Thursday, January 17th, 2019

Mayweather Oo Wejiga Ka Qarsaday Feedhyahanka Muslimka ah Ee Khabib Nurmagomedov

Published on November 6, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(07-11-2018) Feedhyahanka Maraykanka ah ee Floyd Mayweather ayaa wejiga ka qarsaday  Khabib Nurmagomedov oo ah feedhyahan Muslim ah oo u dhashay waddanka Ruushka, kaas oo ay ku ballansanaayeen ciyaar feedh ah oo si weyn dunidu u sugaysay.

Feedhyahanka taariikhda soo dhigay ee Floyd Mayweather ayaa aduunka kaga yaabsaday go’aan deg deg ah oo uu ugu soo laabtay saaxada feedhka uu hore uga hawl gabay isaga oo waliba si rasmi ah ugu dhawaaqay ninka uu la gali doono dagaalkiisa 51 aad isaga oo hore u soo guulaystay dhamaan 50 kii dagaal ee uu waayihiisa soo galay.

Laakiin iyada oo la filayay in Floyd Mayweather uu ku dhawaaqi doono dagaalka uu la galayo feedhyahanka muslimka ah ee Khabib waxa uu si lama filaan ah ugu dhawaaqay in uu ka qayb galayo Risin Fighting Federation oo December 31 ka qabsoomo doona magaalada Saitama ee dalka Japan.

Floyd Mayweather ayaa ka soo muuqday shirka jaraa’id ee loogu talo galay in lagu shaaciyay dagaalka dhex mari doona ninka reer Japan ee Tenshin Nasukawa kaas oo isna ah mid taariikh soo sameeyay waxaana hadda si rasmi ah loo shaaciyay goobta layskugu xaryn doono Mayweather iyo Tenshin Nasukawa.

Shir jaraa’id oo ay Myweather iyo Tenshin Nasukawa si wada jir ah ugu qabteen magaalada Tokyo ee dalka Japan ayay si rasmi ah ugu dhawaaqeen in December 31 ay ku kulmi doonaan Saitama Super Arena oo ku yaala magaalada Saitama ee dalka Japan.

Floyd Mayweather ayaa hore u aqbalay dalab uu ka helay Khabib oo dhawaan ka soo guulaystay McGregor laakiin iyada oo rabashadii ay sameeyeen lagu haysto Khabib waxa uu Floyd Mayweather go’aan ku gaadhay in uu marka hore dagaal la sii galo Tenshin Nasukawa oo Japan u dhashay.

Laakiin waxaan wali la shaacin faah faahinta nooca dagaalkan maadaama oo Tenshin Nasukawa uu yahay nin ka tirsan dagaalka feedhka iyo laaga iskugu jira waxaana la filayaa in uu noqon doono mid ku koobnaan doona dagaal feedh kaliya ah maadaama oo Myweather uu waayihiisa ku soo qaatay feedh kaliya.

Tenshin Nasukawa ayaa tilmaamay in uu galayo dagaalkii taariikhdiisa ugu waynaa laakiin waxa uu ku hanjabay in uu samayn doono feedh taariikhda badali doona isaga oo doonaya in uu noqdo ninkii abid ugu horeeyay ee ka guulaysta Myweather.

Inkasta oo uu khibrad wayn leeyahay Myweather, haddana waxa uu saaxada feedhka ka maqnaa tan iyo sanadkii 2017 kii markii uu ka guulaystay McGregor laakiin markan waxa uu doortay halis wayn isaga oo balan cad December 31 ka samaystay ninka reer Japan ee Tenshin Nasukawa.

Waxaa haddaba lays waydiinayaa haddii Myweather uu dagaalka Tenshin Nasukawa kadib isku diyaarin doono balantii Khabib kaas oo December 10 isna go’aan laga gaadhi doono rabshadii ay ka sameeyeen kulankii McGregor waxaana la ogaan doonaa haddii ganaax dheeraad ah lagu soo rogi doono.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Madaxweynaha Ac Milan Paolo Scaroni Oo Dhac Layaab Leh Loo Geystay & Haweeney Qaab Cajiib Ah Garab Usiisay Dambiilaha.

(16-12-2018) Madaxweynaha kooxda Ac Milan Paolo Scaroni ayaa lagu soo waramayaa in laga xaday jimcadii shalay aheyd boorso ...

