Thursday, January 17th, 2019

Xiriirka Kubadda Cagta Ingiriiska Oo Si Kulul U Canaantay Taageereyaashiisa Oo Rabshado Ka Sameeyey Spain+Sawiro

Published on October 15, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(15-10-2018) Xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ayaa si xun u canaantay taageereyaasha xulka qaranka England ee ku sugan waddanka Spain oo rabshado dhiig ku daatay ka sameeyey magaalada Seville.

Raxan ka tirsan taageereyaasha xulka qaranka England u raacay dalka Spain ayaa si toos ah dagaal ugala hor tegay ciidamada booliska iyo muwaadiniin reer Spain ah, waxaana muuqaallo laga duubay ay soo bandhigeen iyagoo muraaiyadaha ka jebinaya baabuurta ag maraysa gudaha magaalada Seville, inkasta oo qaarkood ka cawdeen booliska oo sin u garaacay.

War-saxaafadeed uu soo saaray xidhiidhka kubadda cagta FA ayaa waxa lagu sheegay in hab-dhaqanka jamaahiirtoodu uu yahay mid aan sinaba loo aqbali karin, waxaana ay ka codsadeen inay ixtiraam kula joogaan dadka ay martida u yihiin.

“Waanu cambaaraynaynaa mana ah hab-dhaqan la aqbali karo waxa ka dhacay Sevillle.” Sidaas ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka kasoo baxay Xidhiidhka FA, waxaanu intaa ku daray: “Ciyaartu waxay dhacaysaa caawa, waxaananu usoo jeedinaynaa kuwa la socda xulka qaranku inay ixtiraam martigeliyeyaashayada, aanay u dhaqmaan si masuuliyad leh.”

Ma jirto cid u dhalatay Ingiriiska oo la xidhay, hase yeeshee waxa jira dhaawacyo halis ah oo jamaahiirta qaarkood soo gaadhay, waxaana xidhiidhka kubadda cagta Ingiriisku uu ka dalbaday inay ciidamada booliska la shaqeeyaan, iyagoo dhinaca kalena hanjabaad u diray qof kasta oo rabshad sameeya.

“Waxa aanu xayiraad socdaalka ah saari doonaa qof kasta oo la socda kooxda oo masuul ka noqda ama sameeya qalalaase.” Ayaa lagu yidhi.

In ka badan 100 qof oo taageereyaal u dhashay Ingiriiska ayaa bishii March lagu xidhay magaallada Amsterdam xili ay dhacaysay ciyaar saaxiibtinimo oo u dhaxaysay England iyo Holland. 13 ka mid ah kuwa la xidhay ayaa la aqoonsaday inay ahaayeen kuwii rabshadda sameeyey, isla markaana webi ku yaalla gudaha magaalada caasimadda ah ku riday dad baaskilado watay, taas oo keentay in toban ka mid ah lagu soo rogo xayiraad socdaalka ah oo gaadhaysa saddex sannadood iyo badh.

Koobkii Adduunka ee lagu qabtay Ruushka, jamaahiirta Ingiriiska ayaa u dhaqmay si edeb leh, waxaana 7,000 qof oo la socday xulka dalkooda laga xidhay saddex qof oo kaliya.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Madaxweynaha Ac Milan Paolo Scaroni Oo Dhac Layaab Leh Loo Geystay & Haweeney Qaab Cajiib Ah Garab Usiisay Dambiilaha.

(16-12-2018) Madaxweynaha kooxda Ac Milan Paolo Scaroni ayaa lagu soo waramayaa in laga xaday jimcadii shalay aheyd boorso ...

Macalinka Kooxda Liverpool Jurgen Klopp oo Ka Hadlay Jose Mourinho Ka Hor Ciyaarta Manchester United iyo Liverpool

(16-12-2018) Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa ka hadlay dhigiisa Manchester United ee Jose Mourinho iyo ciyaarta ay ...

Khabiirada Shabakadda Mirror Football Oo Isku Khilaafay Shaxda Isku Dhaf Ah Kulanka Liverpool vs Man United – Mid Walba Shax Ayuu Doortay!

