Manchester City, Liverpool Iyo Chelsea Oo Rikoodh Cusub U Dhigay Horyaalka Premier League
Published on October 30, 2018 by Caydiid Cabdi Raxmaan Aadan · No Comments ·
(30-10-2018) Kooxaha Manchester City, Liverpool iyo Chelsea ayaa rikoodh cusub ka dhigay horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League xili ciyaareedkan, halkaas oo ay ka diiwaangashadeen taariikh gaar ah oo kooxaha kale ku hammiyi doonaan inay jabiyaan.
Manchester City oo xalay 1-0 kaga adkaatay Tottenham ayaa hoggaaminta tartanka kusoo laabatay, waxaanay dhibco ahaan la sinmeen Liverpool oo 4-1 soo khaarajisay Cardiff City balse ka hoosaysa dhinaca goolasha. Kaalinta saddexaad waxa soo fadhiisatay Chelsea oo Axaddii 4-0 ku jiidhay Burnley oo ay marti u ahayd.
Manchester City oo difaacanaysa horyaalka oo xili ciyaareedkii hore ay ku qaadday dhibco badan, ayaa waxay dagaal la gelaysaa naadiyada waaweyn iyo yaryar ba ka hor inta aanay u dhaqaaqin inay iska reebo Liverpool oo aan beryahan arag wax koob ah hase yeeshee xili ciyaareedkan u muuqata inay tartami karayso.
Chelsea oo laba dhibcood oo kaliya ka dambaysa City iyo Liverpool oo haysta min 26 dhibcood, ayaa waxay xili ciyaareedkii tegay difaacan kari weyday horyaalka Premier League oo sannadkii ka horreeyey ee 2016-17 uu u qaaday Antonio Conte, waxase tababaraha cusub ee Sarri uu u nidaamiyey qaab cusub oo awood badan oo ay horyaalka ku dhacsan karaan ay ka muuqato.
Saddexdan kooxood ayaa waxay kulamadoodii toddobaadkan ee horyaalku ahaayeen kuwoodii 10-aad ee aan hal marna laga badinin, waxaanay ku galeen buugga taariikhda horyaalka dalkaas oo ay noqdeen markii koowaad ee saddex kooxood aan tobanka kulan ee ugu horreeya hal marna laga badinin.
Si kastaba ha ahaatee, saddexdan kooxood ayaa la eegi doonaa sida ay usii wadaan guul-darro la’aanta iyo inay kaalmaha hore loollanka ugu sii jiraan.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho
E-mail: info@qalinkacayaaraha.com
Wararka Maanta
(16-12-2018) Madaxweynaha kooxda Ac Milan Paolo Scaroni ayaa lagu soo waramayaa in laga xaday jimcadii shalay aheyd boorso ...
(16-12-2018) Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa ka hadlay dhigiisa Manchester United ee Jose Mourinho iyo ciyaarta ay ...
(16-12-2018) Kulanka ugu weyn England ayaa berito dhici doona, waana kulan aan laga mideysneyn aragtida laga aaminsan yahay, ...
(16-12-2018) Wiilka kaliya ee uu dhalay feedhyahankii Muslimka ahaa ee Muhammad Ali ayaa ku sugan xaalad nololeed oo ...
(16-12-2018) Wanda Nara oo ah xaaska iyo Wakiilka ciyaartoyga reer Argentina ee Mauro Icardi oo afka hore uga ...
(16-12-2018) Difaaca Arsenal ee Laurent Koscielny ayaa shaaciyey inuu u bilaabmay wax uu ugu yeedhay ‘Cutubka Cusub Ee ...
(16-12-2018) Luis Suarez hadda da’diisu waxay noqotay 32 jir, waxaana kooxdiisa Barcelona u muuqatay in ay u baahan ...
(15-12-2018) Cayaar ay maanta wada ciyaareen kooxda Manchester City iyo kooxda Everton oo ahayd horyaalka dalka ingiriiska oo ...
(15-12-2018) Lix bilood kaddib markii dalka Kuwait uu martigeliyey ciyaar ay iskugu yimaaddeen xiddigaha waaweyn ee dunida oo ...
(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa dhamaan Cayaaraha dhici doona Sabtiga ee ku tirsan Horyaalada kala duwan ee qaarada ...
(15-12-2018) Halyeygii Manchester United ee Willie Morgan ayaa aaminsan in tababaraha kooxdaas Jose Mourinho ay tahay inuu iibiyo ...
(15-12-2018) Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa sii wadda guul-darro la’aanta xidhiidhka ah, waxaanay xalay 1-0 ku muquunisay naadiga ...
(15-12-2018) Manchester United ayaa Axadda safar ugu tegaysa Liverpool oo kulankooda ugu horreeya xili ciyaareedkan ee horyaalka Premier ...
(15-12-2018) Maxkamad ku taalla dalka Spain ayaa go’aamisay xilliga ay dhegaysan doonto dacwad la xidhiidha lunsi cashuuro oo ...
(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018 kaas ...