Friday, February 22nd, 2019

Booliska Maraykanka Oo Ka Hadlay Xilliga Ay Cristiano Ronaldo Su’aalaha Ka Weydiin Doonaan Kiiska Kufsiga Ee Loo Haysto

Published on October 10, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(10-10-2018) Booliska dalka Maraykanka ayaa shaaciyey inay su’aalo ka weydiin doonaan xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo kiiska lagu soo oogay ee la xidhiidha kufsi la sheegay inuu u geystay haweenay lagu magacaabo Kathryn Mayorga oo u dhalatay USA.

Booliska magaalada Las Vegas ayaa toddobaadkii hore dib u furay kiis ay caddaymo u waayeen sannadkii 2009 markii lagu soo wargeliyey in kufsi ka dhacay Hotel ku yaalla magaaladaas, waxaase dhibbanihii waqtigaas oo ahayd Mayorga ay diidday inay bixiso caddaymo, sababtoo ah waxay heshiis ay lacag ku qaadatay la gashay Ronaldo, kaas oo dhigayay in aan la dacwaynin.

Warbaahinta Mirror Online oo la xidhiidhay booliska Vegas ayaa waxa loo sheegay in wakhti aan fogeyn la dhegaysan doono kiiska Ronaldo, inkasta oo aan la siinin taariikh cayiman.

Afhayeen u hadlay Booliska oo Mirror la xidhiidhay ayaa yidhi: “Xaqiiqadii weli ma garanayno xilliga ay dhici doonto, laakiin waanu dhegaysan doonaa isaga (Ronaldo)”

Boolisku waxay sheegeen inay weli baadhitaano ku hayaan shaybaadhadii laga qaaday Mayorga xilligii la kufsaday, isla marka ay arrintaas gunaanadaanna ay si toos ah ula xidhiidhi doonaan Cristiano Ronaldo oo ay weydiin doonaan su’aalo la xidhiidha falka uu ku eedaysan yahay inuu geystay.

Cristiano Ronaldo ayaa Axaddii diyaarad gaar ah ugu duulay dalkiisa Portugal markii ay dhamaatay ciyaartii uu goolka ka dhaliyey Udinese, hase yeeshee waxa aan lagu darin liiska xulka qaranka dalkiisa ee toddobaadka soo socda la ciyaari doona Poland iyo Scotland.

Ronaldo oo ay safarkiisa ku wehelinayaan xaaskiisa iyo afar dagaalyahan oo ilaaliya, ayaan la ogeyn wakhtiga ay ku sugnaan doonaan magaalada Lisbon, hase yeeshee waxa dhinaca kale lasoo deristay dhibaato kale oo haweenaydiisa Georgina ku saabsan.

Aabbaha dhalay quruxleyda mataanaha u dhashay Ronaldo ayaa lagu qabtay daroogo, waxaana ay arrintaasi murugo kusii beertay qoyskan la dhibaataysan fadeexadda kufsiga.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Madaxweynaha Ac Milan Paolo Scaroni Oo Dhac Layaab Leh Loo Geystay & Haweeney Qaab Cajiib Ah Garab Usiisay Dambiilaha.

(16-12-2018) Madaxweynaha kooxda Ac Milan Paolo Scaroni ayaa lagu soo waramayaa in laga xaday jimcadii shalay aheyd boorso ...

Macalinka Kooxda Liverpool Jurgen Klopp oo Ka Hadlay Jose Mourinho Ka Hor Ciyaarta Manchester United iyo Liverpool

(16-12-2018) Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa ka hadlay dhigiisa Manchester United ee Jose Mourinho iyo ciyaarta ay ...

Khabiirada Shabakadda Mirror Football Oo Isku Khilaafay Shaxda Isku Dhaf Ah Kulanka Liverpool vs Man United – Mid Walba Shax Ayuu Doortay!

