Tuesday, October 16th, 2018

Daawo Sawirada Lionel Messi oo qaadanaya Nasiinadii ugu dheereyd 10 kii Sano ee lasoo dhaafay

Published on October 10, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(11-10-2018) Kabtanka xulka qaranka Argentina iyo kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa hore go’aan ugu gaadhay in uu fasax ka qaato waajibaadkii xulkiisa inta aanu tartan jirin kadib markii uu niyadjab kala soo laabtay koobkii aduunka wuxuuna qaadanayaa nasiimadii abid ugu fiicnayd intuu uu doorka ugu wayn ku soo yeeshay kooxdiisa Barcelona.

Lionel Messi ayaa ka raystay safarkii dheeraa ee uu u galiyay Southa America markaasta oo xulka qarankiisa Argentina ay ciyaarayaan kulamada caalamiga ah laakiin waxa uu hadda qaadanayaa waqti aanu hore ugu soo marin waayihiisa ciyaareed.

Tababarayaasha kooxaha kubbada cagta ayaa micno la’aan u arka kulamada saaxiibtinimo ee xulalka qaramada waxayna si wayn uga cadhoodaan marka ay ciyaartoy kooxahooda muhiim ka ahi ay dhaawacyo soo gaadhaan ama daalka safarka awgii ayna kulamo muhiim ah ciyaari karin.

Laakiin hadda kooxda Barcelona ayaa ku faraxsan go’aankii uu Lionel Messi ku diiday in uu xulkiisa ku matalo kulamada caalamiga ah ee aan tartamada ahayn ilaa inta laga gaadhayo waqti aanu shaacin oo la filayo inuu noqon doono tartanka Copa America ee 2019.

Lionel Messi ayaa xili ciyaareedkan saftay 11 kii kulan ee ay Barcelona soo ciyaartay isaga oo garoonka ku jiray  935 daqiiqo laakiin waqtigan oo kale xili ciyaareedkii hore waxa uu dhaafay 13000 daqiiqo taas oo muujinaysa in uu haddaba ka nastay daqiiqado badan.

Laakiin Messi ayaa tobankii sanadood ee ugu danbeeyay waxa uu hadda qaadanayaa nasashadii ugu badnayd isaga oo xili ciyaareedkii 2014/15 kii uu ahaa waqtigii ugu mashquulka badnaa isaga oo waqtigan oo kala saftay ku dhawaad 16000 daqiiqo.

Halkan kaga bogo Daqiiqadihii uu Messi saftay tobankii xili ciyaareed ee ugu danbeeyay inkasta oo uu wali ku jiro fasaxa aan waqtiga lahayn ee uu xulkiisa ka qaatay.

Xili ciyaareedkii 2008/09 kii ayuu sidoo kale Lionel Messi qaatay daqiiqado aan badnayn bilawgii xili ciyaareedka inkasta oo waqtiga uu haysto fursad ka badan oo aanu xataa safar ku galin maadaama oo aanu la midoobayn xulka qarankiisa Argentina.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Magacyada iyo Sawirada 11 Cayaaryahan oo laga Sameeyey Xiddigaha Manchester United ee uu heshiisku ka dhacayo Sanadka danbe

(16-10-2018) Macalinka kooxda Manchester united Jose Mourinho ayaa wajahaya dhibaato weyn kadib markii sida lacadeeyey uu heshiisku ka ...

Daawo: Spain oo 15 Sano kadib lagu Garaacay Ciidooda

(16-10-2018) Xulka kubada Cagta England ayaa Guul muhiim ah ka gaaray kulankii xiisaha badnaa ee ay Garoonka Sevilla ...

Kooxda PSG oo Gashay booskii Real Madrid ee doonista David de Gea

(16-10-2018) Kooxda Kubada Cagta PSG ee dalka France ayaa shaaca ka qaaday in ay dooneyso Goolhayaha dalka Spain ...

