Tuesday, October 16th, 2018

Toddoba Isbeddel Oo Unai Emery Uu Ku Sameeyey Arsenal Si Uu Jabkii Wenger Uga Badbaado

Published on October 10, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(10-10-2018) Tababare Unai Emery ayaa Arsenal kusoo celiyey kaalmaha sare ee loollanka ugu jira horyaalka xili ciyaareedkan, waxaanay laba dhibcood oo kaliya ka hoosaysaa Liverpool iyo Manchester City oo wada jir hoggaanka u haya, kulankii ugu dambeeyeyna waxay Gunners 5-1 ku xasuuqday Fulham oo ay weliba marti u ahayd.

Bandhig ciyaareedkan wanaagsan ee guulaha horseeday, ayaa waxa uu ka dhashay toddoba isbeddel oo uu Unai Emery ku sameeyey kooxdii uu ka tegay Wenger ee kaalinta lixaad kaga dhamaysatay horyaalka xili ciyaareedkii hore.

Calaamadaha ka muuqda Arsenal xili ciyaareedkan bilowga ah, waxay muujinayaan inay aad uga duwan tahay kooxdii uu Wenger ka tegay, jamaahiirtuna waxay ku qabi karayaan kalsooni inkasta oo bilowgii ugu horreeyey ay walaac aan sii soconin niyadda gashadeen.

Haddaba, waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa toddoba isbeddel oo uu Emery uu ku sameeyey kooxdii uu ka dhaxlay Wenger, kuwaas oo ka caawiyey inuu kasbado quluubta taageereyaasha iyo ciyaartooyadaba.

Tababarka garoonka Emirates: Isbeddelka ugu horreeya ee uu Unai Emery ka sameeyey Arsenal ayaa ah in wakhti badan ay ku tababartaan garoonka Emirates iyo goomada kale ee ay martida ku yihiin, si aanay dhibaato ugu dareemin marka ay ciyaaraha tooska ah ku leeyihiin.

Alex Iwobi ayaa laga soo xigtay in marka ay garoonkooda ku samaynayaan tababarka ay uga dhigan tahay sidii ay ciyaar caadi ah ku jiraan, taasina ka caawinayso inay si fiican ula qabsadaan garoonka iyo ciyaartooyada laftooduba si wacan iskula gartaan qaabka ay isku helayaan marka ciyaar ay iskaga hor yimaaddeen kooxaha kale.

Emery oo isku dayaya shaxo kala duwan: Tababare Emery ayaa xili ciyaareedkan waxa uu kooxdiisa ku ciyaarsiiyey saddex shaxood oo kala duwan, kuwaas oo uu marba meel awoodda saaray, sida weerarka oo uu kordhiyey amaba dhexda oo uu kordhiyey. Tallaabadi waxay aad uga duwan tahay qaab-ciyaareedkii Arsene Wenger oo muddo 22 sannadood ah shax isku mid ah ku ciyaarsiinayey Arsenal.

Aqoonta uu u leeyahay kooxaha uu la ciyaarayo: Emery waxa uu si fiican u daraaseeyaa kooxaha ay la ciyaarayaan ka hor inta aan la gaadhin wakhtiga ay garoonka iskugu soo gelayaan, taasina waxay ka caawisaa inuu si adag ugu sii diyaar garoobo amaba uu kula ciyaaro shax fudud oo aanu ciyaartoygiisa waaweyn halis gelinin.

Kulankii tartanka Europa League ee Qarabag, waxa uu si fiican u muujiyey inuu aqoon durugsan u leeyahay naadigaas ay la ciyaarayeen, waxaanu nasiyey ciyaartoygiisa muhiimka ah, halka tababarihii uu shaqada ka beddelay ee uu ciyaartooyadiisa ugu wanaagsan kusoo bilaabay ciyaar ay iskaga hor yimaaddeen naadiga yar ee Ostersunds, taas oo caddaysay in aanu sii daraasaynin kooxaha ka hor imanaya.

Kubbadaha dhaadheer: Shaki kuma jiro in taageereyaashu la dhacsan yihiin isbeddelka uu ku sameeyey qaab-ciyaareedkii caajiska ahaa ee Arsenal ee lasii saadaalin jiray sida uu noqonayo, waxaanu kusoo kordhiyey kubbado dhaadheer oo kooxaha ay ku adkaanayso inay sii qiyaasi karaan.

