Tuesday, November 20th, 2018

Warbixin: Waa kuma Cabdi qani Saciid Carab Guul mise Guuldaro intii uu Xilka Xiriirka hayey?

Published on November 2, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(03-11-2018) Dad badan ayaa laga yaabaa in ay is waydiiyaan micnaha nuxurka mowduucan balse hadii aan kuu bidhaamiyo waa shaqi guuleestay (personall successful)waa Guddoomiyaha Xiriirka kubadda Cagta Soomaaliya Mudane Cabdi Qani Siciid Carab oo aan kul timaami karo shaqsigii 🇸🇴🇸🇴Soomaaliya 🇸🇴🇸🇴kasoo saaray marxaladii adkayd ee wadankeena ku jiray isaga oo naf iyo maalba u huray sidii saaxada dibadeed magaca Soomaliya waji wanaagsan ugu iibin lahaa waxaana halkudhigiisu uu ahaa”SOOMAALIYA MA GUUL DAREESAN EE WAA GUULEESATAY”Waana xaqiiqda jirta.

Hadaba waxaan wax yar kasoo bandhigayaa waxqabadka Guddoomiyaha xiriirka iyo sida dadka qaar u jecleen soo bandhigida xaqiqda jirta.

Waxaan aniga ahaan bartay Cabdi qani sanadkii 2006 dii isaga oo aan guddoomiye ahayn oo ah kaaliye xoghaye laakiin dadaalkiisa ayaa gaarsiiyay in uu gaaro heerkan uu maanta gaaray mana gaari karo qof aan hami guuleed ku jirin(leadership awareness”muhiimna ma ahan in aan ku dheeraano muxuu qabtay muxuuse qaban?

🇸🇴Soomaaliya 🇸🇴ma lahayn garoomo kubadda cagta lagu cayaaro waxaa lagu dheeli jiray meel galinka hore jaad lagu iibiyo galinka dambana kubadd lagu dheelo waxaa uu sameeyay waxaa uu ragii meesha heestay ka dhaadhacsiiyay in ay doonayaan in garoonkan lagu soo wareejiyo si dhalinta ugu dheelaan waana laga diiday balse waxaa uu sameeyay wixii ay rabeen oo waa uu qanciyay meeshuu doono ha u maree waana tan maanta garoonka jaamacadaha uu yahay garoon caalami ah oo FIFA dhistay.

28 July 2008 aniga oo ahaa wariyaha cayaaraha ee shirkadii warbaahinga Horn Arik ayaa waxaa noo yeeray wasiirkii cayaaraha ee xiligaasi Axmed Cabdi Salaam Xaaji Aadan waxaa Goob joog u ahaa madaxda xiriirka uu waxaana dayactir lagi bilaabay garoonkaasi waxaana la dhameeyay sanadkii 2013 taasi oo lagu qabtay horyaalkii ugu horeeyay iyada uu mashruucaasi fulisay FIFA waxaana maskaxdaasi lahaa Cabdiqani oo isaga la’aantiisa garoomo kubadda lagu dheelo la heli lahayn.

SOMALIA IYO DIBADDA!!!

Burbirkii kadib ma jirin xubno badan oo Soomaliya ku lahayd hay,adaha dibada ee wada shaqeenta la leenahay sida CECAFA,CAF,UAFA iyo FIFA balse maanta ilaah mahadii Soomaliya waa xubnaha ugu firfircoon tusaale CECAFA madaxa tartamada waa Cabdi qani ahna gudoomiye xigeen,madaxa garsoorayaasha waa Soomaali Ali Said ,Madaxa maaliyadda waa Caamir Cabdi Xasan,Madaxa warbaahinta guued CeCafa ahna barre waa Shaafici Islaw sidoo kale afar xubno oo joogta ah. Jaamacada carabtana waa ku roonahay.

