Saturday, February 16th, 2019

Kaddib Markii Uu Suarez Ku Wargeliyey Inay Beddelkiisa Doontaan, Barcelona Oo Isha Ku Haysa Shan Weeraryahan

Published on November 2, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(02-11-2018) Luis Suarez ayaa bisha January ay da’diisu noqon doontaa 32 jir, waxaanay kooxdiisa Barcelona ku qasban tahay inay suuqa u gasho beddelkiisa, hase yeeshee inta aanay kooxdu qaadanin go’aan ay ku doonato ciyaartoy cusub, waxa miiska is keenay Suarez oo si badheedh ah warbaahinta uga sheegay in loo baahan yahay beddelkiisa in la diyaariyo.

Suarez oo Barcelona ay sannadkii 2014 kasoo iibsatay Barcelona ayaa 212 kulan oo uu u saftay waxa uu u dhaliyey 158 gool oo kuwii ugu dambeeyey ay ahaayeen saddexley uu ka dhaliyey Real Madrid.

Haddaba, wargeyska Marca ayaa soo bandhigay shan ciyaartoy oo weerarka ka ciyaara oo Barcelona ay isha ku hayso, kuwaas oo midkood ay u dhaqaaqi doonto si uu beddelka Suarez ugu noqon karo.

Cayaartoyga ugu horreeya ee Blaugrana ay diiraddeedu hayso, waa da’yarka kooxda Genoa ee Krzysztof Piatek oo 13 gool dhaliyey 11 ciyaarood oo xili ciyaareedkan uu saftay, waxaana laacibiinta kale uu ugaga wanaagsanaanayaa saddex arrimood oo kala ah da’diisa oo yar, lacagta ay ku heli karayso oo aan badnayn iyo mushaharkiisa oo naasilan.

Tallaabada labaad ee ay qaadi karto Barcelona, waa inay dib u soo ceshato Paco Alcacer oo xagaagii ay ka iibisay Borussia Dortmund, hase yeeshee qodob ka mid ah qandaraaskii uu kaga tegay ayaa waxa ku jiray inay dib ugu soo ceshan karto 23 milyan oo Euro.

Cayaartoyga kale ee magaciisu kusoo baxay warbixintan ayaa ah Nicolas Pepe oo toddoba gool iyo toddoba caawin ah ka sameeyey xili ciyaareedkan kulamadii uu u saftay kooxdiisa Lille ee dalka France. Da’diisu waa 23 sannadood, waxaanu ka ciyaari karaa weerar buuxa iyo garab, xili ciyaareedkii horena waxa uu saxeexay 13 gool.

Laba ciyaartoy oo kale oo aan ahayn gool-dhalinta saddexdan sare ayaa uu wargeyska Marca xusay inay diiradda Barcelona saaran tahay, waana Timo Werner oo ka tirsan kooxda reer Germany ee RB Leipzing iyo Lautaro Martinez oo dhawaan ay Inter Milan kasoo iibsatay Racing de Avellaneda.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Madaxweynaha Ac Milan Paolo Scaroni Oo Dhac Layaab Leh Loo Geystay & Haweeney Qaab Cajiib Ah Garab Usiisay Dambiilaha.

(16-12-2018) Madaxweynaha kooxda Ac Milan Paolo Scaroni ayaa lagu soo waramayaa in laga xaday jimcadii shalay aheyd boorso ...

Macalinka Kooxda Liverpool Jurgen Klopp oo Ka Hadlay Jose Mourinho Ka Hor Ciyaarta Manchester United iyo Liverpool

(16-12-2018) Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa ka hadlay dhigiisa Manchester United ee Jose Mourinho iyo ciyaarta ay ...

Khabiirada Shabakadda Mirror Football Oo Isku Khilaafay Shaxda Isku Dhaf Ah Kulanka Liverpool vs Man United – Mid Walba Shax Ayuu Doortay!

