Tuesday, October 16th, 2018

Daawo: Geesigii difaacay sharafta diinteena Islaamka oo si aan Caadi ahayn loogu soo dhaweeyey dalkiisa

Published on October 9, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(10-10-2018) Feeryahankii sida qiirada leh u difaacay sharafta diinteena islaamka ee Khabib Nurmagomedov ayaa si geesinimo leh loogu soo dhaweeyay dalkiisa Russia kadib guushii taariikhiga ahayd ee ka gaaray ninkii kibirka badnaa ee diintiisa,dalkiisa iyo aabihiisa u gafay ee Conor McGregor kaasi oo wadada toosan Garoonka Anzhi Arena ayaana xaflad loogu samayn doonaa.

Tan ugu yaabka badan ayaa ah in 30-jirkan aanu wali lasiin lacagtii uu feerka ka helay oo qiimeheedu ahayd $2million waxaana wali fasixin xiriirka Nevada State Athletic Commission oo sheegay in qalalaasihii ciyaarta kadib dhacay ay baaritaano ku samayn doonaan.

Feedhyahanka Muslimka ah ee Nurmagomedov Khabib ayaa dagaal galay taariikhda ku karbaashay ninka ay aadka u buunbuuniyaan Ingiriisku ee Conor McGregor, oo Sabtidii ay ku kulmeen feedh ka dhacay garoonka caanka ah ee T-Mobile Arena ee magaalada Las Vegas ee Maraykanka.

Feedhkan ayaa wareeggii afraad ku dhamaaday markii uu khabiib si mucjiso leh u garaacay Conor McGregor, kaas oo dalbaday in garsooruhu si degdeg ah uga qabto markii lagu qabtay xuurto /Qoor-sagaaro, sidaana ay guushu ku raacday Khabib.

Wareeggii koowaad markii ay ciyaartu bilaabantay, waxa qaab waalli ah oo ay cadho badan ka muuqato kusoo galay Khabib oo isla markiiba dhulka dhigtay Conor McGregor oo xattaa ay ku adkaatay inuu iska difaaco.

Dagaalka ayaa markii uu dhamaaday ee uu Nurmagomedov Khabib guusha qaaday, waxa ka dhalatay rabshad taariikhda gashay, waxaana Khabib oo cadhaysan uu ka booday xayn-daabka feedhka, waxaanu gacanta ula tegay Dillon Danis oo ah macallin tababaraha Conor McGregor, waxaana kasoo gaadhay ciidamada ammaanka ee garoonka joogay.

Dhinaca kale, tababareyaasha Khabib ayaa iyaguna gacanta saaray Conor McGregor, qas muddo socday kaddibna ciidamada ammaanka ayaa dib usoo celiyey kala-dambaynta garoonka, hase yeeshee Khabib lama guddoonsiinin biladda suunka ee uu ku guuleystay sababo la xidhiidha ammaanka garoonka oo aan si dhab ah u sugnayn.

Haddaba, Khabib ayaa shaaciyey in sababta uu waallida ugu dagaallamay ay ahayd Conor McGregor oo aflagaadeeyey diinta Islaamka iyo tababarihiisa Dillon oo intii ay ciyaartu socotayba hadallo cay ah la agtaagnaa feedhyahanka Ruushka ah.

Feedhyahanka Conor McGregor Oo Aflagaadeeyey Diinta Islaamka Ka Hor Intii Aan Sida Xun Loo Garaacin

Maalin ka hor intii aanay ciyaartani dhicin, McGregor ayaa aflagaadeeyey Diinta Islaamka isagoo doonayey inuu ka xanaajiyo Khabib, sidoo kale waxa uu weeraray aabbaha dhalay Khabib.

Khabib oo lacagta uu ku helayay feedhka kasokow difaacayey diinta Islaamka, ayaa waxa uu ciyaarta kaddib la hadlay warbaahinta, waxaanu faahfaahiyey sababta uu hab-dhaqanka xun ee weerarka tooska ah ugu geystay tababaraha, isla markaana intii ciyaartu socotay uu sida xamaasadda leh ugu dagaallamay, waxaanu yidhi: “Ma garanayo sababta ay qaarkiin uga hadlayaan wixii aan sameeyey dagaalka kaddib. Ka hor, McGregor waxa uu ka hadlay diintayda, dalkayga iyo aabbahay, waxa uu yimid Brkooklyn oo uu ku dilay dhawr qof. Maxaad taas uga hadli weydeen?.”

Khabib ayaa markii uu guuleystay waxa uu khadka telefoonka kula soo hadlay madaxweynaha waddanka Ruushka, Putin, waxaanu ugu soo hambalyeeyey guusha weyn ee uu gaadhay.

Magaalada uu ku dhashay Khabib ayaa waxa ka dhacay bannaan-bax weyn oo loogu dabbaal-degayo guusha uu gaadhay.

