Sunday, October 21st, 2018

Liiska Xiddigaha Ku Tartami Doono Abaal-marinta Ballon d’Or Oo Lagu Dhowaaqay

Published on October 8, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(08-10-2018) Wargeyska France Footballa Magazine ayaa shaaciyey qaybta hore ee liiska ciyaartooyada ku tartami doona abaalmarinta xiddiga adduunka ee Ballon d’Or oo lagu dhowaaqi doono 3 December.

Liiska gaaban ee 30-ka ciyaartoy ee dunida ugu wanaagsan ee ku tartami doona Abaal-marinta Ballon d’Or ayaa marba shan ciyaartoy lasoo daabici doonaa, waxaana hoggaaminaya xiddigaha hadda la shaaciyey Gareth Bale oo ay wehelinayaan afar laacib oo ay ka mid yihiin Sergio Ramos, Karim Benzema, Edinson Cavani iyo Alisson Becker.

Liiska ciyaartooyada 30-ka ah oo la filayo in qaybaha dambe ay ku jiraan Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi oo tobankii sannadood ee ugu dambeeyey marba mid qaadanayay ayaa ku jira xiddigaha sannadkana tartamaya, hase yeeshee xiddiga dhowaan ay FIFA u aqoonsatay inuu yahay kan dunida ugu fiicnaa ee Luka Modric ayaa isaguna u dagaallami doona inuu ka rito oo uu abaal-marinta Ballon d’Or markiisii ugu horreysay guddoomo.

Liiska oo loo habeeyey qaabka xarfuhu u kala horreeyaan, ayaa waxa la sheegay in aanay ku jirin Pierre-Emerick Aubameyang iyo goolhaye Gianluiigi Buffon, kuwaas haddii ay liiska kusoo baxayaan ay ahayd inay shanta hore ka mid ahaadaan.

Abaalmarinta Ballon d’Or oo markii ugu horreeyey la sameeyey sannadkii 1956 ayaa waxay ku guuleystay Sir Stanley Mattheews, waxaana sannadkan la filayaa in midkood uu qaato shanta ciyaartoy ee Lionel Messi, Cristiano ROnaldo, Luka Modric, Kylian Mbappe iyo Neymar.

Magacyada shanta ciyaartoy ee ugu horreeya ee la shaaciyey:

Allison (Liverpool)

Sergio Aguero (Manchester City)

Gareth Bale (Real Madrid)

Karin Benzema (Real Madrid)

Edinson Cavani (Paris Saint-Germain)

Sidee loogu Kala Guuelystay Abaalmarinta Tobankii Sannadood Ee U Dambeeyey

 

Snd         Xiddiga                Kalinta 2aad        kaalinta 3aad

2008       Cristiano Ronaldo             Lionel Messi       Fernando Torres

2009       Lionel Messi       Cristiano Ronaldo             Xavi

2010       Lionel Messi       Andres Iniesta   Xavi

2011       Lionel Messi       Cristiano Ronaldo             Xavi

2012       Lionel Messi       Cristiano Ronaldo             Andres Iniesta

2013       Cristiano Ronaldo             Lionel Messi       Franck Ribery

2014       Cristiano Ronaldo             Lionel Messi       Manuel Neuer

2015       Lionel Messi       Cristiano Ronaldo             Neymar

2016       Cristiano Ronaldo             Lionel Messi       Antoine Griezmann

2017       Cristiano Ronaldo             Lionel Messi       Neymar

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

DEG DEG: Lionel Messi oo Garoonka laga Saaray kadib dhaawac Culus oo soo gaaray+Sawiro

(21-10-2018) Cayaaryahanka kooxda Barcelona ee Linel Messi ayaa laga saaray Kulanka xiisaha badan ee ay lacayaarayaan kooxda Sevilla ...

Juventus oo lumisey dhibcihii koobaad Horyaalka Talyaaniga Xiligaan+Sawiro

(21-10-2018) Kooxda Kubada Cagta Juventus ee hogaanka u haysa Horyaalka Talyaaniga ayaa lumisey dhibcihii koobaad kadib markii ay ...