Macalinka Kooxda Liverpool Jurgen Klopp oo Ka Hadlay Jose Mourinho Ka Hor Ciyaarta Manchester United iyo Liverpool

(16-12-2018) Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa ka hadlay dhigiisa Manchester United ee Jose Mourinho iyo ciyaarta ay ...

Khabiirada Shabakadda Mirror Football Oo Isku Khilaafay Shaxda Isku Dhaf Ah Kulanka Liverpool vs Man United – Mid Walba Shax Ayuu Doortay!

(16-12-2018) Kulanka ugu weyn England ayaa berito dhici doona, waana kulan aan laga mideysneyn aragtida laga aaminsan yahay, ...

Wiilkii Uu Dunida Kaga Tegay Feedhyahankii Muslimka Ahaa Ee Mohamed Ali Oo Qarka U Saaran Inuu Dawarsado Ama Tuugsado Sabab?

(16-12-2018) Wiilka kaliya ee uu dhalay feedhyahankii Muslimka ahaa ee Muhammad Ali ayaa ku sugan xaalad nololeed oo ...

Wanda Nara Oo Diyaarinaysa Qandaraas Dabar Ku Noqonaya Mauro Icardi

(16-12-2018) Wanda Nara oo ah xaaska iyo Wakiilka ciyaartoyga reer Argentina ee Mauro Icardi oo afka hore uga ...

Farriintii Uu Diego Costa U Diray Arsenal Markii Uu Dhaawacay Laurent Koscielny Iyo Qaabkii Axmaqnimada Ahaa Ee Uu Isku Difaacay

(16-12-2018) Difaaca Arsenal ee Laurent Koscielny ayaa shaaciyey inuu u bilaabmay wax uu ugu yeedhay ‘Cutubka Cusub Ee ...

Barcelona Oo Baadi Goobaysa Beddelka Luis Suarez Iyo Xiddigaha Ay Isha Ku Hayso

(16-12-2018) Luis Suarez hadda da’diisu waxay noqotay 32 jir, waxaana kooxdiisa Barcelona u muuqatay in ay u baahan ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Manchester City oo Mar Kale Hogaanka Si Ku Meel Gaadh ah U Qabatay Maanta.

(15-12-2018) Cayaar ay maanta wada ciyaareen kooxda Manchester City iyo kooxda Everton oo ahayd horyaalka dalka ingiriiska oo ...

Layaab!: Boqortooyada Kuwait oo la ogaadey in ay lacag ka dhacday Cayaartoy waa weyn oo magac leh

(15-12-2018) Lix bilood kaddib markii dalka Kuwait uu martigeliyey ciyaar ay iskugu yimaaddeen xiddigaha waaweyn ee dunida oo ...

Dhamaan Kulamada Sabtiga iyo Saacadaha Geeska Africa ee ay bilaaban doonaan?

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa dhamaan Cayaaraha dhici doona Sabtiga ee ku tirsan Horyaalada kala duwan ee qaarada ...

Halyeygii Manchester United Ee Willie Morgan Oo Magacaabay Afarta Ciyaartoy Ee Uu Doonayo In Kooxdiisa Hore Iska Iibiso Bisha January

(15-12-2018) Halyeygii Manchester United ee Willie Morgan ayaa aaminsan in tababaraha kooxdaas Jose Mourinho ay tahay inuu iibiyo ...

May Ahayn In Arsenal Loo Ogolaado Inay Ciyaarto Europa League – Tababaraha Qarabag Oo Dood Cajiib Ah Bedka Keenay Kaddib Guushii Gunners Sabab?

(15-12-2018) Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa sii wadda guul-darro la’aanta xidhiidhka ah, waxaanay xalay 1-0 ku muquunisay naadiga ...

Qorshaha Jose Mourinho Ku Qaban Doono Salah, Mane & Firmino, Dhibaatada Difaaca Ee Haysata Iyo Sida Uu U Kala Xulan Doono Xiddigaha Uu Haysto

(15-12-2018) Manchester United ayaa Axadda safar ugu tegaysa Liverpool oo kulankooda ugu horreeya xili ciyaareedkan ee horyaalka Premier ...

Cristiano Ronaldo Oo Markale looga yeeray Maxkamad dalka Spain ah iyo Ciqaabta uu lakulmi doono?

(15-12-2018) Maxkamad ku taalla dalka Spain ayaa go’aamisay xilliga ay dhegaysan doonto dacwad la xidhiidha lunsi cashuuro oo ...

Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018 kaas ...