Sunday, October 21st, 2018

Xiddigaha Ugu Waaweyn Dalka Brazil Oo Si Xun Ugu Kala Qaybsamay Siyaasadda Dalkooda Iyo Murashaxa Ay U Codaynayaan

Published on October 13, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(13-10-2018) Murashaxa midigta fog, Jair Bolsonaro ayaa kala qaybsanaan badan ka dhex abuuray halyeeyadii waaweynaa ee kubadda cagta dalka Brazil, kuwaas oo qaarkood si badheedh ah ula safteen kuwo kalena kasoo horjeedsadeen.

Xiddigo ay ugu horreeyaan Ronaldinho iyo Rivaldo ayaa si badheedh ah u shaaciyey inay u codayn doonaan Jair Bolsonaro doorashada dhowaanta dhacaysa, hase yeeshee hal ciyaartoy ayaa si toos ah uga hor yimid doorashadooda aan qarsoodiga ahayn, waxaanu ku tilmaamay in bahda kubadda cagta ay tahay in aanay ku milmin siyaasadda.

Ronaldinho oo adeegsanaya bartiisa Instagram ayaa waxa uu sheegay inuu doonayo, dalkiisana ay u wanaagsan tahay Bolsonaro, waxaana arrintaaas ku waafaqay Rivaldo oo markiiba ku dhawaaqay inuu u codayn doono.

“Wuxuu u wanaagsan yahay Brazil, waxaan doonayaa nabad, amaan iyo in qof walba ay farxaddii dib ugu soo laabato, waxaanan doortay inaan ku noolaado Brazil.” Sidaas waxa bartiisa bulshada ku daabacay Ronaldinho oo markiiba ay dad aad u tiro badan kaga fal celiyeen jawaabo togan iyo kuwo taban.

Qoraalkan kooban oo uu la socday sawirka murashax Bolsonaro, ayaa waxa markiiba soo dhaweeyey Neymar iyo Gabriel Jesus oo saaray calaamadda (LIKE), ka hor intii aanay kusoo biirin Felipe Melo, Lucas Moura iyo Cafu.

Intaas kaddib waxa isaguna bartiisa soo dhigay farriin aan gabbasho lahayn, halyeygii hore ee xulka qaranka Brazil iyo kooxda Barcelona ee Rivaldo, waxaana uu ku yidhi qoraalkiisa: “Waxaan u codaynayaa Bolsonaro.”

Murashax Bolsanaro ayaa waxa lagu eedeeyey in uu yahay cunsuri aan jeclayn dadka asalkoodu kasoo jeedo Afrika, waana sababta uu halyeygii kooxda Lyon ee Juninho Pernanbucano uga soo horjeedo in ciyaartooyadu ay si badheedh ah u taageeraan.

Farriin uu ugu jawaabayo Ronaldinho, Rivaldo iyo xiddigaha kale ee kusii waafaqay dookhooda, ayaa waxa uu yidhi: “Waan murugooday markii aan arkay ciyaartoy amaba laacib hore oo isaga taageeraya.”

Si kastaba ha ahaatee, doorashada dalka Brazil oo uu ka maqan yahay madaxweynihii hore ee Lula da Silva oo dhowaan xukun maskamadeed ku dhowaaqay ayaan la ogeyn in murashaxa garabka midig uu ku guuleysan doono iyo in madaxweynaha hadda talada hayaa uu kusoo laaban doono.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

DEG DEG: Lionel Messi oo Garoonka laga Saaray kadib dhaawac Culus oo soo gaaray+Sawiro

(21-10-2018) Cayaaryahanka kooxda Barcelona ee Linel Messi ayaa laga saaray Kulanka xiisaha badan ee ay lacayaarayaan kooxda Sevilla ...

Juventus oo lumisey dhibcihii koobaad Horyaalka Talyaaniga Xiligaan+Sawiro

(21-10-2018) Kooxda Kubada Cagta Juventus ee hogaanka u haysa Horyaalka Talyaaniga ayaa lumisey dhibcihii koobaad kadib markii ay ...

