Monday, November 19th, 2018

Nemanja Matic Oo Daboolka Ka Qaaday Dhibaatada Haysata Martial Iyo Sida Uu Ku Noqon Karo Xiddig Weyn

Published on October 30, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(31-10-2018) Anthony Martial waxa uu ka mid noqon doonaa ciyaartooyada ugu wanaagsan ee horyaalka Premier League haddii uu fahmo xirfaddiisa, sida uu aaminsan yahay laacibka ay isku kooxda yihiin ee Nemanja Matic.

Martial oo ay da’diisu tahay 22 jir, ayaa saddexdii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee Premier League waxa uu Manchester United u dhaliyey afar gool oo midkii ugu dambeeyey uu daba mariyey goolhayaha Everton ee Jordan Pickford oo 2-1 ay kaga adkaadeen.

Dad badan ayaa saluug ka muujiyey qaab ciyaareedka Martial ee horraantii xili ciyaareedkan, hase yeeshee waxa uu kasbaday in safka koowaad laga dhigo saddexdii ciyaarood ee ugu dambeeyey oo ay ku jirtay kulankii Juventus ee guul-darrada iyo guushii xigtay ee Everton.

Haddaba, laacibka khadka dhexe ee reer Serbia ee Nemanja Matic ayaa waxa uu sheegay in Martial uu leeyahay tayo iyo hibo ciyaareed oo dabiici ah, balse ay jiraan waxyaabo ay tahay inuu fahmo marka uu garoonka gudihiisa ku jiro.

“Martial waa ciyaartoy wanaagsan, waxaanay tahay inuu taas fahmo. Waxa uu u baahan yahay kalsooni. Weli wuu yar yahay waxaanu sii wadi karaa dhalinta goolasha. Haddii uu heerkiisa ugu sarreeya gaadho, waxa uu ka mid noqon doonaa ciyaartooyada ugu wanaagsan horyaalka, waanan hubaa.” Sidaas waxa yidhi Nemanja Matic.

“Mararka qaarkood waxay ila tahay in aanu fahamsananyn sida uu u fiican yahay. Wuu dheereeyaa, ku wanaagsan yahay kubbadda marka uu hayo, waanu la ordi karaa. Waxa uu eeyahay wax kasta oo looga baahdo ciyaartoy Manchester United ah.” Ayuu mar kale yidhi Nemanja Matic.

Laacibka reer Serbia waxa uu tibaaxay in tababare Jose Mourinho uu u sheegay Martial inuu yahay ciyaartoy wanaagsan oo muhiim ah, isaguna shaqsiyan (Matic) uu hal mar kala hadlay arrintaas.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Antoine Griezmann” Lionel Messi ayaa iga gacan siiyey in aanan Barcelona ku biirin

(19-11-2018) Weeraryahanka xulka qaranka France iyo Atletico Madrid ee Antoine Griezmann ayaa ka hadlay sababtii uu u diiday ...

Jurgen Klopp Oo Lagu Wargeliyey Dhaawac Cusub Oo Soo Gaadhay Mid Ka Mid Ah Xiddigaha Ugu Muhiimsan Liverpool

(19-11-2018) Toddobaadka soo socda waxa dib u bilaabmaya horyaalka Premier League oo Liverpool ay la ballansan tahay Watford ...

LA OGAADAY: Kulan Dhex-maray Real Madrid Iyo Arsene Wenger, Diidmadiisii Iyo Goob-jooge Ka Warramay Wixii Dhaca

(19-11-2018) Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa kulan la yeelatay tababarihii hore ee Arsenal ee Arsene Wenger, kaas ...

Ugu Danbayn Lionel Messi Iyo Cristiano Ronaldo oo lakala Saaray?

(19-11-2018) Muddo ka badan toban sannadood ayey taagnayd doodda u dhaxaysa Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi, waxaanay soo ...

Daawo: Switzerland oo aad u bahdishay Belgium-kii laqaban waayey

(19-11-2018) Wadanka Switzerland ayaa Guul weyn ka gaaray kulankii aadka u adkaa ee ay lacayaareen dalka dunida ugu fiican ...

Juventus oo soo bandhigtay lacag fara badan oo ay Sanadkii mushaar ahaan usiin doonaan Aaron Ramsey

(19-11-2018) Kooxda Kubaad cagta Juventus ee dalka Talyaaniga ayaa soo bandhigtay lacagta ay mushaar ahaan usiin doonto Xiddiga ...

Muxuu la ilmeeyey Xiddiga dalka Senegal ee Sadio Mane+Sawiro

(19-11-2018) Weeraryahanka kooxda Liverpool iyo xulka Senegal Sadio Mane ayaa garoonka ka baxay isaga oo ilmeynaya kadib markii uu ...

Daawo: England oo usoo baxday Semi Finalka Tartanka UEFA Nations League iyo dalka ay lacayaari doonaan

(19-11-2018) Xulka kubada Cagta dalka England ayaa xaqiijiyey in ay usoo bexeen Semi Finalka koobka UEFA Nations League.kadib ...

Nicolas Otamendi oo aan ku qanacsanayn Manchester City

(18-11-2018) Daafaca dalka Argentina ee u dheela kooxda Mancheter City ayaa lacadeeyey in uusan ku qanacsanayn Naadiga dalka ...

AC Milan oo Chelsea ka dooneysa Cayaaryahan kale

(18-11-2018) Kooxda Kubada Cagta AC Milan ayaa lasheegay in ay dalab u dirtay daafaca kooxda Chelsea ee lagu ...

Sadex Arimood oo Hogaanka Premier League ku soo celin karaya Manchester United?

(18-11-2018) Kooxdii guulaha badnayd ee Manchester United, waxay xili ciyaareedkan kaalinta siddeedaad kaga jirtaa horyaalka Premier League, waxaanay ...

Liiska Cayaartoyda u Tartamaysa BBC African Footballer of the Year oo lasoo saaray

(18-11-2018) Waxaa lasoo saaray liiska Cayaartoyda u Taratamaysa abaal marinta BBC African Footballer of the Year kuwaas oo lakala ...

Manchester United oo soo bandhigtay lacagta ay ku doonayaan Kalidou Koulibaly

(18-11-2018) Kooxda kubada Cagta Manchester United ee dalka England ayaa soo bandhigtay lacagta ay ku doonayaan daafaca kooxda ...

England vs Croatia – Ciyaarta Dhimashada Ee Caawa, Rajada Labada Dal U Haystaan Inay U Gudbaan Wareegga Labaad Iyo Fursadda Ay Siin Karayaan Spain

(18-11-2018) Xulka qaranka England ayaa caawa garoonka Wembley kusoo dhowaynaya dhiggiisa Croatia, ciyaar midkooda badiyaa kasoo bixi doono ...

Jawaabtii Cajiibka Ahayd Ee Lionel Messi Uu Ka Bixiyey Hees Loo Sameeyey N’Golo Kante Oo Ereyadeeda Magaciisu Ku Jiray

(18-11-2018) Jimcihii waxa uu kulan dhex maray labada xiddig ee ugu waaweyn kooxaha Barcelona iyo Manchester United ee ...