Thursday, December 13th, 2018

Feeryahankii Diinta Islaamka Aflagaadeeyey Oo Muddo Laga Mamnuucay Cayaaraha, Dagaal Kale Oo Uu Ku Dhowaaqay Iyo Jawaab Celintii Khabib

Published on October 9, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(10-10-2018) Xiriirka maamula ciyaaraha legdinta iyo feedhka isku jira ee UFC ayaa soo saaray ganaax ay ciyaaraha kaga joojiyeen feedhyahanka Ingiriiska ee McGregor kaddib aflagaadadii uu u geystay Diinta Islaamka.

McGregor ayaa Jimcihii aflagaadeeyey Diinta Islaamka ka hor intii aanu Sabtidii la ciyaarin feedhyahanka Muslimka ah ee Khabib Nurmagomedov, waxaana uu kala kulmay guul-darro kaddib markii uu Khabib si layaab leh ugu garaacay wareeggii afraad.

Inkasta oo Khabib oo ka cadhaysan aflagaadii uu Diinta Islaamka u geystay McGregor iyo saaxiibkii Dillon Danis uu sameeyey dagaal ka baxsan anshaxa markii uu guusha helay, haddana laguma ridin wax ganaax ah.

Madaxweynaha xidhiidhka UFC, Dana White oo warbaahhinta la hadlay ayaa sheegay in muddo bil ah aanu garoomada soo geli karin Conor McGregor, isla markaana ay xayiraaddiisu kasii badan karto, sababtoo ah dhaawacyo kasoo gaadhay ciyaartii lagu karbaashay ee Khabib Nurmagomedov uu ku silciyey garoonka T-Mobile Arena gudihiisa, halkaas oo dhawr jeer dhulka loogu tuuray ka hor intii aan si rasmi ah dhulka loogu dhiganin ee aanu gargaar degdeg ah ka dalbanin garsoorihii ciyaarta.

Dana White waxa uu tibaaxay in ciyaaraha UFC ay yihiin kuwa ugu sharciga adag dhamaan ciyaaraha kala duwan eee dunida, sidaas darteedna si loo ilaaliyo fayo-qabka ciyaartoyga ay tahay inuu dhakhtar usoo ogolaado inuu mar kale ciyaaro, illaa taas laga helayana uu McGregor dibedda ka ahaan doono garoomada.

Inkasta oo dhakhaatiirtu ay kasoo talo-bixin doonaan xilliga ay suurtogalka tahay inuu ciyaari karo, ayaa waxa si rasmi ah xidhiidhka UFC uu u diiday in gebi ahaanba aan loo ogolaan doonin muddo ku dhow bil oo ah illaa November 06, 2018.

War-saxaafadeed kooban oo xidhiidhka UFC uu soo saaray ayaa waxa lagu yidhi: “Conor McGregor, waxa laga joojiyey ciyaaraha illaa laga gaadhayo 6/11/18, mana samayn karo dhaqdhaqaaq ciyaareed laga bilaabo 28/10/18.”

Ninkan ku gefay diinta Islaamka ayaa inkasta oo la ganaaxay waxa uu dalbaday in ciyaar labaad loogu celiyo Khabib, hase yeeshee lama oga in ogolaansho laga heli doono feedhyahanka Muslimka ah ee sida weyn ay dadkiisa Ruushku ugu dabbaal-dageen ee Khabib Nurmagomedov.

Maalintii Jimcihii ayaa McGregor iyo Khabib ay warbaahinta hor yimaaddeen, waxaana halkaas ka dhacay hadallo cunsurinimo ah oo uu McGregor ku duray Khabib iyo diintiisa, isaga oo tababarihiisana ku tilmaamay Muslim argagixiso ah, hase yeeshee, Khabib ayaa ugu jawaabay kelmad kooban oo ahayd: “Waa inoo garoonka.”, taas oo uu kaga dhabeeyey, guushana kaga qaatay.

Laakiin markii uu Khabib si layaableh isla wareegii afraad ugu garaacay guuldaraystaha Conor McGregor ayuu dagaal fowdo ahi meesha ka qarxay wuxuuna McGregor bartiisa twitterka ku soo qoray: “Kulankii waanu guuldaraysanay laakiin dagaalka ayaanu guulaysanay, dagaalku wuu soconayaa”.

Khabib oo afartii wareeg ee ay Conor McGregor dagaalameen si buuxda u gacan sareeyay ayaa muujiyay sida uu uga awood badnaa ninkan diinta ku gafay ee Conor McGregor waxaana la dareensan yahay in cadhadii uu difaacada diintiisa islaamka u hayay ay ku sii dhiiro galisay in uu Conor McGregor neefta ku celiyay isla markaana loo baryay in uu siidaayo.

Khabib ayaa markii uu guuleystay waxa khadka telefoonka kula soo hadlay madaxweynaha Ruushka, Putin oo u hambalyeeyey, magaalooyinka Ruushka qaarkoodna waxa ka dhacay dabbaal-degyo ay dad badan iskugu soo baxeen.

