Thursday, January 17th, 2019

Dilka Wariye Jamal Khashoggi Oo Baajiyey Cayaartii Ugu Weynayd Dunida Bilaha Ka Hadhay Sannadka

Published on October 15, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(15-10-2018) Dalka Sucuudi Carabia ayaa la dhibaatoonaya ceebta kasoo gaadhay dilka wariye Jamal Khashoggi oo lagu dhex khaarajiyey safaaradda dalkaasi ku leeyahay magaalada Istanbul, kaas oo ay kasoo gaadhay dhibaatooyin dhaqaale, sumcad iyo mid kale oo dhinaca ciyaaraha ah.

Kulanka ugu weyn dunida ee inta sannadkan ka hadhsan la ciyaari lahaa ayaa ah ciyaarta musaaricada WWE ee loo yaqaano Crown Jewel oo lacag badan kasoo xerooto, waxaana sannadkan lagu qaban lahaa Sucuudiga oo heshiis 10 sannadood ah kula jira WWE.

Sucuudiga ayaa bishii April martigeliyey ciyaartii ugu weynayd ee musaarico ee abid la qabto oo ay ka qayb-galeen ciyaartooyadii ugu badnaa taariikhda (Geatest Royal Rumble), taas oo si guul leh ay u martigelisay magaalada Jeddah oo garoonka weyn ee King Abdullah Sports City ay ku daawadeen kumannaan qof iyo malaayiin kale oo telefishanada kala socotay.

2-da bisha November waxa qorshaysnayd in magaalada Riyad lagu qabto ciyaartii labaad ee musaarico ah oo ah legtinta loo yaqaano Crown Jewel, ayaa waxa hadda la sheegay in maamulka WWE ay ogolaadeen inay joojiyaan qabashada ciyaartaas ay martigelin lahayd dawladda Sucuudiga sababo la xidhiidha dilka wariye Jamal Khashoggi oo dunidu cadaadis badan ku saarayso Boqortooyada dembiga ay gashay.

War-saxaafadeed ay soo saartay xidhiidhka maamulka ciyaaraha legtinta ee WWE ayaa waxa lagu yidhi: “Waxa aanu hadda qiyaasaynaa xaaladdu siday tahay.”

Inyar kaddib waxa WWE ay ka saartay boggeeda Internetka qaybtii iibka tigidhada ciyaartaas, taas oo ka dhigan in gebi ahaanba la kansal gareeyey.

Sucuudiga oo khasaare badan ugu jiro baaqashada ciyaartan, ayaa waxay isku difaaceen in wariye Jamal Khashoggi uu kasoo baxay safaaraddooda isaga oo bed-qaba, hase yeeshee ma jiraan wax caddaymo ah oo ay keeneen.

Legtintii hore ee Greatest Royal Rumble ayaa waxa garoonka King Abdullah International Stadium ee magaalada Jeddah ku daawaday dad ka badan 60,000 (Lixdan kun oo qof), waxaana la filayey in kulankan ay dad intii ka badan daawadaan.

Ciyaartooyo waaweyn ayaa kulankan ciyaari lahaa sida Kooxaha Heartbreak Kid, DX, Triple H, Undertaker iyo Kane. Waxa kale oo iyaguna qaybtooda ciyaari lahaa Brock Lesnar, Roman Reins, Braun Strowman iyo John Cena oo la sheegay in mugdi ku jiro inuu iman doono.

Baaqashada ciyaartan ayaa waxay keenaysaa in shirkadda WWE ay Sucuudiga ka dalbato magdhow balaayiin dollar ah sida uu dhigayo heshiiska tobanka sannadood ah ee u dhexeeya.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Madaxweynaha Ac Milan Paolo Scaroni Oo Dhac Layaab Leh Loo Geystay & Haweeney Qaab Cajiib Ah Garab Usiisay Dambiilaha.

(16-12-2018) Madaxweynaha kooxda Ac Milan Paolo Scaroni ayaa lagu soo waramayaa in laga xaday jimcadii shalay aheyd boorso ...

Macalinka Kooxda Liverpool Jurgen Klopp oo Ka Hadlay Jose Mourinho Ka Hor Ciyaarta Manchester United iyo Liverpool

(16-12-2018) Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa ka hadlay dhigiisa Manchester United ee Jose Mourinho iyo ciyaarta ay ...

