Saturday, February 16th, 2019

Dani Carvajal Oo Sheegay Hadal Ka Cadhaysiin Kara, Solari, Zidane iyo Madaxweyne Perez

Published on November 6, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(06-11-2018) Difaaca midig ee Real Madrid, Dani Carvajal ayaa amaan xadka ka baxsan ku sagootiyey tababarihii shaqada laga caydhiyey ee Julen Lopetegui oo natiijadii ugu xumayd ee Real Madrid soo marta taariikhda dhow ku hoggaamiyey.

Lopetegui oo si xun kaga baxay xulka qaranka Spain markii maalin ka hor bilowgii Koobka Adduunka shaqada laga caydhiyey sabab la xidhiidha in markaas uun loo magacaabay tababaraha Real Madrid, ayaa muddo saddex bilood gudahood ay Los Blancos ka eriday shaqadii ay siisay.

Warbixintii ay Real Madrid kasoo saartay markii la caydhinayey ayaa waxay ku sheegtay in waxqabadkiisa iyo natiijadiisu aanay is lahayn, sidaas daraadeedna isbeddel lama huraan yahay.

Ciyaartooyada ayaa qaarkood amaan ku sagootiyeen markii la caydhiyey, laakiin difaacyahanka Dani Carvajal ayaa si waalli ah ugu tilmaamay tababarihii ugu wanaagsanaa oo xattaaa uu ka sarraysiiyey Zinedine Zidane oo saddex sannadood oo ay wada joogeen u qaaday koobab badan, kana dhigay mid ka mid ah difaacyahannada dunida ugu wanaagsa.

Carvajal oo u warramay TVE ayaa waxa uu Lopetegui ku sifeeyey macallinkii ugu wanaagsanaa ee abid uu ka hoos ciyaaro, waxaanu nasiib darro ku tilmaamay in shaqada laga caydhiyey.

“Aniga ahan, waa tababarihii ugu wanaagsanaa ee aan arkay, nasiib darro sare, nasiibkii loo baahnaa ayaa uu waayey si uu noola sii shaqeeyo.” Sidaas ayuu yidhi Carvajal.

Difaacan dhaawaca kaga maqan Los Blancos, waxa uu tilmaamay in Lopetegui ay isku aragti ka ahaayeen arrimo badan, waxaanu yidhi: “Waxa aanu wadaagnay sida uu u arko kubadda cagta, sida uu kooxda u maamulo iyo sida uu ciyaartooyada ula dhaqmo. Ka hor intii aanu Real Madrid imanin ayaan hore u sheegay arrintan, haddana waan ku celinayaa isagoo tegay, waanan sheegi doonaa illaa inta aan arkayo tababare shaqada u qabta sidiisa si ka wanaagsan.”

Carvajal ayaa awood u yeeshay inuu ciyaaro siddeed kulan oo kaliya intii uu Lopetegui tababaraha ahaa, waxaana uu dhaawac ku seegay ciyaaro dhawr ah.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Madaxweynaha Ac Milan Paolo Scaroni Oo Dhac Layaab Leh Loo Geystay & Haweeney Qaab Cajiib Ah Garab Usiisay Dambiilaha.

(16-12-2018) Madaxweynaha kooxda Ac Milan Paolo Scaroni ayaa lagu soo waramayaa in laga xaday jimcadii shalay aheyd boorso ...

Macalinka Kooxda Liverpool Jurgen Klopp oo Ka Hadlay Jose Mourinho Ka Hor Ciyaarta Manchester United iyo Liverpool

(16-12-2018) Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa ka hadlay dhigiisa Manchester United ee Jose Mourinho iyo ciyaarta ay ...

Khabiirada Shabakadda Mirror Football Oo Isku Khilaafay Shaxda Isku Dhaf Ah Kulanka Liverpool vs Man United – Mid Walba Shax Ayuu Doortay!