Daawo: Manchester City oo u awood sheegatay Burnley lana wareegtay hogaanka Horyaalka Ingiriiska

(20-10-2018) Kooxda Manchester ayaa ka faa’iidaysataya barbarihii ay Cheslealagashay Man United, waxayna si toos ula wareegtay hogaanka horyaalka, ...

Goolka Cristiano Ronaldo oo Record Cusub ku soo kordhiyey Kubada Cagta yurub?

(20-10-2018) Cayaaryahanka kooxda Kubada cagta Juventus ee Cristiano Ronaldo oo Gool ka dhaliyey kooxda Genoa kulan hada socda oo ...

Kumuu ahaa Cayaaryhanka loo doortay Man of the Match Kulankii Chelsea iyo Manchester United

(20-10-2018) Kadib kulankii xiisaha badnaa ee dhe maray kooxaha Chelsea iyo Manchester United waxaa lasoo saaray Cayaaryahankii loo ...

Jose Mourinho muxuu u dagaalamay markii labareejeeyey kooxdiisa+Sawiro

(20-10-2018) Macalinka kooxda Manchetser United Jose Mourinho ayaa la arkayey isaga oo dagaalamaya Markii laga dhaliyey Goolka bareejada ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Real Madrid oo lagu garaacay Garoonkeeda

(20-10-2018) Kooxda Kubada Cagta Real Madrid ayaa Guuldaro kala kulantay kooxda Levante oo ay Duhurnimadii maanta kula Cayaareen ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Chelsea oo bareejo ka tuugtay Manchester United

(20-10-2018) Kooxda kubada Cagta Manchetser United ayaa ku dhawaatay in ay Garoonkeeda ku Garaacdo kooxda Chelsea kadib markii ...

Dhamaan Kulamada Galabta iyo Caawa Saacadaha Geeska Africa ee midkastaa bilaaban doonto

(20-10-2018) Waxaa Galabta iyo Caawa lacayaari doonaa kulamo aad u xiiso badan oo kutirsan Horyaalada kala duwan ee ...

Daawo Sawirada Cayaartoyda Manchester United oo soo gaaray London

(20-10-2018) Cayaartoyda kooxda Manchyester United ayaa soo gaaray magaalada London halkaa oo ay ka degeen Hotel iyaga oo ...

Paris Saint-Germain oo bilaawday in ay Raadiso badelka Neymar

(20-10-2018) Kooxda Kubaad cagta Paris Saint-Germain  ayaa lasheegayaa in ay durba bilaawday Cayaaryahankii badelka u noqon lahaa Xiddiga dalka ...

Daawo Sawirada Kooxda Banaadir Sports oo qaaday koobkii Jeneral Da uud 2018

(19-10-2018) Kooxda Kubada Cagta Banaadir Sports ayaa ku Guuleysatay koobka koobabka Jeneral Daa uud ka dib markii ay ...

Baaritaan lagu Samayn doono qaabkii ay AC Milan ula Wareegtay Lucas Paqueta?

(19-10-2018) Wararka ka imaanaya dalka Braziil ayaa sheegaya in baaritaan lagu samayn doono qaabkii uu u dhacay heshiiska ...

Magacyada iyo Sawirada 6 da Macalin ee ugu Guuldarada Badana Taariikhda Premier League

(19-10-2018) Waxaan idiin soo gudbineynaa aqristeyaal Magacyada iyo Sawirada 6 da Macalin ee ugu Guuldarada badan Taariikhda Horyaalka Premier ...

Digniin: Julen Lopetegui oo loo qabtay Sadex Kulan in uu shaqadiisa ku bad baadiyo

(19-10-2018) Maamulka kooxda Kubada Cagta Real Madrid ayaa lasheegayaa in ay digniin kama dambays ah u direen Macalinka ...