Khabiirada Shabakadda Mirror Football Oo Isku Khilaafay Shaxda Isku Dhaf Ah Kulanka Liverpool vs Man United – Mid Walba Shax Ayuu Doortay!

(16-12-2018) Kulanka ugu weyn England ayaa berito dhici doona, waana kulan aan laga mideysneyn aragtida laga aaminsan yahay, ...

Wiilkii Uu Dunida Kaga Tegay Feedhyahankii Muslimka Ahaa Ee Mohamed Ali Oo Qarka U Saaran Inuu Dawarsado Ama Tuugsado Sabab?

(16-12-2018) Wiilka kaliya ee uu dhalay feedhyahankii Muslimka ahaa ee Muhammad Ali ayaa ku sugan xaalad nololeed oo ...

Wanda Nara Oo Diyaarinaysa Qandaraas Dabar Ku Noqonaya Mauro Icardi

(16-12-2018) Wanda Nara oo ah xaaska iyo Wakiilka ciyaartoyga reer Argentina ee Mauro Icardi oo afka hore uga ...

Farriintii Uu Diego Costa U Diray Arsenal Markii Uu Dhaawacay Laurent Koscielny Iyo Qaabkii Axmaqnimada Ahaa Ee Uu Isku Difaacay

(16-12-2018) Difaaca Arsenal ee Laurent Koscielny ayaa shaaciyey inuu u bilaabmay wax uu ugu yeedhay ‘Cutubka Cusub Ee ...

Barcelona Oo Baadi Goobaysa Beddelka Luis Suarez Iyo Xiddigaha Ay Isha Ku Hayso

(16-12-2018) Luis Suarez hadda da’diisu waxay noqotay 32 jir, waxaana kooxdiisa Barcelona u muuqatay in ay u baahan ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Manchester City oo Mar Kale Hogaanka Si Ku Meel Gaadh ah U Qabatay Maanta.

(15-12-2018) Cayaar ay maanta wada ciyaareen kooxda Manchester City iyo kooxda Everton oo ahayd horyaalka dalka ingiriiska oo ...

Layaab!: Boqortooyada Kuwait oo la ogaadey in ay lacag ka dhacday Cayaartoy waa weyn oo magac leh

(15-12-2018) Lix bilood kaddib markii dalka Kuwait uu martigeliyey ciyaar ay iskugu yimaaddeen xiddigaha waaweyn ee dunida oo ...

Dhamaan Kulamada Sabtiga iyo Saacadaha Geeska Africa ee ay bilaaban doonaan?

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa dhamaan Cayaaraha dhici doona Sabtiga ee ku tirsan Horyaalada kala duwan ee qaarada ...

Halyeygii Manchester United Ee Willie Morgan Oo Magacaabay Afarta Ciyaartoy Ee Uu Doonayo In Kooxdiisa Hore Iska Iibiso Bisha January

(15-12-2018) Halyeygii Manchester United ee Willie Morgan ayaa aaminsan in tababaraha kooxdaas Jose Mourinho ay tahay inuu iibiyo ...

May Ahayn In Arsenal Loo Ogolaado Inay Ciyaarto Europa League – Tababaraha Qarabag Oo Dood Cajiib Ah Bedka Keenay Kaddib Guushii Gunners Sabab?

(15-12-2018) Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa sii wadda guul-darro la’aanta xidhiidhka ah, waxaanay xalay 1-0 ku muquunisay naadiga ...

Qorshaha Jose Mourinho Ku Qaban Doono Salah, Mane & Firmino, Dhibaatada Difaaca Ee Haysata Iyo Sida Uu U Kala Xulan Doono Xiddigaha Uu Haysto

(15-12-2018) Manchester United ayaa Axadda safar ugu tegaysa Liverpool oo kulankooda ugu horreeya xili ciyaareedkan ee horyaalka Premier ...

Cristiano Ronaldo Oo Markale looga yeeray Maxkamad dalka Spain ah iyo Ciqaabta uu lakulmi doono?

(15-12-2018) Maxkamad ku taalla dalka Spain ayaa go’aamisay xilliga ay dhegaysan doonto dacwad la xidhiidha lunsi cashuuro oo ...

Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018 kaas ...