Si kastaba ha ahaatee, Khabib ayaa erayo uu islaamka ku difaacayo si xarago leh u sheegay isaga oo waliba ilaahay uga mahad celiyay in uu dagaalka kaga guulaystay ninka diintiisa iyo cunsurinimada kula sii kacay intii aanu dagaalku bilaamin.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Xulka kubada Cagta Soomaaliya oo Taariikhi ah ka gaaray dhigiisa Jabuuti

(13-12-2018) Xulka qaranka Soomaaliya ayaa guul ka gaaray wiilasha Xulka Jabuuti kulan ciyaareed Saaxiibtinimo ee ka dhacay wadanka ...

Maxey Aheyd Fariintii Uu Pierre-Emerick Aubameyang Twitter-ka Ugu Gudbiyay Dembele & Falcelintii Halyeeyga Kooxda Ian Wright.

(13-12-2018) Weeraryahanka Arsenal Pierre-Emerick Aubameyang ayaa fariin hambalyo ah twitter-ka u dhigay saaxiibkiisii hore Ousmane Dembelekadib markii uu ...

Rocio Oliva oo Guriga ka Cayrisey Diego Maradona Kooxdee ayey Taageertaa?

(13-12-2018) Halyeeyga reer Argentina Diego Armando Maradona ayaa laga ceyriyay gurigiisa kadib markii ay isku dhaceen gacalisadiisa Rocio ...

Goolhaye Dida oo kahadlay Tayada Xiddiga Cusub ee AC Milan Lucas Paqueta

(13-12-2018) Goolhayihii hore Ac Milan Dida ayaa aaminsan Lucas Paqueta inuu si fiican ula qabsan doono Rossoneri, balse ...

Mohamed Salah Ma Farxsana, Fursadda Uu Helo Ma Dhalinayo Oo Waanu Dhibaatoonayaa

(12-12-2018) Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa xalay iska xaadirisay wareegga 16-ka ee tartanka UEFA Champions League, waxaana ay ...

Booqashadii Rooney Ee Aqalka Cad, Kulankii Carruurta Trump Iyo Qaabkii Uu Ku Tegay Madaxtooyada Maraykanka

(12-12-2018) Kabtankii hore ee kooxda Manchester United iyo xulka qaranka England ee Wayne Rooney ayaa booqday aqalka cad ...

Barcelona Oo Ganaax Lacageed Oo Xad-dhaaf Ah Kusoo Rogtay Xiddigii Xalay Badbaadiyey Ee Ousmane Dembélé

(12-12-2018) Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa ciqaab adag oo dhaqaale kusoo rogtay xiddigooda Ousmane Dembele oo ahaa laacibkii ...

Wararkii ugu danbeeya Suuqa kala iibsiga Cayaartoyda

(12-12-2018) Shabakeda qalinkacayaaraha ayaa waxa ay eegeysaa wararkii ugu waa weynaa ee suuqa kala iibsiga iyo wararka xanta ...

Messi Airlines: Xogta Gudaha Diyaarad Si Gaarka Ah Loogu Farsameeyey Messi Iyo Waxyaabaha Qariibka Ah Ee Laga Helayo

(12-12-2018) Xiddiga kooxda kubadda cagta Barcelona ee Lionel Messi ayaa markii ugu horreysay loo sameeyey diyaarad u gaar ...

Ronaldo Oo Arrimo Ganacsi Ah Kala Hadlay Gerard Pique – Hadana Doonaya Inuu Wax Badan La Fariisto Si Ay U Wada Hdalaan.

(12-12-2018) Daafaca kasii hawlgabaya kubada cagta ee Gerard Pique ayaa doonaya inuu durba saameyn ku yeesho ganacsiga dunida ...

HOLAC: Kor Kulanka England Ugu Wayn Ee Liverpool vs Man United,Jamie Carragher & Gary Neville Oo Soo Xushay Shaxda Isku Darka Kooxihii Ay Ku Soo Xufiltameen.

(12-12-2018) Kooxaha Liverpool iyo Manchester United ayaa axada geesaha isku dari doona Anfield kulanka kubbada cagta England ugu ...

Waa Maxay Rikoorka Uu Rajeynayo Lionel Messi Inuu Sameeyo Kulanka Levante? Immisa Ciyaartoy Ayaase Kaga Horreeya.

(11-12-2018) Cayaaryahan Lionel Messi waa u dhaqan inuu mar walba rikoor sameeyo, kulankiisa xiga ee horyaalka wuxuu ku ...

Cayaartoygii Ingiriiska Ee Tareenka Ku Dhex Kufsaday Gabadha Oo Maxkamadda Ka Sheegay Wixii Uu Sameeyey

(11-12-2018) Cayaartoy hore ugu ciyaari jiray xulka qaranka England yaaa la hor keenay maxkamadda York ee Duham isaga ...

Lionel Messi oo ku soo bilaaban doona kulanka Caawa

(11-12-2018) Cayaaryahanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa laxaqiijiyey in uu ku soo bilaaban doono Cayaarta Caawa ay kooxdiisu ...

Magacyada iyo Sawirada 6 da Cayaaryahan ee ku lug yeelatay Goolasha ugu badan Xiligaan Horyaalka Premier League

(11-12-2018) Waxaan idiin soo gudbineynaa aqristeyaasheena sharafta lahoow Magacyada iyo Sawirada 6 da Cayaaryahan ee ku lug yeelatay ...