Monday, December 10th, 2018

Ethiopia vs Kenya: Cayaarta Ugu Weyn Afrika, Soomaalida Oo Ku Kala Qaybsan Iyo Xogta Kulanka Arbacada Ee Addis Ababa

Published on October 9, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(10-10-2018) Xulka kubadda cagta Ethiopia ayaa magaalada Addis Ababa ku martigelinaya waddanka ay deriska yihiin ee Kenya, kulan ka tirsan isreeb-reebka Koobka Qaramada Afrika.

Labadan dal oo ku wada jir Group F oo ay ku wehelinayaan Chana iyo Sierra Leone ayaa fursad weyn u haysta inay ka qayb-galaan tartanka qaramada Afrika ee sannadka dambe, kaddib markii Group-koodu uu kusoo koobmay saddex dal iyadoo FIFA ay ciyaaraha ka mamnuucday dalka Sierra Leone.

Dhamaan afarta dal ee ku wada jira hormadan oo ay Sierra Leone ku jirto ayaa haysta min saddex dhibcood, hase yeeshee labada dal ee Bariga Afrika ku wada yaalla ayaa waxay u dagaallami doonaan inuu midkood hore ugu ruqaansado kaalinta koowaad oo uu hoggaanka u qabto, hase yeeshee, labada dal ayaa isku soo laaban doono afar maalmood gudahood oo ku wada ciyaari doona magaalada Nairobi.

Xogta ciyaarta:

Kulanka: Ethiopia vs Kenya

Garoonka: Bahir Dar stadium, Addis Ababa, Ethiopia

Waqtiga: 4:00 PM – Waqtiga Bariga Afrika.

Tartanka: Isreeb-reebka Koobka Qaramada Afrika

Wararka labada xul

Ciyaartooyada xulka qaranka Kenya ayaa laba jeer u kala duulay magaalada Addis Ababa, waxaanay qaybtii koowaad gaadhay maalintii Sabtida, hase yeeshee ciyaartooyada dibedda ka ciyaara oo ay ku jiraan laacibka Tottenham ee Victor Wanyama iyo laacibka dalka Japan ka ciyaara ee Michael Olunga ayaa Isniintii gaadhay dalka Ethiopia.

Xulkii Sabtidii u duulay Itoobiya, waxa ka mid ahaa: Farouk Shikalo (Bandari, Kenya), Philemon Otieno (Gor Mahia, Kenya), Francis Kahata (Gor Mahia, Kenya), Abdallah Hassan (Bandari, Kenya), Allan Wanga (Kakamega Homeboyz), balse laacibiintii Isniintii ay u suurtogashay inay tagaan Addis Ababa ayaa waxay ahaayeen: Piston Mutamba (Sofapaka), Patrick Matasi (Tusker, Kenya), Dennis Odhiambo (Sofapaka, Kenya), Benard Ochieng (Vihiga United, Kenya).

13 laacib oo ka ciyaara dibedda oo ku jira xulka qaranka ayaa iyaguna si toos ah Isniintii uga degay garoonka diyaaradaha ee Addis Ababa, waxaanay kala ahaayeen: Musa Mohammed (Nkana FC, Zambia), Brian Mandela (Maritzburg FC, South Africa), Abud Omar (Cercle Brugge, Belgium), David Ochieng (IF Brommapojkarna, Sweden), Erick Ouma (Vasalund, Sweden), Ismael Gonzales (Las Palmas, Spain), Victor Wanyama (Tottenham Hotspurs, England), Anthony Akumu (Zesco United, Zambia), Johanna Omollo (Cercle Brugge, Belgium), Paul Were (FC Kaisar, Kazakhstan), Michael Olunga (Kashiwa Reysol), Erick Johanna (IF Brommapojkarna), Ovella Ochieng (Vasalund).

Dhinaca dalka martida loo yahay ee Ethiopia, ma jiraan ciyaartooyo badan oo dalka dibeddiisa ka ciyaara, waxaanay muddooyinkii u dambeeyey si adag iskugu sii diyaarinayeen ciyaartan.

Kulamadii hore ee labada dal:

Xulka qaranka Ethiopia shantii kulan ee ugu dambeeyey waxa uu badiyey laba kulan, laba ciyaarood oo kalena barbar dhac ayuu galay halka hal marna laga badiyey, hase yeeshee Kenya ayaa ka rikoodh wanaagsan, waxaanay badiyeen saddex kulan iyo laba laga adkaaday.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Layaab!: Sagaal bilood kadib Romelu Lukaku oo Gool ku dhaliyey Old Trafford

(09-12-2018) Weeraryahanka kooxda Manchester United Romelu Lukaku ayaa ugu dambeyn soo gabagabeeyay abaartii gool la’aaneed ee ku heysatay ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Chelsea oo Jabisay Recotdkii layaabka lahaa ee Manchester City

(09-12-2018) Kooxda Kubada Cagta Chelsea ayaa soo gabagabeysay rikoodhkii guuldarro la’aanta Manchester City kaddib markii ay uga badiyeen ...

