Tuesday, December 11th, 2018

Magacyada Shanta Cayaaryahan ee ugu Goolasha badan Horyaalada dalalka yurub xiligaan?

Published on October 10, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(10-10-2018) Markii u horreysay muddo sannado ah, waxa soo baxay liiska ciyaartooyo cusub oo hor kacaya gool-dhalinta qaaradda Yurub, kuwaas oo meesha ka saaray Cristiano Ronaldo, Lionel Messi, Robert Lewandowski iyo ciyaartooyo kale oo safka hore looga bartay.

Inkasta oo Lionel Messi uu cidhiidhsaday booskiisa oo uu kaalinta saddexaad kaga jiro gool-dhalinta horyaaalka Spain, haddana marka si guud loo eego isku darka afarta horyaal ee waaweyn ee qaaradda Yurub, waxa ku dagaallamaya ciyaartooyo cusub oo aan cidina sii saadaalinin.

Ciyaartooyadan ayaa waxa ku jira kuwo da’yar oo naadiyada ay u ciyaaraan aanay muddo dheer kasoo muuqanin kaalmaha hore ee horyaallada dalalkooda, sidoo kalena aanay dhicin in laacib ka tirsan laga helo safka hore ee gool-dhalinta murashaxiinta kabta dahabka ah.

Shanta ciyaartoy ee ugu goolasha badan horyaalka dalka Spain ee LaLiga

Stuani (8) Girona

André Silva (7) Sevilla

Messi (6) Barcelona

Ben Yedder (5) Sevilla

Aspas (5) Celta.

Horyaalka dallka Talyaaniga ee Serie A, waxa hoggaanka u haya laacib lagu magacaabo Piatek oo sagaal gool u dhaliyey naadiga yar ee Genoa, waxaana kusoo xiga ciyaartooyada Insinge, Defrel, Immobile iyo Higguain oo kala dhaliyey lix gool, shan gool, iyo afar gool.

Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa kaalinta toddobaad kaga jira gool-dhalinta waxaana uu shabaqa taabtay afar ciyaarood iyagoo isku mid ah laacibka ay isku kooxda yihiin ee Mario Mandzukic.

Siddeedda ciyaartoy ee ugu gool-dhalinta badan horyaalka Talyaaniga ee Serie A:

Krzysztof Piatek (9) Genoa

Insigne (6) Napoli

Defrel (5) Sampdoria

Immobile (5) Lazio

Higuaín (4) Milan

Mandzukic (4) Juventus

Cristiano Ronaldo (4) Juventus

De Paul (4) Udinese

Horyaalka dalka Germany ee Bundesliga waxa wacdaro ka dhigay weeraryahankii hore ee Barcelona ku fashilmay ee Alcacer oo u ciyaara Borussia Dortmund oo illaa hadda saxeexay lix gool, waxaana muddo dheer kaddib aan liiska siddeedda ciyaartoy ee ugu goolasha badan aan kasoo muuqanin ciyaartooyada kooxda Bayern Munich oo wakhti adag ku jira, isla markaana guul-darrooyin xidhiidh ah oo ku habsaday ay keeneen in Lewandowski uu ka maqnaado liiskan.

Ciyaartooyada ugu goolasha badan Bundesliga

Alcácer (6) Borussia Dortmund

  1. Duda (5) Hertha Berlin

Pléa (5) Borussia Mönchengladbach

Finnbogason (4) Augsburg

Ibisevic (4) Hertha Berlin

Marco Reus (4) Borussia Dortmund

Poulsen (4) Leipzig

Werner (4) Leipzig

Dalka Ingiriiska horyaalkiisa xamaasadda badan waxa hoggaanka u haya gool-dhalinta weeraryahanka Chelsea ee Eden Hazard oo illaa hadda dhaliyey toddoba gool, waxaana ku xiga Harry Kane, Sergio Aguero, Mitrovic iyo Murray oo min shan jeer goolal dhaliyey.

Liiska gool-dhalinta horyaalka dalka Ingiriiska ee Premier League:

Hazard (7) Chelsea

Kane (5) Tottenham

Agüero (5) Manchester City

Mitrovic (5) Fulham

Murray (5) Brighton.

Si kastaba ha ahaatee, horyaallada ayaa ku jira marxalad bilow ah, waxaana si fudud isku beddeli karaya gool-dhainta iyo ciyaartooyada ku loollamaya.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Andrew Robertson” Manchester United Waa in lagu Xisaabiyaa Kooxaha yar yar Sabab?

(11-12-2018) Cayaaryahanka Daafaca kooxda Liverpool ee Andrew Robertson ayaa hoos u dhigay awooda Manchester United ka hor kulanka ...