Daawo: Manchester City oo u awood sheegatay Burnley lana wareegtay hogaanka Horyaalka Ingiriiska

(20-10-2018) Kooxda Manchester ayaa ka faa’iidaysataya barbarihii ay Cheslealagashay Man United, waxayna si toos ula wareegtay hogaanka horyaalka, ...

Goolka Cristiano Ronaldo oo Record Cusub ku soo kordhiyey Kubada Cagta yurub?

(20-10-2018) Cayaaryahanka kooxda Kubada cagta Juventus ee Cristiano Ronaldo oo Gool ka dhaliyey kooxda Genoa kulan hada socda oo ...

Kumuu ahaa Cayaaryhanka loo doortay Man of the Match Kulankii Chelsea iyo Manchester United

(20-10-2018) Kadib kulankii xiisaha badnaa ee dhe maray kooxaha Chelsea iyo Manchester United waxaa lasoo saaray Cayaaryahankii loo ...

Jose Mourinho muxuu u dagaalamay markii labareejeeyey kooxdiisa+Sawiro

(20-10-2018) Macalinka kooxda Manchetser United Jose Mourinho ayaa la arkayey isaga oo dagaalamaya Markii laga dhaliyey Goolka bareejada ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Real Madrid oo lagu garaacay Garoonkeeda

(20-10-2018) Kooxda Kubada Cagta Real Madrid ayaa Guuldaro kala kulantay kooxda Levante oo ay Duhurnimadii maanta kula Cayaareen ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Chelsea oo bareejo ka tuugtay Manchester United

(20-10-2018) Kooxda kubada Cagta Manchetser United ayaa ku dhawaatay in ay Garoonkeeda ku Garaacdo kooxda Chelsea kadib markii ...

Dhamaan Kulamada Galabta iyo Caawa Saacadaha Geeska Africa ee midkastaa bilaaban doonto

(20-10-2018) Waxaa Galabta iyo Caawa lacayaari doonaa kulamo aad u xiiso badan oo kutirsan Horyaalada kala duwan ee ...

Daawo Sawirada Cayaartoyda Manchester United oo soo gaaray London

(20-10-2018) Cayaartoyda kooxda Manchyester United ayaa soo gaaray magaalada London halkaa oo ay ka degeen Hotel iyaga oo ...

Paris Saint-Germain oo bilaawday in ay Raadiso badelka Neymar

(20-10-2018) Kooxda Kubaad cagta Paris Saint-Germain  ayaa lasheegayaa in ay durba bilaawday Cayaaryahankii badelka u noqon lahaa Xiddiga dalka ...

Daawo Sawirada Kooxda Banaadir Sports oo qaaday koobkii Jeneral Da uud 2018

(19-10-2018) Kooxda Kubada Cagta Banaadir Sports ayaa ku Guuleysatay koobka koobabka Jeneral Daa uud ka dib markii ay ...

Baaritaan lagu Samayn doono qaabkii ay AC Milan ula Wareegtay Lucas Paqueta?

(19-10-2018) Wararka ka imaanaya dalka Braziil ayaa sheegaya in baaritaan lagu samayn doono qaabkii uu u dhacay heshiiska ...

Magacyada iyo Sawirada 6 da Macalin ee ugu Guuldarada Badana Taariikhda Premier League

(19-10-2018) Waxaan idiin soo gudbineynaa aqristeyaal Magacyada iyo Sawirada 6 da Macalin ee ugu Guuldarada badan Taariikhda Horyaalka Premier ...

Digniin: Julen Lopetegui oo loo qabtay Sadex Kulan in uu shaqadiisa ku bad baadiyo

(19-10-2018) Maamulka kooxda Kubada Cagta Real Madrid ayaa lasheegayaa in ay digniin kama dambays ah u direen Macalinka ...