Tuesday, October 16th, 2018

Dagaalkii Donald Trump Iyo Xiddiga Kaepernick Oo Dib U Bilaabmay?

Published on October 12, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(12-10-2018) Xiddiga madow ee madax xanuunka ku riday madaxweyne Donald Trump ee Colin Kaepernick ayaa ku guuleystay abaal-marin qaali ah oo lagu guddoonsiiyey sida uu ugu halgamay madowga dalka Maraykanka iyo dhaqankooda, kaddib markii uu dagaal toos ah kala hor tegay madaxweynaha iyo dadka caddaanka ah ee magaca ku leh dalkaas.

Colin Kaepernick ayaan garoomada soo gelin tan iyo sannadkii 2016 markaas oo ay kooxaha dalka Maraykanka ee caddaanku leeyihiin diideen inuu u ciyaaro, iyaga oo daba socday halgan uu ciyaartoygani u galay inuu difaaco xuquuqda dadka madowga ah oo siyaabo xunxun loola dhaqmay, dad badanna laga laayay sannadihii u dambeeyey.

Ciyaartoygan oo ciyaara kubadda NFL-ka ee caanka ka ah dalkaas, ayaa sannadkii 2016 bilaabay olole guuleystay oo dad badan iyo ciyaartooyo magac leh ay kaga daydeen, taas oo ahayd in marka la shido heesta calanka Maraykanka bilowga ciyaar kasta uu diido inuu u istaago isaga oo jilib dhulka dhigaya.

Arrintaas oo dunida oo dhan gaadhay ayaa uu ku waayey kooxdiisii oo diiday inay u cusboonaysiiyo heshiiskiisii oo sannadkaas dhacayey, hase yeeshee madaxweyne Trump ayaa dagaal toos ah la galay oo si xun ugu aflagaadeeyey bartiisa Twitterka, shirar jaraa’id iyo khudbado toos ah oo uu fagaareyaaal ka jeediyey.

Xiddigan 30 jirka ah ayaa arrintaas kasoo kabtay markii ay toddobaadkan jaamacadda Harvard University oo ah tan dunida ugu horreysa ay guddoonsiiyey abaal-marinta qaaliga ah ee W.E.E Du Bois Medal oo uu ku mutaystay sida uu ugu halgamayo xuquuqda madowga.

Isaga oo ka hadlayey xafladdii lagu guddoonsiinayey abaal-marinta, ayaa waxa uu Colin Kaepernick sheegay in dadka oo dhan ay waajib ku tahay inay u dagaallamaan, raadiyaana xuquuqda la duudsiyey ee dadka madow ee Maraykanka, waxaanu ku dooday inuu sii wadi doono taas.

“Waxa aan dareemayaa in aanay ahayn masuuliyad aniga oo kaliya i saaran ee ay tahay in dadka oo dhami ay waajibkood aqaataan, awooddooda muujiyeen, sii wadaan dagaalka, sare isku qaadaan oo ay is awoodeeyaan.” Sidaas ayuu yidhi Colin Kaepernick.

Laacibkan ayaa sannadkan horraantiisii dacwad u gudbiyey maxkamad ku taalla dalka Maraykanka oo ka dhan ahayd mulkiileyaasha naadiyada NFL-ka oo dhamaantood diiday inay heshiis la galaan si uu ugu ciyaaro, hase yeeshee waxa uga hiilisay shirkadda NIKE oo dharkeeda sannadkan uga dhigtay sawirka koowaad ee lagu xayeysiiyo, taas oo uu ka helayo hanti badan.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Magacyada iyo Sawirada 11 Cayaaryahan oo laga Sameeyey Xiddigaha Manchester United ee uu heshiisku ka dhacayo Sanadka danbe

(16-10-2018) Macalinka kooxda Manchester united Jose Mourinho ayaa wajahaya dhibaato weyn kadib markii sida lacadeeyey uu heshiisku ka ...

Daawo: Spain oo 15 Sano kadib lagu Garaacay Ciidooda

(16-10-2018) Xulka kubada Cagta England ayaa Guul muhiim ah ka gaaray kulankii xiisaha badnaa ee ay Garoonka Sevilla ...