Ku darso waligeed ma dhicin in barayaal Soomaaliyeed ee casho kasoo bixiyaan dibada balse hada waa dhacday Cali siciid ayaa casharo kasoo bixiyay Liibiya usbuucana Sudan,sidoo kale waxaa loo qaatay Macalin fifa ee garsoorka,Sidoo kale Shaafici Islaw ayaa loo qaatay Macalin Caf ee sports journalism. Waligeed ma dhicin waxaana uu casharo kasoo bixiyay Cameroon.

Sidoo kale Soomaliya waxa ay ku jirtaa xubnaha tartamada FIFA oo Cabdi qani kamid ah yahay guddiga tartamada FIFA waana guul aan gaarnay intuu uu xilka hayay Guddoomiyaha xiriirka.

FIFA iyo SFF.

Hay,ada kubadda cagta ugu saraysa aduunka ayaa kordhisay taageeredii ay siin jireen Soomaliya taasi hadii aan bidhaamiyo taageerida dad ayaa mooda in xiriirka lacago Kaash ah lasoo siinaayo oo la cuno balse taasi ma ahan sharciga FIFA ayaa ah in taageerida ay tahay in lagaa caawiyo wixii aad u baahantahay sida tababarada,dhisida garoomo intaba waan heesanaa oo laba garoon ayaa heesanaa dhismihii xiriirkana oo naqshad caalami ah waa bilaabanaa dhawaan.

Soomaaliya 30 sano kadib waxaa lagu qabtay tababarkii ugu horeeyay ee Caaami ah iyada ay quburo FIFA ah ay yimaadeen Muqdisho koorsooyinkaasi waxaa ku jiray midkii guushii iyo amaantii ugu waynayd ee SFF ka heleen FIFA ee ahaa (FIFA Grassroots coaching course in Mogadishu, Somalia that took place 15-19 August 2013)oo aan aniga xiriiriyaha warbaahinta ka ahaa kii Garsoorka,macalimiinta waa ku jiraan intaasiba lacag badan ayaa kaga bixi jiray SFF laakiin shuruudihii waa la buuxiyay waxaa loo ogolaaday barayaashii FIFA in ay Muqdisho tagaan oo tababaro kale duwan ku sameeyaan.

XIRIIRKA MAAMUL GOBOLEEDYADA:

Afartii sano ee lasoo dhaafay waxaa lagu guuleestay in maamul goboleed walba loo sameeyo horyaal u gaar ah iyo xiriir u gaar ah iyada uu xiriirka kubadda Cagta ka taageerayo dhanka qalabeenta xafiisyada,Dhisida garoomada iyo wixii farsamo ah sida macalimiin iyo garsoorayaal waxaana horyaalkii ugu dambeeyay ee Jubbaland soo xiray madaxwaynaha xiriirka,waxaana jira caqabo mararka qaar lakala kulmo wasiirada maamul goboleedyada oo carqaladeeya horu usocodka deegaanadaasi balse waa loo dulqaataa.

DHANKA GARSOORKA:

Soomaaliya ma lahayn wax ka badan laba garsoore oo FIFA ah balse maanta waxaa ilaah mahadiis ah in aan leenaha in ka badan Lix garsoorayaal,calanwadayaal caalami ah taasi oo ah guul wayn waliba cayaaraha naadiyada iyo xulalka Africa waxaa lasoo dalbadaa kuwa soomaaliya waayo laaluush maqaatan,waxaana marqaati kugu filan in tababarkii ugu dambeeyay ee CAF ku qabatay Uganda da,yarta garsoorayaasha (Young Talent Referee)uu kaalinta koowaad ka galay garsoore Soomaaliyeed oo da,yar ah Omar Abdulkadir Artan 54 Wadan ayuu koowaad ka galay Hambalyo,sidoo kale sadexaad ayuu ka galay kaalinta sadexaad kii FIFA ee aduunka dhan u qabatay 209 wadan taasi miyaa dafiri karnaa waa maya?

