kooxda Sevilla ...

Juventus oo lumisey dhibcihii koobaad Horyaalka Talyaaniga Xiligaan+Sawiro

(21-10-2018) Kooxda Kubada Cagta Juventus ee hogaanka u haysa Horyaalka Talyaaniga ayaa lumisey dhibcihii koobaad kadib markii ay ...

Daawo: Manchester City oo u awood sheegatay Burnley lana wareegtay hogaanka Horyaalka Ingiriiska

(20-10-2018) Kooxda Manchester ayaa ka faa’iidaysataya barbarihii ay Cheslealagashay Man United, waxayna si toos ula wareegtay hogaanka horyaalka, ...

Goolka Cristiano Ronaldo oo Record Cusub ku soo kordhiyey Kubada Cagta yurub?

(20-10-2018) Cayaaryahanka kooxda Kubada cagta Juventus ee Cristiano Ronaldo oo Gool ka dhaliyey kooxda Genoa kulan hada socda oo ...

Kumuu ahaa Cayaaryhanka loo doortay Man of the Match Kulankii Chelsea iyo Manchester United

(20-10-2018) Kadib kulankii xiisaha badnaa ee dhe maray kooxaha Chelsea iyo Manchester United waxaa lasoo saaray Cayaaryahankii loo ...

Jose Mourinho muxuu u dagaalamay markii labareejeeyey kooxdiisa+Sawiro

(20-10-2018) Macalinka kooxda Manchetser United Jose Mourinho ayaa la arkayey isaga oo dagaalamaya Markii laga dhaliyey Goolka bareejada ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Real Madrid oo lagu garaacay Garoonkeeda

(20-10-2018) Kooxda Kubada Cagta Real Madrid ayaa Guuldaro kala kulantay kooxda Levante oo ay Duhurnimadii maanta kula Cayaareen ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Chelsea oo bareejo ka tuugtay Manchester United

(20-10-2018) Kooxda kubada Cagta Manchetser United ayaa ku dhawaatay in ay Garoonkeeda ku Garaacdo kooxda Chelsea kadib markii ...

Dhamaan Kulamada Galabta iyo Caawa Saacadaha Geeska Africa ee midkastaa bilaaban doonto

(20-10-2018) Waxaa Galabta iyo Caawa lacayaari doonaa kulamo aad u xiiso badan oo kutirsan Horyaalada kala duwan ee ...

Daawo Sawirada Cayaartoyda Manchester United oo soo gaaray London

(20-10-2018) Cayaartoyda kooxda Manchyester United ayaa soo gaaray magaalada London halkaa oo ay ka degeen Hotel iyaga oo ...

Paris Saint-Germain oo bilaawday in ay Raadiso badelka Neymar

(20-10-2018) Kooxda Kubaad cagta Paris Saint-Germain  ayaa lasheegayaa in ay durba bilaawday Cayaaryahankii badelka u noqon lahaa Xiddiga dalka ...

Daawo Sawirada Kooxda Banaadir Sports oo qaaday koobkii Jeneral Da uud 2018

(19-10-2018) Kooxda Kubada Cagta Banaadir Sports ayaa ku Guuleysatay koobka koobabka Jeneral Daa uud ka dib markii ay ...

Baaritaan lagu Samayn doono qaabkii ay AC Milan ula Wareegtay Lucas Paqueta?

(19-10-2018) Wararka ka imaanaya dalka Braziil ayaa sheegaya in baaritaan lagu samayn doono qaabkii uu u dhacay heshiiska ...

Magacyada iyo Sawirada 6 da Macalin ee ugu Guuldarada Badana Taariikhda Premier League

(19-10-2018) Waxaan idiin soo gudbineynaa aqristeyaal Magacyada iyo Sawirada 6 da Macalin ee ugu Guuldarada badan Taariikhda Horyaalka Premier ...

Digniin: Julen Lopetegui oo loo qabtay Sadex Kulan in uu shaqadiisa ku bad baadiyo

(19-10-2018) Maamulka kooxda Kubada Cagta Real Madrid ayaa lasheegayaa in ay digniin kama dambays ah u direen Macalinka ...