Saturday, February 16th, 2019

Lionel Messi Oo Si Xor Ah Uga Tegi Karaya Barcelona Iyo Qodob Ka Nixiyey Jamaahiirta Oo Laga Helay Heshiiskiisii Barca

Published on October 13, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(14-10-2018) Xiddiga kooxda kubadda cagta Barcelona ee Lionel Messi ayaa si xor ah uga tegi karaya Barcelona, isla markaana ku biiri doona naadiga uu doonayo.

Barcelona ayaa ka shaqaynaysa sidii ay heshiis cusub uga saxeexi lahayd Messi, hase yeeshee laacibkan ayaa ka war-wareegaya inuu qalinka u qaato, taas oo fasax u siin karaysa inuu si xor ah uga tegi karo sannad iyo badh kaddib.

Qodob aan markii hore warbaahinta lala wadaagin oo ku jiray heshiiskiisii cusbaa ee dhacayay 2021 ayaa hadda bannaanka usoo baxay, waxaana ay taasi yaab ku noqotay jamaahiirta kooxda.

Qodobkan ayaa ogolaanaya in Lionel Messi uu si xor ah uga tegi karayo Barcelona 18 bilood kaddib, taas oo ah ku dhowaad sannad iyo badh.

Sida uu qoray wargeyska Mundo, laacibkan 31 jirka ah ayaa marka la gaadho sannadka 2020-ka, waxa iyadoo aanay Barcelona iibinin uu u wareegi karayaa naadiga uu doono, taas oo bixisay ishaaro ah inuu doonayo inuu waqti u helo koox kale oo uu taariikh nololeedkiisa kusii darsado ka hor inta aanu ciyaaraha ka fadhiisanin.

Wargeysku waxa uu intaa ku daray in qodobkan Messi fasaxaya uu dhigayo inuu ku biiri karo oo kaliya koox aan ka mid ahayn naadiyada waaweyn.

Sidaas oo ay tahay, maamulka sare ee Barcelona ayaa ka shaqaynaya sidii ay ugu qancin lahaayeen inuu kordhiyo qandaraaskiisa iyo in meesha laga saaro qodobka dhibaatada ku ah Blaugrana, waxaanay ugu yaraan doonayaan inuu sii joogo Camp Nou illaa sannadka 2022 ama 2023 markaas oo ay da’diisu noqon doonto 36 jir.

Haddii Lionel Messi uu ku waafaqo reer Barcelona heshiiska ay doonayaan inuu u saxeexo, waxa uu noqon doonaa ciyaartoy hal koox ay taariikhdiisu ku kooban tahay, waxaana suurtogal ah inuu taas iska ilaalinayo.

Qandaraaska uu hadda kula jiro Barcelona ayaa waxa ku xidhan €700 milyan oo lagu burburin karayo, mana jirto koox u badheedhaysa in ciyaartoy 31 jir ah ay lacagta intaas le’eg ka bixiso amaba ku fikirto, hase yeeshee kooxaha Manchester City iyo PSG ayaa lala xidhiidhinayaa inay xiisaynayaan.

Waxa kale oo la sheegay in Lionel Messi uu doonayo dariiqii Xavi Hernandez iyo Andres Iniesta ee ah in marka cimrigooda kubbadeed dhamaadka yahay inay ka ciyaaraan meel kale, iyadoo la warinayo in waddanka Maraykanka aad looga doonayo.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Madaxweynaha Ac Milan Paolo Scaroni Oo Dhac Layaab Leh Loo Geystay & Haweeney Qaab Cajiib Ah Garab Usiisay Dambiilaha.

(16-12-2018) Madaxweynaha kooxda Ac Milan Paolo Scaroni ayaa lagu soo waramayaa in laga xaday jimcadii shalay aheyd boorso ...

Macalinka Kooxda Liverpool Jurgen Klopp oo Ka Hadlay Jose Mourinho Ka Hor Ciyaarta Manchester United iyo Liverpool

(16-12-2018) Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa ka hadlay dhigiisa Manchester United ee Jose Mourinho iyo ciyaarta ay ...