Kaddib Saddexleydii Toddobaadka, Maxay Ahayd Farriintii Mohamed Salah Uu Ka Helay Philippe Coutinho, Maxayse Jamaahiirta Liverpool Ugu Jawaabeen?

(11-12-2018) Cayaaryahan Philippe Coutinho ayaa muujiyey in qayb qalbigiisa ka mid ah ay weli taallo garoonka Anfield kaddib ...

Isku Aadka Wareega 16 ka Coppa Italia oo la Sameeyey

(11-12-2018) Waxaa lasameeyey Isku Aadka Wareega 16 ka Coppa Italia kaas oo ay isku soo beegmeen kooxo waa weyn sidoo ...

Chelsea, Liverpool Iyo Real Madrid Oo Ku Tartamaya Cayaartoy Muslim Ah?

(11-12-2018) Real Madrid ayaa la sheegay inay ku biirtay kooxaha Chelsea iyo Liverpool oo isku eryanaya saxeexa ciyaartoy ...

Ha Iigu Yimaaddo Talyaaniga Isaga Ayaa Ii Baahane – Cristiano Ronaldo Oo Bannaanka Keenay Dhiilaha Messi Iyo Real Madrid, Digniin Culusna U Diray

(11-12-2018) Bal qiyaas sida ay noqonayso kubadda cagta Talyaanigu iyo in xiisihii horyaalkaasi soo laaban lahaa haddii uu ...

John Cena & Gacalisadiisii Nikki Bella Oo Kala Tegay Iyo Peter Kraus Oo Ka Faa’iidaystay

(11-12-2018) Xiddiga ciyaarta musaaricada WWE ee John Cena iyo gacalisadiisii Nikki Bella ayaa si ramsi ah u kala ...

Xaaska Feeryahanka Tyson Fury Oo Qarisay Ilmaheedii Oo Dhintay Saacado Ka Hor Feer Taariikhi Ah Oo Fury Ku Guuleystay

(11-12-2018) Xaaska feedhyahanka Ingiriiska ee Tyson Fury oo lagu magacaabo Paris ayaa calool adag iyo adkaysi muujisay saacado ...

Lionel Messi Oo Ku Wargeliyey Coutinho Inuu Ka Shaqeeyo Xaasidnimada Real Madrid Iyo Tababare Ay Ka Hor Istaagayaan Bernabeu

(11-12-2018) Cayaaryahan Lionel Messi waa ciyaartoyga ugu halista badan ee Real Madrid ka hor tagto, waana cabsi geliyaha ...

Geeri ama Nolol: Tababaraha Liverpool Oo Ka Hadlay Waxa Uu Jamaahiirtiisa Anfield Ka Doonayo Kulanka Napoli Ee UCL

(11-12-2018) Kooxda Liverpool ayaa Anfield ku soo dhawayn doonta dhigeeda Napoli, waana kulan uu culayska oo dhami saaran ...

Jose Mourinho Oo Kalsooni Ku Qaba Inuu Heli Doono Ciyaartoy Bartilmaameed U Ah Iyo Lacagta Uu Ku Doonayo Oo La Shaaciyey

(10-12-2018) Tababaraha Manchester United, Jose Mourinho ayaa la sheegay inuu kalsooni buuxda ku qabo inuu gacanta ku dhigo ...

Layaab!: Sagaal bilood kadib Romelu Lukaku oo Gool ku dhaliyey Old Trafford

(09-12-2018) Weeraryahanka kooxda Manchester United Romelu Lukaku ayaa ugu dambeyn soo gabagabeeyay abaartii gool la’aaneed ee ku heysatay ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Chelsea oo Jabisay Recotdkii layaabka lahaa ee Manchester City

(09-12-2018) Kooxda Kubada Cagta Chelsea ayaa soo gabagabeysay rikoodhkii guuldarro la’aanta Manchester City kaddib markii ay uga badiyeen ...

Kiniinka Viagra-ha Oo Badan Ayaad Cuntay Oo Xataa Kooxdii Arsenal Ee Guuldaro La’aanta Premier League Guulaysatay Ayaad Soo Gasheen- Piers Morgan Oo Messi Uga Hiilayay Pele

(09-12-2018) Halyaygii hore ee xulka qaranka Brazil ee Pele ayaa waraysi uu siiyay Daily Mirror waxa uu si ...

Geesiga Islaamka Khabib Nurmagomedov oo hadal qiiro leh ka jeediyey Saudi Arabia

(08-12-2018) Feedhyahanka Muslimka ah ee Khabib Khabib Nurmagomedov ayaa weerar ba’an kala kulmay gaalada reer galbeedka oo si ...

Chelsea oo qarka u saaran in ay heshiis lagasho badelka Eden Hazard Waa Kuma?

(08-12-2018) Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa isku diyaarinaysa xaalad kasta oo kasoo korodha xiddigeeda Eden Hazard oo aan ...