April 17 Sanadkii 2017 Waxaa booqashadii ugu horeysay soomaaliya ku yimid madaxwanaha xiriirka CAF Axmed Axmed waana shaqsigii ugu sareeyay ee heerkaasi ah ee Somalia yimaada,waxaana dabaqaayada Sanadkan imaan doona madaxwaynaha FIFA Gianni_Infantino.

Madaxwaynaha xiriirka kubadda cagta ayaa 11 Janaayo 2016 waxaa la gudoonsiiyay madaxnaha ugu shaqada badan 54 wadan oo African ah naga amni dhaqaale badan abaal marintaasi waxaa uu ku muteestay shaqadiisa iyo kartidiisa hogaamiyeed Guuleeso.

XULKA KUBADDA CAGTA:

Waligeed xul matalaayo Soomaaliya guruub kama soo gudbin balse da,yartii maskaxda la galiyay ee 17 sano jirada ayaa kaalinta labaad kasoo galay tartankii Burundi ka dhacay sanadkan iyaga oo aanan helin taageeradii ay u baahnaayeen waxaana hada jira afar xul oo kala ciyaartoy macalimiin kale duwan waana kuwa waawayn,20 Jirada iyo 17 Jirada iyo kuwa kayd ah halka markii hore uu hal xul uun tartamada u matali jiray.

Gabagadii waxaan rabaa in aan idinla wadaago sheeko na dhexmartay aabihii Sportska Soomaaliya AUN Faarax Wehliye Caddow Sindiko 25 Agosto 2007 ayaan wacay isaga oo jooga USA xiligaasi waxaa saarnaa ganaax lasii qorsheeyay oo FIFA saartay inkasta hada la dareemay wixii uu ku dagaalamayay markaasi waxaan rabay in aan wareesto aniga oo Horn Afrik jooga sida aan u sheekesaneenay ayaa waxaa yiri”Kama xumi in aan ka dhex baxay saaxadii kubadda cagta oo aan dhanka siyaadada u weecday balse waxaan ku faraxsanahay in xiriirka uu heesto shaqsi leh kartideeda hogaamineed mustaqbalkana hogaamin doona hay,adaha Sportska dhan waana Cabdi qani”hadalkaasin 10 sa kadib waa soo ifbaxay .

Dadka jecel in aaan horay loo socon ayaa dhaleeceeya qof kasta oo guuleesta aniga ka wariye ahaa waxaan jeclahay in aan kaalinteeda qaato oo aan afkayga,qalinkayga ku difaaco wixii wanaag noo wada ah dadka jiran ayaa fikrad qa” aamini doono balse horaa loo soconayaa.

Teeda kale waxaan dhihi lahaa guddiga fulinta iyo kooxaha ha badalaan dastuurka oo Cabdi qani hasii ahaado inta ka dhiman noloshiisa gudoomiyaha xiriirka inta laga helaayo shaqsi isaga oo kale ah balse waa dheceysaa doorasho xalaal ah.

Waxaa diyaariyay:Abdalla Hassan Baliil.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Madaxweynaha UEFA Oo Khiyaali Ku Tilmaamay Tartanka Lagu Mijo-xaabinayo Champions League Ee Kooxaha Waaweyn Abaabulayaan

(21-11-2018) Qalanjadii Cayaaraha Oo Ka Badbaadday Shil Gaadhi Iyo Dhaawac Jabiin Ah Oo Dhabarka Ka Gaadhay Madaxweynaha xidhiidhka kubadda ...

Qalanjadii Cayaaraha Oo Ka Badbaadday Shil Gaadhi Iyo Dhaawac Jabiin Ah Oo Dhabarka Ka Gaadhay

(21-11-2018) Gabadha ugu quruxda badan ciyaaraha baratanka baabuurta dheeraysa ee Formula 3 ayaa ka badbaadday shil gaadhi oo ...

Edinson Cavani Oo Liiska Murashaxiinta Ballon d’Or Ka Saaray Lionel Messi Iyo Cristiano Ronaldo

(21-11-2018) Weeraryahanka xulka qaranka Uruguay iyo kooxda PSG ee Edinson Cavani ayaa sheegay in abaal-marinta xiddiga adduunka ee ...

