Tuesday, November 20th, 2018

Ma Ogtahay in Alexis Sanchez uu Sabab u yahay in ay Heshiis Cusub diidaan Xiddigaha David De Gea iyo Martial

Published on November 6, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(07-11-2018) Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa dhibaato weyn kala kulmaysa heshiisyo cusub oo ay ka saxeexdo ciyaartoygeeda muhiimka ah, kuwaas oo aan aqbali doonin inay qalinka u qaataan qandaraas sabab la xidhiidha Alexis Sanchez.

United ayaa ku dedaalaysa inay ogolaysiiyo Anthony Martial iyo David de Gea oo heshiiskoodu dhamaanayo xagaaga inay saxeexaan qandaraas cusub oo kusii haynaya naadiga sannado badan, hase yeeshee labadan laacib iyo kuwo kale oo aan la magacaabin ayaa ka warwareegaya qorshaha Manchester United usoo bandhigtay.

Martial iyo De Gea ayaa ka doonaya Manchester United lacag badan oo mushahar ah haddii ay heshiis cusub saxeexayaan, waxaanay ugu yaraan dalbanayaan in mushaharkooda la gaadhsiiyo £400,000 toddobaadkii, taas oo ah wax aanay United sinaba u aqbali karaynin.

Xiddigahan ayaa waxay isku arkaan inay ka muhiimsan yihiin Alexis Sanchez oo toddobaadkii qaata £400,000 iyo £75,000 kale oo kulan walba oo uu ciyaaro la siiyo, waxaanay taasi niyad jab ku tahay De Gea oo la aaminsan yahay inuu yahay ciyaartoyga ugu wanaagsan safka Red Devils.

Goolhayahan reer Spain ee ay da’diisu tahay 27 jirka ayaa hadda Mushahar uga qaata Manchester United £175,000 usbuucii, waxaana dhawr jeer oo hore uu ku sigtay inuu ka dhaqaaqo United, balse Jose Mourinho ayaa ka dalbaday madaxda naadiga inay ka shaqeeyaan sidii ay garoonka Old Trafford ugu sii hayn lahaayeen, iyagoo u ogolaanaya waxa uu doonayo, laakiin Martial oo isaguna usbuucii la siiyo £70,000 kaliya ayaa waxa uu xor u noqon doonaa marka uu xili ciyaareedku dhamaado inuu ku si xor ah ugu wareegi karo kooxda uu doono.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Madaxweynaha UEFA Oo Khiyaali Ku Tilmaamay Tartanka Lagu Mijo-xaabinayo Champions League Ee Kooxaha Waaweyn Abaabulayaan

(21-11-2018) Qalanjadii Cayaaraha Oo Ka Badbaadday Shil Gaadhi Iyo Dhaawac Jabiin Ah Oo Dhabarka Ka Gaadhay Madaxweynaha xidhiidhka kubadda ...

Qalanjadii Cayaaraha Oo Ka Badbaadday Shil Gaadhi Iyo Dhaawac Jabiin Ah Oo Dhabarka Ka Gaadhay

(21-11-2018) Gabadha ugu quruxda badan ciyaaraha baratanka baabuurta dheeraysa ee Formula 3 ayaa ka badbaadday shil gaadhi oo ...

Edinson Cavani Oo Liiska Murashaxiinta Ballon d’Or Ka Saaray Lionel Messi Iyo Cristiano Ronaldo

(21-11-2018) Weeraryahanka xulka qaranka Uruguay iyo kooxda PSG ee Edinson Cavani ayaa sheegay in abaal-marinta xiddiga adduunka ee ...

Barcelona oo dashisey qorshe ay Real Madrid kaga dulqaadayaan Eden Hazard

(21-11-2018) Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa ku hawlan sidii ay iskugu samayn lahayd dibu-dhis iyo xoojin meelaha ay ...

Shaqsiyaadka u Tartami doona abaal marinta Horyaalka Talyaaniga xiligii l;asoo dhaafay oo la magacaabay

(20-11-2018) Waxaa laqabtay xaflad lagu bixinayey abaal marinadii Xili Cayaareedkii lasoo dhaafay ee Horyaalka Talyaaniga waxaana labixiyey biladi ...

Xulka Soomaaliya oo Guul ka gaaray kulankii lugta labaad ee Itoobiya balse ku haray Goolal tirsi

(20-11-2018)Waxaa soo idlaatay ciyaartii u dhaxeysay xulkeena Soomaaliya iyo Ethiopia, taa oo qeyb ka aheyd isreeb reebka koobka ...

Fadeexad: Halyey Ka Fadhiistay Xulka Qaranka England Oo Weerar Kufsi Ah Ku Qaaday Gabadh Ay Tareen Wada Raaceen

(20-11-2018) Halyeygii hore ee xulka qaranka England khadka dhexe uga ciyaari jiray ee Paul Gacogne oo lagu naanaysi ...

XOG: Goormaa La Samaynayaa Isku Aadka Afar Dhamaadka UEFA Nations League? Xulalka Soo Baxay Iyo Waqtiga Kulamadan La Ciyaari Doono

(20-11-2018) Waxaa caawa la soo gaba gabayn doonaa xulalka u soo baxaya afar dhamaadka tartanka xulalka qaramada qaarada ...

Fadeexad: Garsoore ka dhabeeyey balan qaadkiisii ahaa in Rigoore ka dhigi doono Turkiga

(20-11-2018) Xulka qaranka Sweden ayaa soo nooleeyey rajada ay ka qabaan inay kaalinta koowaad kaga soo baxaan Group ...

N’Golo Kante, Rabiot, Sancho & Koulibaly – Sidee Ayey Noqon Doontaa Shaxda Manchester United

(20-11-2018) Tababare Jose Mourinho ayaa ku hawlan sidii uu ugu qancin lahaa maamulka sare ee kooxdiisa inay usoo ...

Antoine Griezmann” Lionel Messi ayaa iga gacan siiyey in aanan Barcelona ku biirin

(19-11-2018) Weeraryahanka xulka qaranka France iyo Atletico Madrid ee Antoine Griezmann ayaa ka hadlay sababtii uu u diiday ...

Jurgen Klopp Oo Lagu Wargeliyey Dhaawac Cusub Oo Soo Gaadhay Mid Ka Mid Ah Xiddigaha Ugu Muhiimsan Liverpool

(19-11-2018) Toddobaadka soo socda waxa dib u bilaabmaya horyaalka Premier League oo Liverpool ay la ballansan tahay Watford ...

LA OGAADAY: Kulan Dhex-maray Real Madrid Iyo Arsene Wenger, Diidmadiisii Iyo Goob-jooge Ka Warramay Wixii Dhaca

(19-11-2018) Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa kulan la yeelatay tababarihii hore ee Arsenal ee Arsene Wenger, kaas ...

Ugu Danbayn Lionel Messi Iyo Cristiano Ronaldo oo lakala Saaray?

(19-11-2018) Muddo ka badan toban sannadood ayey taagnayd doodda u dhaxaysa Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi, waxaanay soo ...

Daawo: Switzerland oo aad u bahdishay Belgium-kii laqaban waayey

(19-11-2018) Wadanka Switzerland ayaa Guul weyn ka gaaray kulankii aadka u adkaa ee ay lacayaareen dalka dunida ugu fiican ...