Wednesday, November 21st, 2018

Halkee ku danbeeyaa Xiddigii Manchester United ee Eric Djemba Djemba?Sawiro

Published on November 6, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(07-11-2018) Cayaaryahankii hore ee kooxda Kubada Cagta Manchester United Eric Djemba Djemba ayaa ka cayaara Horyaalka dalka Switzerland gaar ahaan koox ka Cayaarta Horyaalka heerka shanaad ee dalkaas.

Eric Djemba Djemba oo xili u soo Cayaaray kooxda weyn ee Manchester United ayaa hadda da ahaan 37 Sano jir ah waxaana daawada Cayaaraha uu dheelo marka ay ugu badantahay Taageeraayal Gaaraya 88 Ruux oo kaliya.

Ninkaan ayaa u Cayaara kooxda FC Vallorbe-Ballaigues oo ka Cayaarta heerka shanaad ee Horyaalka dalka Switzerland waxaana jirta in xili Macalin Sir Alex Ferguson  uu Cayaaryahankaan ka doorbiday Xiddigii khadka dhexe ee Roy Keane kaas oo ahaa Cayaaryaahnkii ugu fiicnaa ee soo mara Khadka dhexe Manchester United Sanadihii Guusha.

Mid ka mid ah Wariye yaasha ka hawl gala Wargeyska The Sun oo Booqdey Garoonka ay ku Cayaarta kooxda uu u dheelo Eric Djemba Djemba ayaa sheegay in uu lakulmay Taageerayaal aan ka badnayn 88 qof oo daawanaya kulan ay Cayaraysey kooxdaas.,

Sir Alex Ferguson ayaa Eric Djemba Djemba  ku soo qaatay lacag dhan £3.5m Waxa uu ka soo Garab cayaaray cayaartoy waa weyn sida Cristiano Ronaldo, Ruud Van Nistelrooy iyo Ryan Giggs.sidoo kale waxa uu ku cayaaraya Garoon qaada 78 kun oo taageerayaal ah waxa uu Man United kusugnaa mudo 3 Sano iyo bar ah 39 kulan ayuu u saftay markii uu ka tegay waxa uu ka soo Cayaaray dalal ay ka midyihiin Denmark, Israel, Serbia, India Qatar iyo Indonesia.

 

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Madaxweynaha UEFA Oo Khiyaali Ku Tilmaamay Tartanka Lagu Mijo-xaabinayo Champions League Ee Kooxaha Waaweyn Abaabulayaan

(21-11-2018) Qalanjadii Cayaaraha Oo Ka Badbaadday Shil Gaadhi Iyo Dhaawac Jabiin Ah Oo Dhabarka Ka Gaadhay Madaxweynaha xidhiidhka kubadda ...

Qalanjadii Cayaaraha Oo Ka Badbaadday Shil Gaadhi Iyo Dhaawac Jabiin Ah Oo Dhabarka Ka Gaadhay

(21-11-2018) Gabadha ugu quruxda badan ciyaaraha baratanka baabuurta dheeraysa ee Formula 3 ayaa ka badbaadday shil gaadhi oo ...

Edinson Cavani Oo Liiska Murashaxiinta Ballon d’Or Ka Saaray Lionel Messi Iyo Cristiano Ronaldo

(21-11-2018) Weeraryahanka xulka qaranka Uruguay iyo kooxda PSG ee Edinson Cavani ayaa sheegay in abaal-marinta xiddiga adduunka ee ...

Barcelona oo dashisey qorshe ay Real Madrid kaga dulqaadayaan Eden Hazard

(21-11-2018) Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa ku hawlan sidii ay iskugu samayn lahayd dibu-dhis iyo xoojin meelaha ay ...

Shaqsiyaadka u Tartami doona abaal marinta Horyaalka Talyaaniga xiligii l;asoo dhaafay oo la magacaabay

(20-11-2018) Waxaa laqabtay xaflad lagu bixinayey abaal marinadii Xili Cayaareedkii lasoo dhaafay ee Horyaalka Talyaaniga waxaana labixiyey biladi ...

Xulka Soomaaliya oo Guul ka gaaray kulankii lugta labaad ee Itoobiya balse ku haray Goolal tirsi

(20-11-2018)Waxaa soo idlaatay ciyaartii u dhaxeysay xulkeena Soomaaliya iyo Ethiopia, taa oo qeyb ka aheyd isreeb reebka koobka ...

Fadeexad: Halyey Ka Fadhiistay Xulka Qaranka England Oo Weerar Kufsi Ah Ku Qaaday Gabadh Ay Tareen Wada Raaceen

(20-11-2018) Halyeygii hore ee xulka qaranka England khadka dhexe uga ciyaari jiray ee Paul Gacogne oo lagu naanaysi ...

XOG: Goormaa La Samaynayaa Isku Aadka Afar Dhamaadka UEFA Nations League? Xulalka Soo Baxay Iyo Waqtiga Kulamadan La Ciyaari Doono

(20-11-2018) Waxaa caawa la soo gaba gabayn doonaa xulalka u soo baxaya afar dhamaadka tartanka xulalka qaramada qaarada ...

Fadeexad: Garsoore ka dhabeeyey balan qaadkiisii ahaa in Rigoore ka dhigi doono Turkiga

(20-11-2018) Xulka qaranka Sweden ayaa soo nooleeyey rajada ay ka qabaan inay kaalinta koowaad kaga soo baxaan Group ...

N’Golo Kante, Rabiot, Sancho & Koulibaly – Sidee Ayey Noqon Doontaa Shaxda Manchester United

(20-11-2018) Tababare Jose Mourinho ayaa ku hawlan sidii uu ugu qancin lahaa maamulka sare ee kooxdiisa inay usoo ...

Antoine Griezmann” Lionel Messi ayaa iga gacan siiyey in aanan Barcelona ku biirin

(19-11-2018) Weeraryahanka xulka qaranka France iyo Atletico Madrid ee Antoine Griezmann ayaa ka hadlay sababtii uu u diiday ...

Jurgen Klopp Oo Lagu Wargeliyey Dhaawac Cusub Oo Soo Gaadhay Mid Ka Mid Ah Xiddigaha Ugu Muhiimsan Liverpool

(19-11-2018) Toddobaadka soo socda waxa dib u bilaabmaya horyaalka Premier League oo Liverpool ay la ballansan tahay Watford ...

LA OGAADAY: Kulan Dhex-maray Real Madrid Iyo Arsene Wenger, Diidmadiisii Iyo Goob-jooge Ka Warramay Wixii Dhaca

(19-11-2018) Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa kulan la yeelatay tababarihii hore ee Arsenal ee Arsene Wenger, kaas ...

Ugu Danbayn Lionel Messi Iyo Cristiano Ronaldo oo lakala Saaray?

(19-11-2018) Muddo ka badan toban sannadood ayey taagnayd doodda u dhaxaysa Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi, waxaanay soo ...

Daawo: Switzerland oo aad u bahdishay Belgium-kii laqaban waayey

(19-11-2018) Wadanka Switzerland ayaa Guul weyn ka gaaray kulankii aadka u adkaa ee ay lacayaareen dalka dunida ugu fiican ...