Sunday, February 17th, 2019

Jose Mourinho Oo Calaamadsaday Labada Ciyaartoy Ee Bisha January Uu Iibsanayo Iyo Mid Saddexaad Oo La Koox Ah Oo Xagaaga Uu Dabanayo

Published on November 7, 2018 by   ·   No Comments  ·  

07-11-2018) Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa bisha January u dhaqaaqi doonto laba ciyaartoy oo khadka dambe ee difaaca ah oo kawada tirsan hal koox oo Talyaani ah, kuwaas oo tababare Jose Mourinho filayo inuu kaga bixi doono dhibaatada daafaca ka haysata.

Manchester United oo habeen dambe la ciyaari doonta Juventus oo ay marti ugu noqon doonto magaalada Turin, ayaa waxa uu wargeyska Calciomercato ee kasoo baxa Talyaanigu sheegay inay doonayso in bisha January ay kooxda Old Lady kasoo qaadato laba ciyaartoy oo ay suurtogal tahay in loo ogolaado.

Mourinho oo hore u sheegay inuu wado dedaal uu ku doonayo in masuuliyiinta Manchester United ay ku siinayaan lacag uu ku iibsado ciyaartooyo, ayaa waxa uu calaamadsaday difaaca bidix ee kooxda Juventus ee Alex Sandro, kaas oo uu ku beddelayo Luka Shaw oo tan iyo bilowgii aanu la dhacsanayn ciyaartiisa.

Inkasta oo Shaw uu si fiican u ciyaaray kulamadii ugu dambeeyey, haddana Mourinho ayaan jeclayn ciyaartooyada dhaawaca u nugul ee jilicda san, waxaanu doonayaa difaac bidix oo awood iyo xoog badan oo jidh ahaan iyo xirfad ahaanba iskaga celin kara weeraryahannada, sidoo kalena dhismaha kubadda kooxda qayb ka noqon kara.

Wargeysku waxa kale oo uu sheegay in Mourinho uu isha ku hayo Mehdi Benatia oo ka baxay liiska ciyaartooyada safka koowaad ee Juventus tan iyo markii uu Bonucci kusoo laabtay, laakiin Paulo Dybala ayaa qorshaha macallinka reer Portugal kaga calaamadsan kaalinta saddexaad oo xagaaga uu ka gudbin doono dalab rasmi ah.

Dhinaca kale, Jose Mourinho ayaa u sheegay masuuliyiinta Manchester inay ku qanciyaan Anthony Martial iyo David de Gea inay saxeexaan heshiisyo cusub, laakiin haddii ay diidaan beddelkooda la diyaariyo.

 

 

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Madaxweynaha Ac Milan Paolo Scaroni Oo Dhac Layaab Leh Loo Geystay & Haweeney Qaab Cajiib Ah Garab Usiisay Dambiilaha.

(16-12-2018) Madaxweynaha kooxda Ac Milan Paolo Scaroni ayaa lagu soo waramayaa in laga xaday jimcadii shalay aheyd boorso ...

Macalinka Kooxda Liverpool Jurgen Klopp oo Ka Hadlay Jose Mourinho Ka Hor Ciyaarta Manchester United iyo Liverpool

(16-12-2018) Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa ka hadlay dhigiisa Manchester United ee Jose Mourinho iyo ciyaarta ay ...

Khabiirada Shabakadda Mirror Football Oo Isku Khilaafay Shaxda Isku Dhaf Ah Kulanka Liverpool vs Man United – Mid Walba Shax Ayuu Doortay!

(16-12-2018) Kulanka ugu weyn England ayaa berito dhici doona, waana kulan aan laga mideysneyn aragtida laga aaminsan yahay, ...

Wiilkii Uu Dunida Kaga Tegay Feedhyahankii Muslimka Ahaa Ee Mohamed Ali Oo Qarka U Saaran Inuu Dawarsado Ama Tuugsado Sabab?

(16-12-2018) Wiilka kaliya ee uu dhalay feedhyahankii Muslimka ahaa ee Muhammad Ali ayaa ku sugan xaalad nololeed oo ...

Wanda Nara Oo Diyaarinaysa Qandaraas Dabar Ku Noqonaya Mauro Icardi

(16-12-2018) Wanda Nara oo ah xaaska iyo Wakiilka ciyaartoyga reer Argentina ee Mauro Icardi oo afka hore uga ...

Farriintii Uu Diego Costa U Diray Arsenal Markii Uu Dhaawacay Laurent Koscielny Iyo Qaabkii Axmaqnimada Ahaa Ee Uu Isku Difaacay

(16-12-2018) Difaaca Arsenal ee Laurent Koscielny ayaa shaaciyey inuu u bilaabmay wax uu ugu yeedhay ‘Cutubka Cusub Ee ...

Barcelona Oo Baadi Goobaysa Beddelka Luis Suarez Iyo Xiddigaha Ay Isha Ku Hayso

(16-12-2018) Luis Suarez hadda da’diisu waxay noqotay 32 jir, waxaana kooxdiisa Barcelona u muuqatay in ay u baahan ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Manchester City oo Mar Kale Hogaanka Si Ku Meel Gaadh ah U Qabatay Maanta.

(15-12-2018) Cayaar ay maanta wada ciyaareen kooxda Manchester City iyo kooxda Everton oo ahayd horyaalka dalka ingiriiska oo ...

Layaab!: Boqortooyada Kuwait oo la ogaadey in ay lacag ka dhacday Cayaartoy waa weyn oo magac leh

(15-12-2018) Lix bilood kaddib markii dalka Kuwait uu martigeliyey ciyaar ay iskugu yimaaddeen xiddigaha waaweyn ee dunida oo ...

Dhamaan Kulamada Sabtiga iyo Saacadaha Geeska Africa ee ay bilaaban doonaan?

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa dhamaan Cayaaraha dhici doona Sabtiga ee ku tirsan Horyaalada kala duwan ee qaarada ...

Halyeygii Manchester United Ee Willie Morgan Oo Magacaabay Afarta Ciyaartoy Ee Uu Doonayo In Kooxdiisa Hore Iska Iibiso Bisha January

(15-12-2018) Halyeygii Manchester United ee Willie Morgan ayaa aaminsan in tababaraha kooxdaas Jose Mourinho ay tahay inuu iibiyo ...

May Ahayn In Arsenal Loo Ogolaado Inay Ciyaarto Europa League – Tababaraha Qarabag Oo Dood Cajiib Ah Bedka Keenay Kaddib Guushii Gunners Sabab?

(15-12-2018) Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa sii wadda guul-darro la’aanta xidhiidhka ah, waxaanay xalay 1-0 ku muquunisay naadiga ...

Qorshaha Jose Mourinho Ku Qaban Doono Salah, Mane & Firmino, Dhibaatada Difaaca Ee Haysata Iyo Sida Uu U Kala Xulan Doono Xiddigaha Uu Haysto

(15-12-2018) Manchester United ayaa Axadda safar ugu tegaysa Liverpool oo kulankooda ugu horreeya xili ciyaareedkan ee horyaalka Premier ...

Cristiano Ronaldo Oo Markale looga yeeray Maxkamad dalka Spain ah iyo Ciqaabta uu lakulmi doono?

(15-12-2018) Maxkamad ku taalla dalka Spain ayaa go’aamisay xilliga ay dhegaysan doonto dacwad la xidhiidha lunsi cashuuro oo ...

Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018 kaas ...