Horumarka ciyaartooyada ee ka dhashay cadaadiska: Qaab-ciyaareedka iyo adkaysiga ayey ciyaartooyadu ka sameeyeen horumar, waxaana faa’iidada ugu badan ka helay Iwobi iyo Hector Bellerin.

Siyaasadda uu ciyaartooyada kula dhaqmo tababare Emery ayaa ah mid qabow oo saaxiibtinimo ku jirto, hase yeeshee markay noqoto shaqada, waxa uu laacib walba amar ku siiyaa inuu waajibkiisa kasoo baxo, isagoo wakhtiyada qaarkoodna sidii dad saaxiibbo ah ula sheekaysta.

Da’yarka Emile Smith Rowe oo ka sheekeeyey hab-dhaqanka saaxiibtinimada leh ee Emery, ayaa waxa uu yidhi: “Waa qof si dhab ah ii caawiya aniga, sababtoo ah mar walba tababarka kaddib ayuu ila hadlaa. Koox ahaana, mar walba wuu nala hadlaa, shirar badan ayaanu yeelanaa marka aanu tababarka dhamaysano iyo xattaa ka hor ciyaaraha”

Qofna ma haysto boos joogto ah: Unai Emery awood buuxda ayuu ku leeyahay gudaha kooxda, mana jiro ciyaartoy uu u habrado amaba mid uu ku ixtiraamo maamulka oo loo sheego in aanu fadhiisinin amaba sidii Wenger aanu ku dhiirranin inuu kaydka geliyo.

Wakhtigii uu Arsene Wenger macallinka ahaa, may dhici jirin inuu fadhiisiyo Alexis Sanchez iyo Mesut Ozil, hase yeeshee, Emery waxa uu kaydka u diray Ozil, Ramsey, Aubameyang iyo xattaa ciyaartoy kasta oo la tuhmi lahaa inuu hoggaamiye ka yahay

Baahidii Dhexda dambe ee difaaca xigta oo uu daboolay: Intii ay Arsenal weyday halyeygii reer Brazil ee Gilberto Silva, waxa iska bannaanayd khadka dhexe ee difaaca xigta, weeraryahannada ka soo horjeedaana waxay si fudud u gaadhi karayeen afarta difaaca ah iyo goolhayaha, hase yeeshee xili ciyaareedkan way isbeddeshay taasi.

Laacibka reer Uruguay ee Torreira oo xagaagii ay Arsenal soo iibsatay ayaa uu boos joogto ah ka siiyey difaaca hortooda, waxaanu noqday ilaaliye ay ku nasteen, fursad fiicanna waxa helay Granit Xhaka oo hore ugu ruqaansaday habaynta kubbadaha iyo caawinta weeraryahannada.

Toddobadan isbeddel ee uu hirgeliyey tababare Unai Emery ayaa neefta kusoo celiyey Arsenal, waxaanay taageereyaashu dareensan yihiin in macallinkoodu uu la tartami karayo Jurgen Klopp, Mauricio Pochettino, Pep Guardiola, Sarri iyo Jose Mourinho.

Si kastaba ha ahaatee, Arsenal ayaa qaybta hore ee xili ciyaareed kasta wanaagsanaan jirtay, hase yeeshee waxay siiban jirtay oo ay ka bixi jirtay kooxaha sare marka la gaadho bisha February, waxaana macallinkan la eegi doonaa sida uu u dhaafo bishaas masiibada ku ahayd tobankii sannadood ee ugu dambeeyey.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Magacyada iyo Sawirada 11 Cayaaryahan oo laga Sameeyey Xiddigaha Manchester United ee uu heshiisku ka dhacayo Sanadka danbe

(16-10-2018) Macalinka kooxda Manchester united Jose Mourinho ayaa wajahaya dhibaato weyn kadib markii sida lacadeeyey uu heshiisku ka ...

Daawo: Spain oo 15 Sano kadib lagu Garaacay Ciidooda

(16-10-2018) Xulka kubada Cagta England ayaa Guul muhiim ah ka gaaray kulankii xiisaha badnaa ee ay Garoonka Sevilla ...