(16-12-2018) Kulanka ugu weyn England ayaa berito dhici doona, waana kulan aan laga mideysneyn aragtida laga aaminsan yahay, ...

Wiilkii Uu Dunida Kaga Tegay Feedhyahankii Muslimka Ahaa Ee Mohamed Ali Oo Qarka U Saaran Inuu Dawarsado Ama Tuugsado Sabab?

(16-12-2018) Wiilka kaliya ee uu dhalay feedhyahankii Muslimka ahaa ee Muhammad Ali ayaa ku sugan xaalad nololeed oo ...

Wanda Nara Oo Diyaarinaysa Qandaraas Dabar Ku Noqonaya Mauro Icardi

(16-12-2018) Wanda Nara oo ah xaaska iyo Wakiilka ciyaartoyga reer Argentina ee Mauro Icardi oo afka hore uga ...

Farriintii Uu Diego Costa U Diray Arsenal Markii Uu Dhaawacay Laurent Koscielny Iyo Qaabkii Axmaqnimada Ahaa Ee Uu Isku Difaacay

(16-12-2018) Difaaca Arsenal ee Laurent Koscielny ayaa shaaciyey inuu u bilaabmay wax uu ugu yeedhay ‘Cutubka Cusub Ee ...

Barcelona Oo Baadi Goobaysa Beddelka Luis Suarez Iyo Xiddigaha Ay Isha Ku Hayso

(16-12-2018) Luis Suarez hadda da’diisu waxay noqotay 32 jir, waxaana kooxdiisa Barcelona u muuqatay in ay u baahan ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Manchester City oo Mar Kale Hogaanka Si Ku Meel Gaadh ah U Qabatay Maanta.

(15-12-2018) Cayaar ay maanta wada ciyaareen kooxda Manchester City iyo kooxda Everton oo ahayd horyaalka dalka ingiriiska oo ...

Layaab!: Boqortooyada Kuwait oo la ogaadey in ay lacag ka dhacday Cayaartoy waa weyn oo magac leh

(15-12-2018) Lix bilood kaddib markii dalka Kuwait uu martigeliyey ciyaar ay iskugu yimaaddeen xiddigaha waaweyn ee dunida oo ...

Dhamaan Kulamada Sabtiga iyo Saacadaha Geeska Africa ee ay bilaaban doonaan?

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa dhamaan Cayaaraha dhici doona Sabtiga ee ku tirsan Horyaalada kala duwan ee qaarada ...

Halyeygii Manchester United Ee Willie Morgan Oo Magacaabay Afarta Ciyaartoy Ee Uu Doonayo In Kooxdiisa Hore Iska Iibiso Bisha January

(15-12-2018) Halyeygii Manchester United ee Willie Morgan ayaa aaminsan in tababaraha kooxdaas Jose Mourinho ay tahay inuu iibiyo ...

May Ahayn In Arsenal Loo Ogolaado Inay Ciyaarto Europa League – Tababaraha Qarabag Oo Dood Cajiib Ah Bedka Keenay Kaddib Guushii Gunners Sabab?

(15-12-2018) Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa sii wadda guul-darro la’aanta xidhiidhka ah, waxaanay xalay 1-0 ku muquunisay naadiga ...

Qorshaha Jose Mourinho Ku Qaban Doono Salah, Mane & Firmino, Dhibaatada Difaaca Ee Haysata Iyo Sida Uu U Kala Xulan Doono Xiddigaha Uu Haysto

(15-12-2018) Manchester United ayaa Axadda safar ugu tegaysa Liverpool oo kulankooda ugu horreeya xili ciyaareedkan ee horyaalka Premier ...

Cristiano Ronaldo Oo Markale looga yeeray Maxkamad dalka Spain ah iyo Ciqaabta uu lakulmi doono?

(15-12-2018) Maxkamad ku taalla dalka Spain ayaa go’aamisay xilliga ay dhegaysan doonto dacwad la xidhiidha lunsi cashuuro oo ...

Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018 kaas ...