Tuesday, November 20th, 2018

Maxay ahayd Sababtii uu Jose Mourinho ugu dabaal degay qaabka dagaalka abuuray

Published on November 8, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(08-11-2018) Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester United, Jose Mourinho ayaa xalay u dabbaal-degay guul uu aad ugu farxay oo dareenkiisa beddeshay markii ay kooxdiisu si cajiib ah uga daba-timid Juventus oo ay kaga adkaadeen 1-2.

Manchester United oo gool lagaga hor maray ayaa qaybtii dambe isbeddel samaysay markii ay garoonka soo galeen Juan Mata iyo Fellaini, waxaana gool laag xor ah ahaa shabaqa dhex dhigay Mata ciyaarta oo ay ka hadhsanayd wax ka yar 10 daqiiqadood, hase yeeshee waqtigii dheeriga ahaa ee ciyaarta lagu daray ayaa kubbad uu madaxa kusoo dhuftay Fellaini waxa iska dhaliyey difaacyahannada Juventus, waxaanay ciyaartu ku dhamaatay 1-2 ay Manchester United guushu ku raacday.

Cayaartu markii ay dhamaatay, waxa qaab waalli ah u dabbaal-degay tababare Jose Mourinho oo dhegta midig isqabtay isaga oo la hadlayey taageereyaasha Juventus oo ku orinayey intii ay ciyaartu socotay, gaar ahaan intii ka dambaysay goolka Cristiano Ronaldo dhaliyey.

Mourinho oo u warramay telefishanka Sky Sports ciyaarta kaddib ayaa waxa uu sharraxaad ka bixiyey dabbaal-deggiisa iyo ujeeddadii uu ka lahaa ficilka uu sameeyey oo xattaa ciyaartoyga Juventus ka cadhoodeen.

“90 daqiiqadood ayay igu caayayeen inaan shaqadayda qabsaday, wax kale may ahayn. Waxa aan sameeyey tilmaan sababtoo waxaan doonayey inaan inyar oo kale oo dheeraad ah maqlo (aflagaado).” Sidaas ayuu yidhi Jose Mourinho.

Tababaraha reer Portugal waxa uu sheegay  in jamaahiirta Juventus ay xattaa aflagaadeeyeen qoyskiisa, waxaanu yidhi: “Hadda ma samayn karo, waxay ahayd xilligii kulaylka ciyaarta, laakiin halkan waxaan u imid xirfadlenimo, iyaguna waxay caayeen qoyskayga, waanan u jawaabay.”

Dhinaca kale, Jose Mourinho waxa uu ka hadlay bandhig ciyaareedkii guud ee kooxdiisa, waxaanu tilmaamay inay si heer-sarraysa u ciyaareen iyagoo ka guuleystay koox gool kala hor martay.

 

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Madaxweynaha UEFA Oo Khiyaali Ku Tilmaamay Tartanka Lagu Mijo-xaabinayo Champions League Ee Kooxaha Waaweyn Abaabulayaan

(21-11-2018) Qalanjadii Cayaaraha Oo Ka Badbaadday Shil Gaadhi Iyo Dhaawac Jabiin Ah Oo Dhabarka Ka Gaadhay Madaxweynaha xidhiidhka kubadda ...

Qalanjadii Cayaaraha Oo Ka Badbaadday Shil Gaadhi Iyo Dhaawac Jabiin Ah Oo Dhabarka Ka Gaadhay

(21-11-2018) Gabadha ugu quruxda badan ciyaaraha baratanka baabuurta dheeraysa ee Formula 3 ayaa ka badbaadday shil gaadhi oo ...

Edinson Cavani Oo Liiska Murashaxiinta Ballon d’Or Ka Saaray Lionel Messi Iyo Cristiano Ronaldo

(21-11-2018) Weeraryahanka xulka qaranka Uruguay iyo kooxda PSG ee Edinson Cavani ayaa sheegay in abaal-marinta xiddiga adduunka ee ...

Barcelona oo dashisey qorshe ay Real Madrid kaga dulqaadayaan Eden Hazard

(21-11-2018) Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa ku hawlan sidii ay iskugu samayn lahayd dibu-dhis iyo xoojin meelaha ay ...

Shaqsiyaadka u Tartami doona abaal marinta Horyaalka Talyaaniga xiligii l;asoo dhaafay oo la magacaabay

(20-11-2018) Waxaa laqabtay xaflad lagu bixinayey abaal marinadii Xili Cayaareedkii lasoo dhaafay ee Horyaalka Talyaaniga waxaana labixiyey biladi ...

Xulka Soomaaliya oo Guul ka gaaray kulankii lugta labaad ee Itoobiya balse ku haray Goolal tirsi

(20-11-2018)Waxaa soo idlaatay ciyaartii u dhaxeysay xulkeena Soomaaliya iyo Ethiopia, taa oo qeyb ka aheyd isreeb reebka koobka ...

Fadeexad: Halyey Ka Fadhiistay Xulka Qaranka England Oo Weerar Kufsi Ah Ku Qaaday Gabadh Ay Tareen Wada Raaceen

(20-11-2018) Halyeygii hore ee xulka qaranka England khadka dhexe uga ciyaari jiray ee Paul Gacogne oo lagu naanaysi ...

XOG: Goormaa La Samaynayaa Isku Aadka Afar Dhamaadka UEFA Nations League? Xulalka Soo Baxay Iyo Waqtiga Kulamadan La Ciyaari Doono

(20-11-2018) Waxaa caawa la soo gaba gabayn doonaa xulalka u soo baxaya afar dhamaadka tartanka xulalka qaramada qaarada ...

Fadeexad: Garsoore ka dhabeeyey balan qaadkiisii ahaa in Rigoore ka dhigi doono Turkiga

(20-11-2018) Xulka qaranka Sweden ayaa soo nooleeyey rajada ay ka qabaan inay kaalinta koowaad kaga soo baxaan Group ...

N’Golo Kante, Rabiot, Sancho & Koulibaly – Sidee Ayey Noqon Doontaa Shaxda Manchester United

(20-11-2018) Tababare Jose Mourinho ayaa ku hawlan sidii uu ugu qancin lahaa maamulka sare ee kooxdiisa inay usoo ...

Antoine Griezmann” Lionel Messi ayaa iga gacan siiyey in aanan Barcelona ku biirin

(19-11-2018) Weeraryahanka xulka qaranka France iyo Atletico Madrid ee Antoine Griezmann ayaa ka hadlay sababtii uu u diiday ...

Jurgen Klopp Oo Lagu Wargeliyey Dhaawac Cusub Oo Soo Gaadhay Mid Ka Mid Ah Xiddigaha Ugu Muhiimsan Liverpool

(19-11-2018) Toddobaadka soo socda waxa dib u bilaabmaya horyaalka Premier League oo Liverpool ay la ballansan tahay Watford ...

LA OGAADAY: Kulan Dhex-maray Real Madrid Iyo Arsene Wenger, Diidmadiisii Iyo Goob-jooge Ka Warramay Wixii Dhaca

(19-11-2018) Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa kulan la yeelatay tababarihii hore ee Arsenal ee Arsene Wenger, kaas ...

Ugu Danbayn Lionel Messi Iyo Cristiano Ronaldo oo lakala Saaray?

(19-11-2018) Muddo ka badan toban sannadood ayey taagnayd doodda u dhaxaysa Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi, waxaanay soo ...

Daawo: Switzerland oo aad u bahdishay Belgium-kii laqaban waayey

(19-11-2018) Wadanka Switzerland ayaa Guul weyn ka gaaray kulankii aadka u adkaa ee ay lacayaareen dalka dunida ugu fiican ...