(16-12-2018) Kulanka ugu weyn England ayaa berito dhici doona, waana kulan aan laga mideysneyn aragtida laga aaminsan yahay, ...

Wiilkii Uu Dunida Kaga Tegay Feedhyahankii Muslimka Ahaa Ee Mohamed Ali Oo Qarka U Saaran Inuu Dawarsado Ama Tuugsado Sabab?

(16-12-2018) Wiilka kaliya ee uu dhalay feedhyahankii Muslimka ahaa ee Muhammad Ali ayaa ku sugan xaalad nololeed oo ...

Wanda Nara Oo Diyaarinaysa Qandaraas Dabar Ku Noqonaya Mauro Icardi

(16-12-2018) Wanda Nara oo ah xaaska iyo Wakiilka ciyaartoyga reer Argentina ee Mauro Icardi oo afka hore uga ...

Farriintii Uu Diego Costa U Diray Arsenal Markii Uu Dhaawacay Laurent Koscielny Iyo Qaabkii Axmaqnimada Ahaa Ee Uu Isku Difaacay

(16-12-2018) Difaaca Arsenal ee Laurent Koscielny ayaa shaaciyey inuu u bilaabmay wax uu ugu yeedhay ‘Cutubka Cusub Ee ...

Barcelona Oo Baadi Goobaysa Beddelka Luis Suarez Iyo Xiddigaha Ay Isha Ku Hayso

(16-12-2018) Luis Suarez hadda da’diisu waxay noqotay 32 jir, waxaana kooxdiisa Barcelona u muuqatay in ay u baahan ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Manchester City oo Mar Kale Hogaanka Si Ku Meel Gaadh ah U Qabatay Maanta.

(15-12-2018) Cayaar ay maanta wada ciyaareen kooxda Manchester City iyo kooxda Everton oo ahayd horyaalka dalka ingiriiska oo ...

Layaab!: Boqortooyada Kuwait oo la ogaadey in ay lacag ka dhacday Cayaartoy waa weyn oo magac leh

(15-12-2018) Lix bilood kaddib markii dalka Kuwait uu martigeliyey ciyaar ay iskugu yimaaddeen xiddigaha waaweyn ee dunida oo ...

Dhamaan Kulamada Sabtiga iyo Saacadaha Geeska Africa ee ay bilaaban doonaan?

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa dhamaan Cayaaraha dhici doona Sabtiga ee ku tirsan Horyaalada kala duwan ee qaarada ...

Halyeygii Manchester United Ee Willie Morgan Oo Magacaabay Afarta Ciyaartoy Ee Uu Doonayo In Kooxdiisa Hore Iska Iibiso Bisha January

(15-12-2018) Halyeygii Manchester United ee Willie Morgan ayaa aaminsan in tababaraha kooxdaas Jose Mourinho ay tahay inuu iibiyo ...

May Ahayn In Arsenal Loo Ogolaado Inay Ciyaarto Europa League – Tababaraha Qarabag Oo Dood Cajiib Ah Bedka Keenay Kaddib Guushii Gunners Sabab?

(15-12-2018) Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa sii wadda guul-darro la’aanta xidhiidhka ah, waxaanay xalay 1-0 ku muquunisay naadiga ...

Qorshaha Jose Mourinho Ku Qaban Doono Salah, Mane & Firmino, Dhibaatada Difaaca Ee Haysata Iyo Sida Uu U Kala Xulan Doono Xiddigaha Uu Haysto

(15-12-2018) Manchester United ayaa Axadda safar ugu tegaysa Liverpool oo kulankooda ugu horreeya xili ciyaareedkan ee horyaalka Premier ...

Cristiano Ronaldo Oo Markale looga yeeray Maxkamad dalka Spain ah iyo Ciqaabta uu lakulmi doono?

(15-12-2018) Maxkamad ku taalla dalka Spain ayaa go’aamisay xilliga ay dhegaysan doonto dacwad la xidhiidha lunsi cashuuro oo ...

Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018 kaas ...