Labadan dagaalyahan ee Khabib iyo McGregor ayaa waxay u kala dhasheen Ruushka iyo Ingiriiska oo xurguf siyaasadeed oo meel xun maraysa ay ka dhaxayso, waxaanay taasi xamaasad usii yeeshay dagaalka dhacay Sabtidii.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Magacyada iyo Sawirada 11 Cayaaryahan oo laga Sameeyey Xiddigaha Manchester United ee uu heshiisku ka dhacayo Sanadka danbe

(16-10-2018) Macalinka kooxda Manchester united Jose Mourinho ayaa wajahaya dhibaato weyn kadib markii sida lacadeeyey uu heshiisku ka ...

Daawo: Spain oo 15 Sano kadib lagu Garaacay Ciidooda

(16-10-2018) Xulka kubada Cagta England ayaa Guul muhiim ah ka gaaray kulankii xiisaha badnaa ee ay Garoonka Sevilla ...

Kooxda PSG oo Gashay booskii Real Madrid ee doonista David de Gea

(16-10-2018) Kooxda Kubada Cagta PSG ee dalka France ayaa shaaca ka qaaday in ay dooneyso Goolhayaha dalka Spain ...

Rikoorada laga diiwaan geliyey qaybta hore Kulanka Mucjisada ah ee Spain iyo England+Sawiro

(16-10-2018) Cayaaryahanka kooxda Manchester City iyo xulka dalka England ee Raheem Sterling  ayaa Noqdey Cayaaryahankii koobaad ee Ingiriis ah ...

Sadio Mane oo Gacan ka jabay kuna biirey Xiddigaha Muhiimka ah ee ka dhaawacmay Liverpool+Sawiro

(16-10-2018) Kooxda Kubaad Cagta Liverpool ayaa lasheegayaa in ay haysato dhibaato dhanka dhaawacyada ah kadib markii lasheegay in ...

Xiddiga Musaaricada John Cena Oo Muddo Dheer Garoomada Ka Maqnaan Doona Iyo Dalka Sucuudiga Oo Sugaya Soo Laabashadiisa

(16-10-2018) Halyeyga 16-ka jeer ku guuleystay Champions-ka ciyaaraha legdinta WWE ee Musaaricada, John Cena ayaa muddo dheer ka ...

Dorival Junior” AC Milan waxa ay Gacanta ku dhigtay Xiddiga lamid ah Kevin de Bruyne ama Luka Modric’

(16-10-2018) Macalinka kooxda Kubada cagta Flamengo Dorival Junior ayaa shaaca ka qaaday in Naadiga AC Milan ay Gacanta ku ...

Luka Modric Oo Shaaciyey Xiddiga Uu Ku Riyoodo Inuu Ka Garab Cayaaro

(16-10-2018) Xiddiga xilli ciyaareedkan cidkasta ka yaabsanaya ee Luka Modric ayaa doortay halyeeyga dookhiisa ah ee uu jeclaan ...

Dilka Wariye Jamal Khashoggi Oo Baajiyey Cayaartii Ugu Weynayd Dunida Bilaha Ka Hadhay Sannadka

(15-10-2018) Dalka Sucuudi Carabia ayaa la dhibaatoonaya ceebta kasoo gaadhay dilka wariye Jamal Khashoggi oo lagu dhex khaarajiyey ...

Liverpool oo ka Walaacsan dhaawacyada soo gaaray Xiddigaha Mohamed Salah iyo Virgil van Dijk

(15-10-2018) Kooxda Kubada cagta Liverpool ee dalka England ayaa laxaqiijiyey in ay aad uga walacsantahay dhaawacyo lasheegay in ...

Maxaa kajira in Jose Mourinho iyo Eden Hazard kusii jeedaan Real Madrid?

(15-10-2018) Waxaa isa soo taraya Wararka ku sii dhaweynaya Real Madrid Macalinka Manchester United Jose Mourinho iyo iddiga ...

Magacayada 11 Cayaaryahan Caan ah oo koox la.aan ah kana fariisan Kubada cagta?Sawiro

(15-10-2018) Waxaan idiin soo gudbineynaa aqristeyaal magacyada 11 Cayaaryahan oo caan ah isla Markaana xiligaan dibad joog ka ...

Rasmi: Patrick Cutrone oo heshiis Cusub u Saxiixay AC Milan

(15-10-2018) Kooxda Kubada Cagta AC Milan ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay heshiis cusub lagaartay Weeraryaahnka ...

Kooxda Banaadir Sports oo u soo baxday Finalka koobka Jeneral Da uud markii ay ka badiyeen Saxafi

(15-10-2018) Kooxda Kubada Cagta Banaadir Sports ayaa xaqiijisey in ay u soo gudubtay kama dambaysta koobka koobabka Jeneral ...

Xiriirka Kubadda Cagta Ingiriiska Oo Si Kulul U Canaantay Taageereyaashiisa Oo Rabshado Ka Sameeyey Spain+Sawiro

(15-10-2018) Xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ayaa si xun u canaantay taageereyaasha xulka qaranka England ee ku sugan waddanka ...