(16-12-2018) Kulanka ugu weyn England ayaa berito dhici doona, waana kulan aan laga mideysneyn aragtida laga aaminsan yahay, ...

Wiilkii Uu Dunida Kaga Tegay Feedhyahankii Muslimka Ahaa Ee Mohamed Ali Oo Qarka U Saaran Inuu Dawarsado Ama Tuugsado Sabab?

(16-12-2018) Wiilka kaliya ee uu dhalay feedhyahankii Muslimka ahaa ee Muhammad Ali ayaa ku sugan xaalad nololeed oo ...

Wanda Nara Oo Diyaarinaysa Qandaraas Dabar Ku Noqonaya Mauro Icardi

(16-12-2018) Wanda Nara oo ah xaaska iyo Wakiilka ciyaartoyga reer Argentina ee Mauro Icardi oo afka hore uga ...

Farriintii Uu Diego Costa U Diray Arsenal Markii Uu Dhaawacay Laurent Koscielny Iyo Qaabkii Axmaqnimada Ahaa Ee Uu Isku Difaacay

(16-12-2018) Difaaca Arsenal ee Laurent Koscielny ayaa shaaciyey inuu u bilaabmay wax uu ugu yeedhay ‘Cutubka Cusub Ee ...

Barcelona Oo Baadi Goobaysa Beddelka Luis Suarez Iyo Xiddigaha Ay Isha Ku Hayso

(16-12-2018) Luis Suarez hadda da’diisu waxay noqotay 32 jir, waxaana kooxdiisa Barcelona u muuqatay in ay u baahan ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Manchester City oo Mar Kale Hogaanka Si Ku Meel Gaadh ah U Qabatay Maanta.

(15-12-2018) Cayaar ay maanta wada ciyaareen kooxda Manchester City iyo kooxda Everton oo ahayd horyaalka dalka ingiriiska oo ...

Layaab!: Boqortooyada Kuwait oo la ogaadey in ay lacag ka dhacday Cayaartoy waa weyn oo magac leh

(15-12-2018) Lix bilood kaddib markii dalka Kuwait uu martigeliyey ciyaar ay iskugu yimaaddeen xiddigaha waaweyn ee dunida oo ...

Dhamaan Kulamada Sabtiga iyo Saacadaha Geeska Africa ee ay bilaaban doonaan?

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa dhamaan Cayaaraha dhici doona Sabtiga ee ku tirsan Horyaalada kala duwan ee qaarada ...

Halyeygii Manchester United Ee Willie Morgan Oo Magacaabay Afarta Ciyaartoy Ee Uu Doonayo In Kooxdiisa Hore Iska Iibiso Bisha January

(15-12-2018) Halyeygii Manchester United ee Willie Morgan ayaa aaminsan in tababaraha kooxdaas Jose Mourinho ay tahay inuu iibiyo ...

May Ahayn In Arsenal Loo Ogolaado Inay Ciyaarto Europa League – Tababaraha Qarabag Oo Dood Cajiib Ah Bedka Keenay Kaddib Guushii Gunners Sabab?

(15-12-2018) Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa sii wadda guul-darro la’aanta xidhiidhka ah, waxaanay xalay 1-0 ku muquunisay naadiga ...

Qorshaha Jose Mourinho Ku Qaban Doono Salah, Mane & Firmino, Dhibaatada Difaaca Ee Haysata Iyo Sida Uu U Kala Xulan Doono Xiddigaha Uu Haysto

(15-12-2018) Manchester United ayaa Axadda safar ugu tegaysa Liverpool oo kulankooda ugu horreeya xili ciyaareedkan ee horyaalka Premier ...

Cristiano Ronaldo Oo Markale looga yeeray Maxkamad dalka Spain ah iyo Ciqaabta uu lakulmi doono?

(15-12-2018) Maxkamad ku taalla dalka Spain ayaa go’aamisay xilliga ay dhegaysan doonto dacwad la xidhiidha lunsi cashuuro oo ...

Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018 kaas ...