Rikoorada laga diiwaan geliyey qaybta hore Kulanka Mucjisada ah ee Spain iyo England+Sawiro

(16-10-2018) Cayaaryahanka kooxda Manchester City iyo xulka dalka England ee Raheem Sterling  ayaa Noqdey Cayaaryahankii koobaad ee Ingiriis ah ...

Sadio Mane oo Gacan ka jabay kuna biirey Xiddigaha Muhiimka ah ee ka dhaawacmay Liverpool+Sawiro

(16-10-2018) Kooxda Kubaad Cagta Liverpool ayaa lasheegayaa in ay haysato dhibaato dhanka dhaawacyada ah kadib markii lasheegay in ...

Xiddiga Musaaricada John Cena Oo Muddo Dheer Garoomada Ka Maqnaan Doona Iyo Dalka Sucuudiga Oo Sugaya Soo Laabashadiisa

(16-10-2018) Halyeyga 16-ka jeer ku guuleystay Champions-ka ciyaaraha legdinta WWE ee Musaaricada, John Cena ayaa muddo dheer ka ...

Dorival Junior” AC Milan waxa ay Gacanta ku dhigtay Xiddiga lamid ah Kevin de Bruyne ama Luka Modric’

(16-10-2018) Macalinka kooxda Kubada cagta Flamengo Dorival Junior ayaa shaaca ka qaaday in Naadiga AC Milan ay Gacanta ku ...

Luka Modric Oo Shaaciyey Xiddiga Uu Ku Riyoodo Inuu Ka Garab Cayaaro

(16-10-2018) Xiddiga xilli ciyaareedkan cidkasta ka yaabsanaya ee Luka Modric ayaa doortay halyeeyga dookhiisa ah ee uu jeclaan ...

Dilka Wariye Jamal Khashoggi Oo Baajiyey Cayaartii Ugu Weynayd Dunida Bilaha Ka Hadhay Sannadka

(15-10-2018) Dalka Sucuudi Carabia ayaa la dhibaatoonaya ceebta kasoo gaadhay dilka wariye Jamal Khashoggi oo lagu dhex khaarajiyey ...

Liverpool oo ka Walaacsan dhaawacyada soo gaaray Xiddigaha Mohamed Salah iyo Virgil van Dijk

(15-10-2018) Kooxda Kubada cagta Liverpool ee dalka England ayaa laxaqiijiyey in ay aad uga walacsantahay dhaawacyo lasheegay in ...

Maxaa kajira in Jose Mourinho iyo Eden Hazard kusii jeedaan Real Madrid?

(15-10-2018) Waxaa isa soo taraya Wararka ku sii dhaweynaya Real Madrid Macalinka Manchester United Jose Mourinho iyo iddiga ...

Magacayada 11 Cayaaryahan Caan ah oo koox la.aan ah kana fariisan Kubada cagta?Sawiro

(15-10-2018) Waxaan idiin soo gudbineynaa aqristeyaal magacyada 11 Cayaaryahan oo caan ah isla Markaana xiligaan dibad joog ka ...

Rasmi: Patrick Cutrone oo heshiis Cusub u Saxiixay AC Milan

(15-10-2018) Kooxda Kubada Cagta AC Milan ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay heshiis cusub lagaartay Weeraryaahnka ...

Kooxda Banaadir Sports oo u soo baxday Finalka koobka Jeneral Da uud markii ay ka badiyeen Saxafi

(15-10-2018) Kooxda Kubada Cagta Banaadir Sports ayaa xaqiijisey in ay u soo gudubtay kama dambaysta koobka koobabka Jeneral ...

Xiriirka Kubadda Cagta Ingiriiska Oo Si Kulul U Canaantay Taageereyaashiisa Oo Rabshado Ka Sameeyey Spain+Sawiro

(15-10-2018) Xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ayaa si xun u canaantay taageereyaasha xulka qaranka England ee ku sugan waddanka ...