Friday, February 22nd, 2019

Ka Hor Ciyaarta Caawa, Sergi Roberto Oo Ka Hadlay Awoodda Barcelona Ee Marka Uu Joogo Lionel Messi Iyo Marka Uu Maqan Yahay

Published on November 6, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(06-11-2018) Laacibka baasha midig ee difaaca iyo khadka dhexeba uga ciyaara Barcelona ee Sergi Roberto ayaa falan-qayn ku sameeyey awoodda kooxdiisa ee marka uu joogo Lionel Messi iyo marka uu maqan yahayba.

Barcelona ayaa ku sugan dalka Talyaaniga oo ay caawa kula ciyaarayso kulanka afraad ee Group B kooxda Inter Milan, waxaana inkasta oo lagu soo daray liiska ciyaartooyada haddana la filayaa in aanu ciyaarin Lionel Messi oo bishii hore ka jabay gacanta midig, taas oo uu ku seegay ciyaartii hore ee labada kooxood ee dhamaadka bishii hore.

Haddaba ciyaartoyga baasha midig ee difaaca iyo khadka dhexeba ka ciyaara ee Sergi Roberto ayaa sheegay in marka uu laacibka reer Argentina ka maqan yahay aanay awood badan lahayn, hase yeeshee ay muujin doonaan inay yihiin koox fiican, waxaanu yidhi: “Haddii uu Leo Messi maqan yahay, ma nihin koox sidaa u awood badan, laakiin waa inaanu muujino inaanu nahay koox wanaagsan.”

Sergi Roberto waxa uu xusay in Leo Messi uu ku faraxsan yahay inuu ula safray Talyaaniga, horena ay uga baqayeen inuu maqnaado, waxaanu yidhi: “Cabsi ayay nagu haysay maqnaanshihiisu, waana wax caadi ah inay na saamayso, llaakiin isaguna wuxuu ku faraxsan yahay inuu nala socdo, waanay noo wanaagsan tahay inuu nala safray. Nasiib wanaag, waxaanu awood u yeelanay inaanu badino ciyaarihii uu naga maqnaa, mana garanayo inuu ciyaaro doono laakiin waxaanu ku faraxsanahay inuu halkan joogo.”

Xiddigan reer Spain waxa uu tilmaamay in caawa ay raaci doonaan jidkii ay u mareen guulihii ay ka gaadheen Real Madrid ama kulankii hore ee Inter Milan, haddii ay guuleystaana ay ka dhigan tahay inay kubbad wanaagsan ciyaareen oo ay niyad fiican ula tegi doonaan Tottenham.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Madaxweynaha Ac Milan Paolo Scaroni Oo Dhac Layaab Leh Loo Geystay & Haweeney Qaab Cajiib Ah Garab Usiisay Dambiilaha.

(16-12-2018) Madaxweynaha kooxda Ac Milan Paolo Scaroni ayaa lagu soo waramayaa in laga xaday jimcadii shalay aheyd boorso ...

Macalinka Kooxda Liverpool Jurgen Klopp oo Ka Hadlay Jose Mourinho Ka Hor Ciyaarta Manchester United iyo Liverpool

(16-12-2018) Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa ka hadlay dhigiisa Manchester United ee Jose Mourinho iyo ciyaarta ay ...

Khabiirada Shabakadda Mirror Football Oo Isku Khilaafay Shaxda Isku Dhaf Ah Kulanka Liverpool vs Man United – Mid Walba Shax Ayuu Doortay!

(16-12-2018) Kulanka ugu weyn England ayaa berito dhici doona, waana kulan aan laga mideysneyn aragtida laga aaminsan yahay, ...

Wiilkii Uu Dunida Kaga Tegay Feedhyahankii Muslimka Ahaa Ee Mohamed Ali Oo Qarka U Saaran Inuu Dawarsado Ama Tuugsado Sabab?

(16-12-2018) Wiilka kaliya ee uu dhalay feedhyahankii Muslimka ahaa ee Muhammad Ali ayaa ku sugan xaalad nololeed oo ...

Wanda Nara Oo Diyaarinaysa Qandaraas Dabar Ku Noqonaya Mauro Icardi

(16-12-2018) Wanda Nara oo ah xaaska iyo Wakiilka ciyaartoyga reer Argentina ee Mauro Icardi oo afka hore uga ...

Farriintii Uu Diego Costa U Diray Arsenal Markii Uu Dhaawacay Laurent Koscielny Iyo Qaabkii Axmaqnimada Ahaa Ee Uu Isku Difaacay

(16-12-2018) Difaaca Arsenal ee Laurent Koscielny ayaa shaaciyey inuu u bilaabmay wax uu ugu yeedhay ‘Cutubka Cusub Ee ...

Barcelona Oo Baadi Goobaysa Beddelka Luis Suarez Iyo Xiddigaha Ay Isha Ku Hayso

(16-12-2018) Luis Suarez hadda da’diisu waxay noqotay 32 jir, waxaana kooxdiisa Barcelona u muuqatay in ay u baahan ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Manchester City oo Mar Kale Hogaanka Si Ku Meel Gaadh ah U Qabatay Maanta.

(15-12-2018) Cayaar ay maanta wada ciyaareen kooxda Manchester City iyo kooxda Everton oo ahayd horyaalka dalka ingiriiska oo ...

Layaab!: Boqortooyada Kuwait oo la ogaadey in ay lacag ka dhacday Cayaartoy waa weyn oo magac leh

(15-12-2018) Lix bilood kaddib markii dalka Kuwait uu martigeliyey ciyaar ay iskugu yimaaddeen xiddigaha waaweyn ee dunida oo ...

Dhamaan Kulamada Sabtiga iyo Saacadaha Geeska Africa ee ay bilaaban doonaan?

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa dhamaan Cayaaraha dhici doona Sabtiga ee ku tirsan Horyaalada kala duwan ee qaarada ...

Halyeygii Manchester United Ee Willie Morgan Oo Magacaabay Afarta Ciyaartoy Ee Uu Doonayo In Kooxdiisa Hore Iska Iibiso Bisha January

(15-12-2018) Halyeygii Manchester United ee Willie Morgan ayaa aaminsan in tababaraha kooxdaas Jose Mourinho ay tahay inuu iibiyo ...

May Ahayn In Arsenal Loo Ogolaado Inay Ciyaarto Europa League – Tababaraha Qarabag Oo Dood Cajiib Ah Bedka Keenay Kaddib Guushii Gunners Sabab?

(15-12-2018) Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa sii wadda guul-darro la’aanta xidhiidhka ah, waxaanay xalay 1-0 ku muquunisay naadiga ...

Qorshaha Jose Mourinho Ku Qaban Doono Salah, Mane & Firmino, Dhibaatada Difaaca Ee Haysata Iyo Sida Uu U Kala Xulan Doono Xiddigaha Uu Haysto

(15-12-2018) Manchester United ayaa Axadda safar ugu tegaysa Liverpool oo kulankooda ugu horreeya xili ciyaareedkan ee horyaalka Premier ...

Cristiano Ronaldo Oo Markale looga yeeray Maxkamad dalka Spain ah iyo Ciqaabta uu lakulmi doono?

(15-12-2018) Maxkamad ku taalla dalka Spain ayaa go’aamisay xilliga ay dhegaysan doonto dacwad la xidhiidha lunsi cashuuro oo ...

Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018 kaas ...