Friday, February 22nd, 2019

Fadeexad: Manchester City Oo La Helay Qaabkii Ay U Khiyaamaysay FIFA

Published on November 6, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(06-11-2018) Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa been abuur ku samaysay dhaqaalaheeda soo gala, si ay uga baxsato ciqaab ay kala kulmaan FIFA.

Faddeexadda Football Leaks oo uu baahiyo wargeyska Der Spiegel ayaa waxay soo bandhigay in Manchester City ay samaysay dhaqaale been abuur ah oo ay lacago kasoo qaadatay shirkado, heshiisyo abuur abuur ah amaba buun-buunin ahna gashay si ay warbixinteeda dhaqaalaha ay uga muuqato lacago badan oo soo galay oo dhab ahaan aan jirin.

Qoraalo sir ah oo laga helay Manchester City ayaa waxay caddeeyeen in sannadkii 2013 ay kooxdu gashay khasaare maaliyadeed oo dhamayd £9.9 milyan Gini, laakiin uu mulkiilaha Carbeed ee Sheikh Mansour qaab farsamaysan kor ugu qaaday heshiiska ay kula jirto shirkadda laga leeyahay Abu Dhabi oo uu isagu qayb ka yahay.

Manchester City oo sannadkii 2008 uu iibsaday maal-qabeenka reer Abu Dhabi ee Sheikh Mansoor, loona tixgeliyo in qoyskoodu leeyahay ayaa markii ay FIFA u gudbisay warbixinteeda dhaqaalaha sannadkii 2014, waxa lagu helay inay jabisay sharciga dhaqaale wanaagga oo ay kala bateen dakhligii soo galay iyo kharashkii baxay, waxaana lagu xukumay ganaax dhan £49 milyan.

Wargeyska Der Spiegel waxa kale oo uu soo bandhigay farriimo email ah oo laaga helay madaxa dhaqaalaha Manchester City ee Jorge Chumillas oo sannadkii 2013 kala tashanaya shirkaddaha AD sidii loo dabooli lahaa khasaaraha soo gaadhay ee ay ku mutaysan karayaan ganaax kaga yimaadda UEFA iyo FIFA labadaba, waxaana farriintaas loo diray shirkadda diyaaraha Etihad, Abar iyo masuuliyiin dalka Abu Dhabi oo markiiba lacagtaas u shubay kooxda, taasina waxay timid markii isbeddel lagu sameeyey heshiiskii xayaysiinta ee kooxdu la gashay sannadkii 2012.

Farriin kale oo email ah oo uu agaasimaha fulinta kooxda ee Simon Pearce diray sannadkii 2015 ayaa uu wargeysku soo bandhigay, waxaana uu Pearce ku faahfaahinayey qaabka ay shirkadda Aabar u bixinayso lacagaha heshiiska ay wada galeen oo dhigayey in qaddin lagu bixiyo £3 milyan iyo baaqiga hadhay oo dhamaa 12 milyan oo Gini oo siyaabo kala duwan loo bixinayo.

Si kastaba ha ahaatee, warbixintani waxay xoojisay shaki horeba u jiray oo ahaa in PSG iyo Manchester City ay meel kaga dhaceen sharciga dhaqaale wanaagga FFF.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Madaxweynaha Ac Milan Paolo Scaroni Oo Dhac Layaab Leh Loo Geystay & Haweeney Qaab Cajiib Ah Garab Usiisay Dambiilaha.

(16-12-2018) Madaxweynaha kooxda Ac Milan Paolo Scaroni ayaa lagu soo waramayaa in laga xaday jimcadii shalay aheyd boorso ...

Macalinka Kooxda Liverpool Jurgen Klopp oo Ka Hadlay Jose Mourinho Ka Hor Ciyaarta Manchester United iyo Liverpool

(16-12-2018) Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa ka hadlay dhigiisa Manchester United ee Jose Mourinho iyo ciyaarta ay ...

Khabiirada Shabakadda Mirror Football Oo Isku Khilaafay Shaxda Isku Dhaf Ah Kulanka Liverpool vs Man United – Mid Walba Shax Ayuu Doortay!