Kooxda PSG oo Gashay booskii Real Madrid ee doonista David de Gea

(16-10-2018) Kooxda Kubada Cagta PSG ee dalka France ayaa shaaca ka qaaday in ay dooneyso Goolhayaha dalka Spain ...

Rikoorada laga diiwaan geliyey qaybta hore Kulanka Mucjisada ah ee Spain iyo England+Sawiro

(16-10-2018) Cayaaryahanka kooxda Manchester City iyo xulka dalka England ee Raheem Sterling  ayaa Noqdey Cayaaryahankii koobaad ee Ingiriis ah ...

Sadio Mane oo Gacan ka jabay kuna biirey Xiddigaha Muhiimka ah ee ka dhaawacmay Liverpool+Sawiro

(16-10-2018) Kooxda Kubaad Cagta Liverpool ayaa lasheegayaa in ay haysato dhibaato dhanka dhaawacyada ah kadib markii lasheegay in ...

Xiddiga Musaaricada John Cena Oo Muddo Dheer Garoomada Ka Maqnaan Doona Iyo Dalka Sucuudiga Oo Sugaya Soo Laabashadiisa

(16-10-2018) Halyeyga 16-ka jeer ku guuleystay Champions-ka ciyaaraha legdinta WWE ee Musaaricada, John Cena ayaa muddo dheer ka ...

Dorival Junior” AC Milan waxa ay Gacanta ku dhigtay Xiddiga lamid ah Kevin de Bruyne ama Luka Modric’

(16-10-2018) Macalinka kooxda Kubada cagta Flamengo Dorival Junior ayaa shaaca ka qaaday in Naadiga AC Milan ay Gacanta ku ...

Luka Modric Oo Shaaciyey Xiddiga Uu Ku Riyoodo Inuu Ka Garab Cayaaro

(16-10-2018) Xiddiga xilli ciyaareedkan cidkasta ka yaabsanaya ee Luka Modric ayaa doortay halyeeyga dookhiisa ah ee uu jeclaan ...

Dilka Wariye Jamal Khashoggi Oo Baajiyey Cayaartii Ugu Weynayd Dunida Bilaha Ka Hadhay Sannadka

(15-10-2018) Dalka Sucuudi Carabia ayaa la dhibaatoonaya ceebta kasoo gaadhay dilka wariye Jamal Khashoggi oo lagu dhex khaarajiyey ...

Liverpool oo ka Walaacsan dhaawacyada soo gaaray Xiddigaha Mohamed Salah iyo Virgil van Dijk

(15-10-2018) Kooxda Kubada cagta Liverpool ee dalka England ayaa laxaqiijiyey in ay aad uga walacsantahay dhaawacyo lasheegay in ...

Maxaa kajira in Jose Mourinho iyo Eden Hazard kusii jeedaan Real Madrid?

(15-10-2018) Waxaa isa soo taraya Wararka ku sii dhaweynaya Real Madrid Macalinka Manchester United Jose Mourinho iyo iddiga ...

Magacayada 11 Cayaaryahan Caan ah oo koox la.aan ah kana fariisan Kubada cagta?Sawiro

(15-10-2018) Waxaan idiin soo gudbineynaa aqristeyaal magacyada 11 Cayaaryahan oo caan ah isla Markaana xiligaan dibad joog ka ...

Rasmi: Patrick Cutrone oo heshiis Cusub u Saxiixay AC Milan

(15-10-2018) Kooxda Kubada Cagta AC Milan ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay heshiis cusub lagaartay Weeraryaahnka ...

Kooxda Banaadir Sports oo u soo baxday Finalka koobka Jeneral Da uud markii ay ka badiyeen Saxafi

(15-10-2018) Kooxda Kubada Cagta Banaadir Sports ayaa xaqiijisey in ay u soo gudubtay kama dambaysta koobka koobabka Jeneral ...

Xiriirka Kubadda Cagta Ingiriiska Oo Si Kulul U Canaantay Taageereyaashiisa Oo Rabshado Ka Sameeyey Spain+Sawiro

(15-10-2018) Xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ayaa si xun u canaantay taageereyaasha xulka qaranka England ee ku sugan waddanka ...