Monday, November 19th, 2018

Diintayda Iyo Qoyskayga Ayaan Difaacayay, Lacagtayda Oo Dhan Ha Qaataan, Toban Sannadoodna Hay Ganaaxaan – Feedhyahanka Khabib Oo Furka Ku Tuuray Maamulka UFC

Published on November 2, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(03-11-2018) Feedhyahanka muslimka ah ee Khabib Nurmagomedov ayaa diiday inuu ka qayb-galo dhegaysiga dacwadda go’aanka lagaga gaadhayo ganaaxa lagu riday isaga iyo McGregor kaddib rabshaddii ay sameeyeen ciyaartoodii horraanta bishii hore.

Khabib Nurmagomedov ayaa rajaynaya in marka ay fadhiistaan guddida anshaxa ee Nevada State Athletic ay ku ridaan ganaax horraanta bisha dambe ee December, hase yeeshee aanu tegi doonin halka ay ka dhacayso dacwaddiisu.

Khabib Nurmagomedov iyo Conor McGregor oo hore loogu riday ganaaxyo lagaga joojiyey ciyaaraha ayaa waxay sugayaan in go’aan kama dambays ah laga gaadho kiiskooda 10 December, waxaase hore qayb ka mid ah lacagtii uu ku guuleystay looga xayiray Khabib.

Khabib Nurmagomedov oo u warramay telefishanka beIN sports ayaa waxa uu sheegay in aanu wax khalad ah samaynin markii uu xayndaabka ka booday November 6 ee uu gacanta u qaaday asxaabta McGregor oo isagana uu wareeggii 4aad dhulka ugu tuuray, waxaanu ku dooday inuu difaacayey diintiisa Islaamka iyo qoyskiisa oo la aflgaadeeyey.

“Guddida Nevada State Athletic Commission waxay ka fadhiisanayaan wixii dhacay ciyaartii McGregor. Anigu kaliya waxa aan difaacayey qoyskayga iyo diintayda. Haddii ay doonayaan ha I ciqaabaan, waxay iga qaadan karaan lacagtii aan xoogsaday oo dhan, toban sannadoodna way i ganaaxi doonaan, laakiin dan kama lihi.” Ayuu yidhi Khabib oo kalsooni iyo iimaan badan ka muuqdo.

“Waxay igu ciqaabi doonaan inaan bilaabay, dagaalkii sharciga ahaa aniga ayaa ku guuleystay. Dagaalka kaddib waxa aan tusay (McGregor) in wixii uu dagaalka ka hor sameeyey aan layskaga tegayn.” Ayuu ku daray.

Dhinaca kale, Bob Bennett oo ah agaasimaha fulinta ee NSAC (Nevada State Athletic Commission) ayaa sheegay in laba arrimood uu kala hadlay labada feedhyahan iyo tababareyaashoodaba maalintii ka horreysay feedhkooda, isla markaana uu u sheegay inay naftooda xakameeyaan oo aanay wax rabshad ah samaynin hadalkooda kaddib iyo ciyaarta kaddib ba, hase yeeshee aanay arrintaasi fulinin.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Antoine Griezmann” Lionel Messi ayaa iga gacan siiyey in aanan Barcelona ku biirin

(19-11-2018) Weeraryahanka xulka qaranka France iyo Atletico Madrid ee Antoine Griezmann ayaa ka hadlay sababtii uu u diiday ...

Jurgen Klopp Oo Lagu Wargeliyey Dhaawac Cusub Oo Soo Gaadhay Mid Ka Mid Ah Xiddigaha Ugu Muhiimsan Liverpool

(19-11-2018) Toddobaadka soo socda waxa dib u bilaabmaya horyaalka Premier League oo Liverpool ay la ballansan tahay Watford ...

LA OGAADAY: Kulan Dhex-maray Real Madrid Iyo Arsene Wenger, Diidmadiisii Iyo Goob-jooge Ka Warramay Wixii Dhaca

(19-11-2018) Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa kulan la yeelatay tababarihii hore ee Arsenal ee Arsene Wenger, kaas ...

Ugu Danbayn Lionel Messi Iyo Cristiano Ronaldo oo lakala Saaray?

(19-11-2018) Muddo ka badan toban sannadood ayey taagnayd doodda u dhaxaysa Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi, waxaanay soo ...

Daawo: Switzerland oo aad u bahdishay Belgium-kii laqaban waayey

(19-11-2018) Wadanka Switzerland ayaa Guul weyn ka gaaray kulankii aadka u adkaa ee ay lacayaareen dalka dunida ugu fiican ...

Juventus oo soo bandhigtay lacag fara badan oo ay Sanadkii mushaar ahaan usiin doonaan Aaron Ramsey

(19-11-2018) Kooxda Kubaad cagta Juventus ee dalka Talyaaniga ayaa soo bandhigtay lacagta ay mushaar ahaan usiin doonto Xiddiga ...

Muxuu la ilmeeyey Xiddiga dalka Senegal ee Sadio Mane+Sawiro

(19-11-2018) Weeraryahanka kooxda Liverpool iyo xulka Senegal Sadio Mane ayaa garoonka ka baxay isaga oo ilmeynaya kadib markii uu ...

Daawo: England oo usoo baxday Semi Finalka Tartanka UEFA Nations League iyo dalka ay lacayaari doonaan

(19-11-2018) Xulka kubada Cagta dalka England ayaa xaqiijiyey in ay usoo bexeen Semi Finalka koobka UEFA Nations League.kadib ...

Nicolas Otamendi oo aan ku qanacsanayn Manchester City

(18-11-2018) Daafaca dalka Argentina ee u dheela kooxda Mancheter City ayaa lacadeeyey in uusan ku qanacsanayn Naadiga dalka ...

AC Milan oo Chelsea ka dooneysa Cayaaryahan kale

(18-11-2018) Kooxda Kubada Cagta AC Milan ayaa lasheegay in ay dalab u dirtay daafaca kooxda Chelsea ee lagu ...

Sadex Arimood oo Hogaanka Premier League ku soo celin karaya Manchester United?

(18-11-2018) Kooxdii guulaha badnayd ee Manchester United, waxay xili ciyaareedkan kaalinta siddeedaad kaga jirtaa horyaalka Premier League, waxaanay ...

Liiska Cayaartoyda u Tartamaysa BBC African Footballer of the Year oo lasoo saaray

(18-11-2018) Waxaa lasoo saaray liiska Cayaartoyda u Taratamaysa abaal marinta BBC African Footballer of the Year kuwaas oo lakala ...

Manchester United oo soo bandhigtay lacagta ay ku doonayaan Kalidou Koulibaly

(18-11-2018) Kooxda kubada Cagta Manchester United ee dalka England ayaa soo bandhigtay lacagta ay ku doonayaan daafaca kooxda ...

England vs Croatia – Ciyaarta Dhimashada Ee Caawa, Rajada Labada Dal U Haystaan Inay U Gudbaan Wareegga Labaad Iyo Fursadda Ay Siin Karayaan Spain

(18-11-2018) Xulka qaranka England ayaa caawa garoonka Wembley kusoo dhowaynaya dhiggiisa Croatia, ciyaar midkooda badiyaa kasoo bixi doono ...

Jawaabtii Cajiibka Ahayd Ee Lionel Messi Uu Ka Bixiyey Hees Loo Sameeyey N’Golo Kante Oo Ereyadeeda Magaciisu Ku Jiray

(18-11-2018) Jimcihii waxa uu kulan dhex maray labada xiddig ee ugu waaweyn kooxaha Barcelona iyo Manchester United ee ...