Monday, November 19th, 2018

Muddada Uu Garoomada Ka Maqnaan Doono, Kulamada Uu Seegi Doono Iyo Xaaladda Dhaawaca Marcelo Oo Madax-xanuun Ku Riday Tababaraha Cusub Ee Real Madrid

Published on November 1, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(01-11-2018) Real Madrid ayaa kulamada soo socda waayi doonta adeegga laacibka baasha bidix ee Marcelo oo dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii Barcelona ku burburisay Axaddii, markaas oo garoonka laga saaray qaybtii labaad.

Baadhitaan lagu sameeyey ayaa waxa lagu ogaaday in Marcelo uu muddo ka maqnaan doono kooxdiisa oo aanu kusoo laaban doonin, xilli loo qabo baahi ka badan intii hore maadaama tabababaraha cusub ee Solari uu qorshihiisa udub-dhexaad uga dhigay.

Warbixin ay Real Madrid kasoo saartay Caafimaadka Marcelo ayaa waxay ku sheegtay in laga daweeyey dhaawac muruqa lugta midig ah oo soo gaadhay ciyaartii Barcelona, waxaana uu seegi doonaa afar ciyaarood oo ay ku jirto ciyaartii xalay ay guusha lagu diirsaday kasoo gaadheen Melilla ee tartanka Copa del Rey.

“Baadhitaan lagu sameeyey Marcelo xarunta adeegga caafimaadka ee Real Madrid, waxa lagaga daweeyey dhaawac muruqa lugta midig ah, xaaladdiisana waa la qiimaynayaa.” Sidaas ayaa lagu yidhi warka Real Madrid kasoo saartay.

Dhaawacan ayaa uu ku maqnaan doonaa muddo laba toddobaad ah oo Real Madrid ay ciyaari doonto laba kulan oo horyaalka LaLiga ka tirsan iyo mid Champions League ah oo ay waajihi doonto kooxaha Real Valladolid, Viktoria Plzen iyo Celta Vigo, waxaana la filayaa in xilliga ciyaaraha caalamiga ah loo baxayo ee badhtamaha bishan November uu dib ugu soo laabto tababarka.

 

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Antoine Griezmann” Lionel Messi ayaa iga gacan siiyey in aanan Barcelona ku biirin

(19-11-2018) Weeraryahanka xulka qaranka France iyo Atletico Madrid ee Antoine Griezmann ayaa ka hadlay sababtii uu u diiday ...

Jurgen Klopp Oo Lagu Wargeliyey Dhaawac Cusub Oo Soo Gaadhay Mid Ka Mid Ah Xiddigaha Ugu Muhiimsan Liverpool

(19-11-2018) Toddobaadka soo socda waxa dib u bilaabmaya horyaalka Premier League oo Liverpool ay la ballansan tahay Watford ...

LA OGAADAY: Kulan Dhex-maray Real Madrid Iyo Arsene Wenger, Diidmadiisii Iyo Goob-jooge Ka Warramay Wixii Dhaca

(19-11-2018) Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa kulan la yeelatay tababarihii hore ee Arsenal ee Arsene Wenger, kaas ...

Ugu Danbayn Lionel Messi Iyo Cristiano Ronaldo oo lakala Saaray?

(19-11-2018) Muddo ka badan toban sannadood ayey taagnayd doodda u dhaxaysa Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi, waxaanay soo ...

Daawo: Switzerland oo aad u bahdishay Belgium-kii laqaban waayey

(19-11-2018) Wadanka Switzerland ayaa Guul weyn ka gaaray kulankii aadka u adkaa ee ay lacayaareen dalka dunida ugu fiican ...

Juventus oo soo bandhigtay lacag fara badan oo ay Sanadkii mushaar ahaan usiin doonaan Aaron Ramsey

(19-11-2018) Kooxda Kubaad cagta Juventus ee dalka Talyaaniga ayaa soo bandhigtay lacagta ay mushaar ahaan usiin doonto Xiddiga ...

Muxuu la ilmeeyey Xiddiga dalka Senegal ee Sadio Mane+Sawiro

(19-11-2018) Weeraryahanka kooxda Liverpool iyo xulka Senegal Sadio Mane ayaa garoonka ka baxay isaga oo ilmeynaya kadib markii uu ...

Daawo: England oo usoo baxday Semi Finalka Tartanka UEFA Nations League iyo dalka ay lacayaari doonaan

(19-11-2018) Xulka kubada Cagta dalka England ayaa xaqiijiyey in ay usoo bexeen Semi Finalka koobka UEFA Nations League.kadib ...

Nicolas Otamendi oo aan ku qanacsanayn Manchester City

(18-11-2018) Daafaca dalka Argentina ee u dheela kooxda Mancheter City ayaa lacadeeyey in uusan ku qanacsanayn Naadiga dalka ...

AC Milan oo Chelsea ka dooneysa Cayaaryahan kale

(18-11-2018) Kooxda Kubada Cagta AC Milan ayaa lasheegay in ay dalab u dirtay daafaca kooxda Chelsea ee lagu ...

Sadex Arimood oo Hogaanka Premier League ku soo celin karaya Manchester United?

(18-11-2018) Kooxdii guulaha badnayd ee Manchester United, waxay xili ciyaareedkan kaalinta siddeedaad kaga jirtaa horyaalka Premier League, waxaanay ...

Liiska Cayaartoyda u Tartamaysa BBC African Footballer of the Year oo lasoo saaray

(18-11-2018) Waxaa lasoo saaray liiska Cayaartoyda u Taratamaysa abaal marinta BBC African Footballer of the Year kuwaas oo lakala ...

Manchester United oo soo bandhigtay lacagta ay ku doonayaan Kalidou Koulibaly

(18-11-2018) Kooxda kubada Cagta Manchester United ee dalka England ayaa soo bandhigtay lacagta ay ku doonayaan daafaca kooxda ...

England vs Croatia – Ciyaarta Dhimashada Ee Caawa, Rajada Labada Dal U Haystaan Inay U Gudbaan Wareegga Labaad Iyo Fursadda Ay Siin Karayaan Spain

(18-11-2018) Xulka qaranka England ayaa caawa garoonka Wembley kusoo dhowaynaya dhiggiisa Croatia, ciyaar midkooda badiyaa kasoo bixi doono ...

Jawaabtii Cajiibka Ahayd Ee Lionel Messi Uu Ka Bixiyey Hees Loo Sameeyey N’Golo Kante Oo Ereyadeeda Magaciisu Ku Jiray

(18-11-2018) Jimcihii waxa uu kulan dhex maray labada xiddig ee ugu waaweyn kooxaha Barcelona iyo Manchester United ee ...