Kooxda PSG oo Gashay booskii Real Madrid ee doonista David de Gea

(16-10-2018) Kooxda Kubada Cagta PSG ee dalka France ayaa shaaca ka qaaday in ay dooneyso Goolhayaha dalka Spain ...

Rikoorada laga diiwaan geliyey qaybta hore Kulanka Mucjisada ah ee Spain iyo England+Sawiro

(16-10-2018) Cayaaryahanka kooxda Manchester City iyo xulka dalka England ee Raheem Sterling  ayaa Noqdey Cayaaryahankii koobaad ee Ingiriis ah ...

Sadio Mane oo Gacan ka jabay kuna biirey Xiddigaha Muhiimka ah ee ka dhaawacmay Liverpool+Sawiro

(16-10-2018) Kooxda Kubaad Cagta Liverpool ayaa lasheegayaa in ay haysato dhibaato dhanka dhaawacyada ah kadib markii lasheegay in ...

Xiddiga Musaaricada John Cena Oo Muddo Dheer Garoomada Ka Maqnaan Doona Iyo Dalka Sucuudiga Oo Sugaya Soo Laabashadiisa

(16-10-2018) Halyeyga 16-ka jeer ku guuleystay Champions-ka ciyaaraha legdinta WWE ee Musaaricada, John Cena ayaa muddo dheer ka ...

Dorival Junior” AC Milan waxa ay Gacanta ku dhigtay Xiddiga lamid ah Kevin de Bruyne ama Luka Modric’

(16-10-2018) Macalinka kooxda Kubada cagta Flamengo Dorival Junior ayaa shaaca ka qaaday in Naadiga AC Milan ay Gacanta ku ...

Luka Modric Oo Shaaciyey Xiddiga Uu Ku Riyoodo Inuu Ka Garab Cayaaro

(16-10-2018) Xiddiga xilli ciyaareedkan cidkasta ka yaabsanaya ee Luka Modric ayaa doortay halyeeyga dookhiisa ah ee uu jeclaan ...

Dilka Wariye Jamal Khashoggi Oo Baajiyey Cayaartii Ugu Weynayd Dunida Bilaha Ka Hadhay Sannadka

(15-10-2018) Dalka Sucuudi Carabia ayaa la dhibaatoonaya ceebta kasoo gaadhay dilka wariye Jamal Khashoggi oo lagu dhex khaarajiyey ...

Liverpool oo ka Walaacsan dhaawacyada soo gaaray Xiddigaha Mohamed Salah iyo Virgil van Dijk

(15-10-2018) Kooxda Kubada cagta Liverpool ee dalka England ayaa laxaqiijiyey in ay aad uga walacsantahay dhaawacyo lasheegay in ...

Maxaa kajira in Jose Mourinho iyo Eden Hazard kusii jeedaan Real Madrid?

(15-10-2018) Waxaa isa soo taraya Wararka ku sii dhaweynaya Real Madrid Macalinka Manchester United Jose Mourinho iyo iddiga ...

Magacayada 11 Cayaaryahan Caan ah oo koox la.aan ah kana fariisan Kubada cagta?Sawiro

(15-10-2018) Waxaan idiin soo gudbineynaa aqristeyaal magacyada 11 Cayaaryahan oo caan ah isla Markaana xiligaan dibad joog ka ...

Rasmi: Patrick Cutrone oo heshiis Cusub u Saxiixay AC Milan

(15-10-2018) Kooxda Kubada Cagta AC Milan ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay heshiis cusub lagaartay Weeraryaahnka ...

Kooxda Banaadir Sports oo u soo baxday Finalka koobka Jeneral Da uud markii ay ka badiyeen Saxafi

(15-10-2018) Kooxda Kubada Cagta Banaadir Sports ayaa xaqiijisey in ay u soo gudubtay kama dambaysta koobka koobabka Jeneral ...

Xiriirka Kubadda Cagta Ingiriiska Oo Si Kulul U Canaantay Taageereyaashiisa Oo Rabshado Ka Sameeyey Spain+Sawiro

(15-10-2018) Xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ayaa si xun u canaantay taageereyaasha xulka qaranka England ee ku sugan waddanka ...