(16-12-2018) Kulanka ugu weyn England ayaa berito dhici doona, waana kulan aan laga mideysneyn aragtida laga aaminsan yahay, ...

Wiilkii Uu Dunida Kaga Tegay Feedhyahankii Muslimka Ahaa Ee Mohamed Ali Oo Qarka U Saaran Inuu Dawarsado Ama Tuugsado Sabab?

(16-12-2018) Wiilka kaliya ee uu dhalay feedhyahankii Muslimka ahaa ee Muhammad Ali ayaa ku sugan xaalad nololeed oo ...

Wanda Nara Oo Diyaarinaysa Qandaraas Dabar Ku Noqonaya Mauro Icardi

(16-12-2018) Wanda Nara oo ah xaaska iyo Wakiilka ciyaartoyga reer Argentina ee Mauro Icardi oo afka hore uga ...

Farriintii Uu Diego Costa U Diray Arsenal Markii Uu Dhaawacay Laurent Koscielny Iyo Qaabkii Axmaqnimada Ahaa Ee Uu Isku Difaacay

(16-12-2018) Difaaca Arsenal ee Laurent Koscielny ayaa shaaciyey inuu u bilaabmay wax uu ugu yeedhay ‘Cutubka Cusub Ee ...

Barcelona Oo Baadi Goobaysa Beddelka Luis Suarez Iyo Xiddigaha Ay Isha Ku Hayso

(16-12-2018) Luis Suarez hadda da’diisu waxay noqotay 32 jir, waxaana kooxdiisa Barcelona u muuqatay in ay u baahan ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Manchester City oo Mar Kale Hogaanka Si Ku Meel Gaadh ah U Qabatay Maanta.

(15-12-2018) Cayaar ay maanta wada ciyaareen kooxda Manchester City iyo kooxda Everton oo ahayd horyaalka dalka ingiriiska oo ...

Layaab!: Boqortooyada Kuwait oo la ogaadey in ay lacag ka dhacday Cayaartoy waa weyn oo magac leh

(15-12-2018) Lix bilood kaddib markii dalka Kuwait uu martigeliyey ciyaar ay iskugu yimaaddeen xiddigaha waaweyn ee dunida oo ...

Dhamaan Kulamada Sabtiga iyo Saacadaha Geeska Africa ee ay bilaaban doonaan?

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa dhamaan Cayaaraha dhici doona Sabtiga ee ku tirsan Horyaalada kala duwan ee qaarada ...

Halyeygii Manchester United Ee Willie Morgan Oo Magacaabay Afarta Ciyaartoy Ee Uu Doonayo In Kooxdiisa Hore Iska Iibiso Bisha January

(15-12-2018) Halyeygii Manchester United ee Willie Morgan ayaa aaminsan in tababaraha kooxdaas Jose Mourinho ay tahay inuu iibiyo ...

May Ahayn In Arsenal Loo Ogolaado Inay Ciyaarto Europa League – Tababaraha Qarabag Oo Dood Cajiib Ah Bedka Keenay Kaddib Guushii Gunners Sabab?

(15-12-2018) Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa sii wadda guul-darro la’aanta xidhiidhka ah, waxaanay xalay 1-0 ku muquunisay naadiga ...

Qorshaha Jose Mourinho Ku Qaban Doono Salah, Mane & Firmino, Dhibaatada Difaaca Ee Haysata Iyo Sida Uu U Kala Xulan Doono Xiddigaha Uu Haysto

(15-12-2018) Manchester United ayaa Axadda safar ugu tegaysa Liverpool oo kulankooda ugu horreeya xili ciyaareedkan ee horyaalka Premier ...

Cristiano Ronaldo Oo Markale looga yeeray Maxkamad dalka Spain ah iyo Ciqaabta uu lakulmi doono?

(15-12-2018) Maxkamad ku taalla dalka Spain ayaa go’aamisay xilliga ay dhegaysan doonto dacwad la xidhiidha lunsi cashuuro oo ...

Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018 kaas ...