Barcelona oo dashisey qorshe ay Real Madrid kaga dulqaadayaan Eden Hazard

(21-11-2018) Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa ku hawlan sidii ay iskugu samayn lahayd dibu-dhis iyo xoojin meelaha ay ...

Shaqsiyaadka u Tartami doona abaal marinta Horyaalka Talyaaniga xiligii l;asoo dhaafay oo la magacaabay

(20-11-2018) Waxaa laqabtay xaflad lagu bixinayey abaal marinadii Xili Cayaareedkii lasoo dhaafay ee Horyaalka Talyaaniga waxaana labixiyey biladi ...

Xulka Soomaaliya oo Guul ka gaaray kulankii lugta labaad ee Itoobiya balse ku haray Goolal tirsi

(20-11-2018)Waxaa soo idlaatay ciyaartii u dhaxeysay xulkeena Soomaaliya iyo Ethiopia, taa oo qeyb ka aheyd isreeb reebka koobka ...

Fadeexad: Halyey Ka Fadhiistay Xulka Qaranka England Oo Weerar Kufsi Ah Ku Qaaday Gabadh Ay Tareen Wada Raaceen

(20-11-2018) Halyeygii hore ee xulka qaranka England khadka dhexe uga ciyaari jiray ee Paul Gacogne oo lagu naanaysi ...

XOG: Goormaa La Samaynayaa Isku Aadka Afar Dhamaadka UEFA Nations League? Xulalka Soo Baxay Iyo Waqtiga Kulamadan La Ciyaari Doono

(20-11-2018) Waxaa caawa la soo gaba gabayn doonaa xulalka u soo baxaya afar dhamaadka tartanka xulalka qaramada qaarada ...

Fadeexad: Garsoore ka dhabeeyey balan qaadkiisii ahaa in Rigoore ka dhigi doono Turkiga

(20-11-2018) Xulka qaranka Sweden ayaa soo nooleeyey rajada ay ka qabaan inay kaalinta koowaad kaga soo baxaan Group ...

N’Golo Kante, Rabiot, Sancho & Koulibaly – Sidee Ayey Noqon Doontaa Shaxda Manchester United

(20-11-2018) Tababare Jose Mourinho ayaa ku hawlan sidii uu ugu qancin lahaa maamulka sare ee kooxdiisa inay usoo ...

Antoine Griezmann” Lionel Messi ayaa iga gacan siiyey in aanan Barcelona ku biirin

(19-11-2018) Weeraryahanka xulka qaranka France iyo Atletico Madrid ee Antoine Griezmann ayaa ka hadlay sababtii uu u diiday ...

Jurgen Klopp Oo Lagu Wargeliyey Dhaawac Cusub Oo Soo Gaadhay Mid Ka Mid Ah Xiddigaha Ugu Muhiimsan Liverpool

(19-11-2018) Toddobaadka soo socda waxa dib u bilaabmaya horyaalka Premier League oo Liverpool ay la ballansan tahay Watford ...

LA OGAADAY: Kulan Dhex-maray Real Madrid Iyo Arsene Wenger, Diidmadiisii Iyo Goob-jooge Ka Warramay Wixii Dhaca

(19-11-2018) Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa kulan la yeelatay tababarihii hore ee Arsenal ee Arsene Wenger, kaas ...

Ugu Danbayn Lionel Messi Iyo Cristiano Ronaldo oo lakala Saaray?

(19-11-2018) Muddo ka badan toban sannadood ayey taagnayd doodda u dhaxaysa Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi, waxaanay soo ...

Daawo: Switzerland oo aad u bahdishay Belgium-kii laqaban waayey

(19-11-2018) Wadanka Switzerland ayaa Guul weyn ka gaaray kulankii aadka u adkaa ee ay lacayaareen dalka dunida ugu fiican ...