Thursday, January 17th, 2019

Tababaraha Barcelona Oo Qirtay In Kooxdiisu Dhibaato Weyn Ku Jirto

Published on October 8, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(08-10-2018) Kaddib barbar-dhacii ay Barcelona la gashay Valencia, waxa u buuxsamay afar ciyaarood oo xidhiidh ah oo horyaalka LaLiga ka tirsan oo aanay guul arag, waxaanay taasi keentay in kaalinta labaad ay u daadegaan xili ay kooxo badan kusoo dhowaadeen.

Gool uu ciyaarta oo laba daqiiqadood oo kaliya socota Valencia u dhaliyey Ezequiel Garay ayaa dhibaato weyn ku noqday Barcelona oo uu barbar dhac u keenay Lionel Messi, hase yeeshee intaa wixii ka dambeeyey labada kooxoodba waxay awoodi kari waayeen inay shabaqa taabtaan.

Tababaraha Valverde oo ciyaarta kaddib warbaahinta la hadlay ayaa soo bandhigay wax kooxdiisa ka khaldan, waxaana uu tibaaxay in sidii caadiga ahayd ay iskugu diyaariyeen ciyaartan balse ay awoodi kari waayeen inay jabiyaan difaaca birta ah ee isku duuban.

“Kooxdu waxay la tagtay garoonka maskaxdii aanu marka horeba lahaan jirnay ee sidoo kale afartii maalmood ee horeba aanu la shir tagnay, markii ay bilaabantay ee ay laba daqiiqo socotay ayaa gool la naga dhaliyey, ciyaartuna way na dafirtay.” Sidaas ayuu yidhi Valverde.

Tababarahan oo uu saaran yahay cadaadis waxa uu tibaaxay in mar kasta Barcelona lagaga horreeyo goolal, ayna yihiin sidii kuwo ka hor tegaya mowjadaha badda hase yeeshee ay isbeddel samayn doonaan.

Ernesto Valverde waxa uu ku dooday in ciyaartooyadiisu ay nasteen afar maalmood oo kaliya balse Valencia ay shan cisho nasanaysay, taasina ay fursad u ahayd kooxda kasoo horjeedda, kuwaas oo uu xusay inay heleen laba illaa saddex fursadood oo ay goolal kale ku dhalin karayeen ka hor intii aanay maamulka ciyaartu usoo gacan gelin kooxdiisa.

“Waa run in aanu ciyaarnay afar maalmood ka hor, iyaguna shan maalmood ka hor. Marka kooxdu ay dib kuugu fadhiisato ee ay si fiican oo wada-jir ahna isku difaacdo, way adag tahay. Waxay sugayeen inay helaan khalad ay difaacayagu sameeyaan, waana adagaal adag inaad hesho sidii aad ku hallin lahayd.” Ayuu mar kale yidhi Valverde.

 

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Madaxweynaha Ac Milan Paolo Scaroni Oo Dhac Layaab Leh Loo Geystay & Haweeney Qaab Cajiib Ah Garab Usiisay Dambiilaha.

(16-12-2018) Madaxweynaha kooxda Ac Milan Paolo Scaroni ayaa lagu soo waramayaa in laga xaday jimcadii shalay aheyd boorso ...

Macalinka Kooxda Liverpool Jurgen Klopp oo Ka Hadlay Jose Mourinho Ka Hor Ciyaarta Manchester United iyo Liverpool

(16-12-2018) Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa ka hadlay dhigiisa Manchester United ee Jose Mourinho iyo ciyaarta ay ...

Khabiirada Shabakadda Mirror Football Oo Isku Khilaafay Shaxda Isku Dhaf Ah Kulanka Liverpool vs Man United – Mid Walba Shax Ayuu Doortay!

(16-12-2018) Kulanka ugu weyn England ayaa berito dhici doona, waana kulan aan laga mideysneyn aragtida laga aaminsan yahay, ...

Wiilkii Uu Dunida Kaga Tegay Feedhyahankii Muslimka Ahaa Ee Mohamed Ali Oo Qarka U Saaran Inuu Dawarsado Ama Tuugsado Sabab?

(16-12-2018) Wiilka kaliya ee uu dhalay feedhyahankii Muslimka ahaa ee Muhammad Ali ayaa ku sugan xaalad nololeed oo ...

Wanda Nara Oo Diyaarinaysa Qandaraas Dabar Ku Noqonaya Mauro Icardi

(16-12-2018) Wanda Nara oo ah xaaska iyo Wakiilka ciyaartoyga reer Argentina ee Mauro Icardi oo afka hore uga ...

Farriintii Uu Diego Costa U Diray Arsenal Markii Uu Dhaawacay Laurent Koscielny Iyo Qaabkii Axmaqnimada Ahaa Ee Uu Isku Difaacay

(16-12-2018) Difaaca Arsenal ee Laurent Koscielny ayaa shaaciyey inuu u bilaabmay wax uu ugu yeedhay ‘Cutubka Cusub Ee ...

Barcelona Oo Baadi Goobaysa Beddelka Luis Suarez Iyo Xiddigaha Ay Isha Ku Hayso

(16-12-2018) Luis Suarez hadda da’diisu waxay noqotay 32 jir, waxaana kooxdiisa Barcelona u muuqatay in ay u baahan ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Manchester City oo Mar Kale Hogaanka Si Ku Meel Gaadh ah U Qabatay Maanta.

(15-12-2018) Cayaar ay maanta wada ciyaareen kooxda Manchester City iyo kooxda Everton oo ahayd horyaalka dalka ingiriiska oo ...

Layaab!: Boqortooyada Kuwait oo la ogaadey in ay lacag ka dhacday Cayaartoy waa weyn oo magac leh

(15-12-2018) Lix bilood kaddib markii dalka Kuwait uu martigeliyey ciyaar ay iskugu yimaaddeen xiddigaha waaweyn ee dunida oo ...

Dhamaan Kulamada Sabtiga iyo Saacadaha Geeska Africa ee ay bilaaban doonaan?

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa dhamaan Cayaaraha dhici doona Sabtiga ee ku tirsan Horyaalada kala duwan ee qaarada ...

Halyeygii Manchester United Ee Willie Morgan Oo Magacaabay Afarta Ciyaartoy Ee Uu Doonayo In Kooxdiisa Hore Iska Iibiso Bisha January

(15-12-2018) Halyeygii Manchester United ee Willie Morgan ayaa aaminsan in tababaraha kooxdaas Jose Mourinho ay tahay inuu iibiyo ...

May Ahayn In Arsenal Loo Ogolaado Inay Ciyaarto Europa League – Tababaraha Qarabag Oo Dood Cajiib Ah Bedka Keenay Kaddib Guushii Gunners Sabab?

(15-12-2018) Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa sii wadda guul-darro la’aanta xidhiidhka ah, waxaanay xalay 1-0 ku muquunisay naadiga ...

Qorshaha Jose Mourinho Ku Qaban Doono Salah, Mane & Firmino, Dhibaatada Difaaca Ee Haysata Iyo Sida Uu U Kala Xulan Doono Xiddigaha Uu Haysto

(15-12-2018) Manchester United ayaa Axadda safar ugu tegaysa Liverpool oo kulankooda ugu horreeya xili ciyaareedkan ee horyaalka Premier ...

Cristiano Ronaldo Oo Markale looga yeeray Maxkamad dalka Spain ah iyo Ciqaabta uu lakulmi doono?

(15-12-2018) Maxkamad ku taalla dalka Spain ayaa go’aamisay xilliga ay dhegaysan doonto dacwad la xidhiidha lunsi cashuuro oo ...

Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018 kaas ...