Kiniinka Viagra-ha Oo Badan Ayaad Cuntay Oo Xataa Kooxdii Arsenal Ee Guuldaro La’aanta Premier League Guulaysatay Ayaad Soo Gasheen- Piers Morgan Oo Messi Uga Hiilayay Pele

(09-12-2018) Halyaygii hore ee xulka qaranka Brazil ee Pele ayaa waraysi uu siiyay Daily Mirror waxa uu si ...

Geesiga Islaamka Khabib Nurmagomedov oo hadal qiiro leh ka jeediyey Saudi Arabia

(08-12-2018) Feedhyahanka Muslimka ah ee Khabib Khabib Nurmagomedov ayaa weerar ba’an kala kulmay gaalada reer galbeedka oo si ...

Chelsea oo qarka u saaran in ay heshiis lagasho badelka Eden Hazard Waa Kuma?

(08-12-2018) Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa isku diyaarinaysa xaalad kasta oo kasoo korodha xiddigeeda Eden Hazard oo aan ...

Manchester United Oo War Farxadle Ka Heshay Neymar Jr, Kaddib Dhawaaq Kasoo Yeedhay

(07-12-2018) Xiddiga kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ee Neymar ayaa yididiilo geliyey kooxda dhibaataysan ee Manchester United, taas ...

Saadaasha qabiirka Cayaaraha BBC da Mark Lawrenson iyo Todobaadkaan Horyaalka Premier League

(07-12-2018) Horyaalka Premier League ayaa usbuucan la ciyaari doonaa kulamadiisii 16aad, waxaana iskaga hor iman doona kooxo waaweyn ...

Zinedine Zidane Oo Mucaaradkii Ugu Horreeyey Ku Yeeshay Gudaha Manchester United Sabab?

(07-12-2018) Manchester United ayaa ku jirta mid ka mid ah xili ciyaareedadii ugu xumaa muddo ka badan 30 ...

Magacyada iyo Sawirada 6 da Cayaaryahan ee Sanadaha ugu badan kujira Garoomada ee weli Cayaara

(07-12-2018) Waxaan idiin soo gudbineynaa Magacyada iyo Sawirada  6 da Cayaaryahan ee Sanadaha ugu badan kujira Garoomada ee weli ...

Liiska dhaawacyada Barcelona oo si Kordhaya

(07-12-2018) Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa xalay 4-1 ku jiidhay naadiga heerka saddexaad ee Cultural Leonesa oo ay ...

Jamaahiirta Man United oo Kabaha ladul maray mid ka mid ah Cayaartoyda Naadigooda

(07-12-2018)Taageereyaasha kooxda kubadda cagta Manchesster United ayaa magacaabay ciyaartoy musiibo ku ahaa bandhiggooda kulankii xalay ay barbar dhaca ...

Radja Nainggolan oo ka maqnaan doona Inter Milan kulanka Juventus

(07-12-2018) Cayaaryahanka k9o9oxda Inter Milan ee lagu Magacaabo Radja Nainggolan  ayaa lacadeeyey in uu ka maqnaan doono kooxdiisa Cayaarta ...

Maxaa Iska Beddelay Gool-dhalinta Horyaalka Premier League, Yaase Hoggaaminaya?

(06-12-2018) Usbuucii 15aad ayaa soo dhamaaday tartanka horyaalka Premier League, waxaana ay kooxuhu isku diyaarinayaan jadwalka cidhiidhiga ah ...

Jurgen Klopp Oo Ku Sigtay Inuu Gacanta Ula Tago Tababaraha Burnley – Siday Wax U Dhaceen?

(06-12-2018) Tababaraha kooxda kubadda cagta Liverpool, Jurgen Klopp ayaa ku dhawaaday inay dhibaato ka dhex dhacdo dhiggiisa Burnley ...

Muxuu Lionel Messi U Sheegay Modric Kaddib Xafladdii Ballon d’Or?

(06-12-2018) Xiddiga Barcelona ee Lionel Messi ayaa la sheegay inuu farriin u diray Luka Modric waxyar kaddib markii ...