Khabiirada Shabakadda Mirror Football Oo Isku Khilaafay Shaxda Isku Dhaf Ah Kulanka Liverpool vs Man United – Mid Walba Shax Ayuu Doortay!

(16-12-2018) Kulanka ugu weyn England ayaa berito dhici doona, waana kulan aan laga mideysneyn aragtida laga aaminsan yahay, ...

Wiilkii Uu Dunida Kaga Tegay Feedhyahankii Muslimka Ahaa Ee Mohamed Ali Oo Qarka U Saaran Inuu Dawarsado Ama Tuugsado Sabab?

(16-12-2018) Wiilka kaliya ee uu dhalay feedhyahankii Muslimka ahaa ee Muhammad Ali ayaa ku sugan xaalad nololeed oo ...

Wanda Nara Oo Diyaarinaysa Qandaraas Dabar Ku Noqonaya Mauro Icardi

(16-12-2018) Wanda Nara oo ah xaaska iyo Wakiilka ciyaartoyga reer Argentina ee Mauro Icardi oo afka hore uga ...

Farriintii Uu Diego Costa U Diray Arsenal Markii Uu Dhaawacay Laurent Koscielny Iyo Qaabkii Axmaqnimada Ahaa Ee Uu Isku Difaacay

(16-12-2018) Difaaca Arsenal ee Laurent Koscielny ayaa shaaciyey inuu u bilaabmay wax uu ugu yeedhay ‘Cutubka Cusub Ee ...

Barcelona Oo Baadi Goobaysa Beddelka Luis Suarez Iyo Xiddigaha Ay Isha Ku Hayso

(16-12-2018) Luis Suarez hadda da’diisu waxay noqotay 32 jir, waxaana kooxdiisa Barcelona u muuqatay in ay u baahan ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Manchester City oo Mar Kale Hogaanka Si Ku Meel Gaadh ah U Qabatay Maanta.

(15-12-2018) Cayaar ay maanta wada ciyaareen kooxda Manchester City iyo kooxda Everton oo ahayd horyaalka dalka ingiriiska oo ...

Layaab!: Boqortooyada Kuwait oo la ogaadey in ay lacag ka dhacday Cayaartoy waa weyn oo magac leh

(15-12-2018) Lix bilood kaddib markii dalka Kuwait uu martigeliyey ciyaar ay iskugu yimaaddeen xiddigaha waaweyn ee dunida oo ...

Dhamaan Kulamada Sabtiga iyo Saacadaha Geeska Africa ee ay bilaaban doonaan?

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa dhamaan Cayaaraha dhici doona Sabtiga ee ku tirsan Horyaalada kala duwan ee qaarada ...

Halyeygii Manchester United Ee Willie Morgan Oo Magacaabay Afarta Ciyaartoy Ee Uu Doonayo In Kooxdiisa Hore Iska Iibiso Bisha January

(15-12-2018) Halyeygii Manchester United ee Willie Morgan ayaa aaminsan in tababaraha kooxdaas Jose Mourinho ay tahay inuu iibiyo ...

May Ahayn In Arsenal Loo Ogolaado Inay Ciyaarto Europa League – Tababaraha Qarabag Oo Dood Cajiib Ah Bedka Keenay Kaddib Guushii Gunners Sabab?

(15-12-2018) Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa sii wadda guul-darro la’aanta xidhiidhka ah, waxaanay xalay 1-0 ku muquunisay naadiga ...

Qorshaha Jose Mourinho Ku Qaban Doono Salah, Mane & Firmino, Dhibaatada Difaaca Ee Haysata Iyo Sida Uu U Kala Xulan Doono Xiddigaha Uu Haysto

(15-12-2018) Manchester United ayaa Axadda safar ugu tegaysa Liverpool oo kulankooda ugu horreeya xili ciyaareedkan ee horyaalka Premier ...

Cristiano Ronaldo Oo Markale looga yeeray Maxkamad dalka Spain ah iyo Ciqaabta uu lakulmi doono?

(15-12-2018) Maxkamad ku taalla dalka Spain ayaa go’aamisay xilliga ay dhegaysan doonto dacwad la xidhiidha lunsi cashuuro oo ...

Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018 kaas ...