(16-12-2018) Kulanka ugu weyn England ayaa berito dhici doona, waana kulan aan laga mideysneyn aragtida laga aaminsan yahay, ...

Wiilkii Uu Dunida Kaga Tegay Feedhyahankii Muslimka Ahaa Ee Mohamed Ali Oo Qarka U Saaran Inuu Dawarsado Ama Tuugsado Sabab?

(16-12-2018) Wiilka kaliya ee uu dhalay feedhyahankii Muslimka ahaa ee Muhammad Ali ayaa ku sugan xaalad nololeed oo ...

Wanda Nara Oo Diyaarinaysa Qandaraas Dabar Ku Noqonaya Mauro Icardi

(16-12-2018) Wanda Nara oo ah xaaska iyo Wakiilka ciyaartoyga reer Argentina ee Mauro Icardi oo afka hore uga ...

Farriintii Uu Diego Costa U Diray Arsenal Markii Uu Dhaawacay Laurent Koscielny Iyo Qaabkii Axmaqnimada Ahaa Ee Uu Isku Difaacay

(16-12-2018) Difaaca Arsenal ee Laurent Koscielny ayaa shaaciyey inuu u bilaabmay wax uu ugu yeedhay ‘Cutubka Cusub Ee ...

Barcelona Oo Baadi Goobaysa Beddelka Luis Suarez Iyo Xiddigaha Ay Isha Ku Hayso

(16-12-2018) Luis Suarez hadda da’diisu waxay noqotay 32 jir, waxaana kooxdiisa Barcelona u muuqatay in ay u baahan ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Manchester City oo Mar Kale Hogaanka Si Ku Meel Gaadh ah U Qabatay Maanta.

(15-12-2018) Cayaar ay maanta wada ciyaareen kooxda Manchester City iyo kooxda Everton oo ahayd horyaalka dalka ingiriiska oo ...

Layaab!: Boqortooyada Kuwait oo la ogaadey in ay lacag ka dhacday Cayaartoy waa weyn oo magac leh

(15-12-2018) Lix bilood kaddib markii dalka Kuwait uu martigeliyey ciyaar ay iskugu yimaaddeen xiddigaha waaweyn ee dunida oo ...

Dhamaan Kulamada Sabtiga iyo Saacadaha Geeska Africa ee ay bilaaban doonaan?

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa dhamaan Cayaaraha dhici doona Sabtiga ee ku tirsan Horyaalada kala duwan ee qaarada ...

Halyeygii Manchester United Ee Willie Morgan Oo Magacaabay Afarta Ciyaartoy Ee Uu Doonayo In Kooxdiisa Hore Iska Iibiso Bisha January

(15-12-2018) Halyeygii Manchester United ee Willie Morgan ayaa aaminsan in tababaraha kooxdaas Jose Mourinho ay tahay inuu iibiyo ...

May Ahayn In Arsenal Loo Ogolaado Inay Ciyaarto Europa League – Tababaraha Qarabag Oo Dood Cajiib Ah Bedka Keenay Kaddib Guushii Gunners Sabab?

(15-12-2018) Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa sii wadda guul-darro la’aanta xidhiidhka ah, waxaanay xalay 1-0 ku muquunisay naadiga ...

Qorshaha Jose Mourinho Ku Qaban Doono Salah, Mane & Firmino, Dhibaatada Difaaca Ee Haysata Iyo Sida Uu U Kala Xulan Doono Xiddigaha Uu Haysto

(15-12-2018) Manchester United ayaa Axadda safar ugu tegaysa Liverpool oo kulankooda ugu horreeya xili ciyaareedkan ee horyaalka Premier ...

Cristiano Ronaldo Oo Markale looga yeeray Maxkamad dalka Spain ah iyo Ciqaabta uu lakulmi doono?

(15-12-2018) Maxkamad ku taalla dalka Spain ayaa go’aamisay xilliga ay dhegaysan doonto dacwad la xidhiidha lunsi cashuuro oo ...

Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018 kaas ...