Tuesday, November 20th, 2018

Saddexdii Arrimood Ee Manchester United Ka Caawiyey Inay Garaacdo Juventus

Published on November 8, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(08-11-2018) Markii ay ciyaartu bilaabantay waxa muuqatay in Jose Mourinho aanu sidii kulankii hore ee garoonkiisa goolka dabada-gelinayn ee uu diyaar u yahay in ciyaartu noqoto mid furfuran oo kubadda la qaybsanayo.

Juventus ayaa qaybtii hore samaysay fursado badan oo ugu yaraan saddex ka mid ah ay ku dhawaadeen inay goolal noqdaan, balse dhamaantood waxay ku dhamaadeen in aanay gaadhin shabaqa uu sida adag u ilaaliyo goolhaye David de Gea illaa uu ugu dambayn Cristiano Ronaldo daqiiqaddii 65aad ka dhalinayey gool qurux badan oo uu hoggaanka ugu dhiibay naadigiisa, balse Juan Mata ayaa waxba kama jiraan ka dhigay farxadda Ronaldo iyo dabbaal-deggii uu calooshiisa u qaawiyey, kaddib markii uu gool qurux badan oo laag xor ah ahaa laga soo dhex-qaaday goolka Juventus, waxaana mid labaad raaciyey Ashley Young oo kubbad uu soo laagay uu madaxa sii taabsiiyey Fellaini ka hor intii aanay difaaca Juventus ku weecinin shabaqooda.

Ciyaartan ayaa ahayd mid fasamaysan oo labada tababare khibradooda iyo waayo-aragnimadooda ay adeegsadeen qaybtii dambe, waxaana ugu dambayn caddaatay in Mourinho uu ka sarreeyo Massimiliano Alegri.

Markii ay ciyaartu dhamaatay ayaa uu Mourinho bannaanka is keenay isagoo damaashaad ka cadhaysiiyey ciyaartoyga iyo taageereyaasha Juventus kusoo bandhigay gudaha garoonka, taas oo keentay in ciidamada ammaanku ay ka kexeeyaan ciyaaryahannada Juve oo isku xeeray iyagoo gadoodsan.

  1. Dayacaaddii Banayd ee Juventus ayaa ciyaarta siisay Manchester United

Fursado badan oo caddaan ah oo ay goolka la hor-tageen ciyaartooyada Juventus ayaanay ka faa’iidaysanin, haddii ay dhalin lahaayeena waqti hore ayaa ay Manchester United kala daadan lahayd, manay awooddeen inay soo laabato.

Sami Khedira ayaa u dhawaaday inuu goolka dhaliyo isagoo u jira 6 yard oo kaliya, waxaana mid kale khasaariyey Dybala oo sidoo kalena birta ka jaray kubbad uu goolhaye David de Gea hawaysan waayey, laakiin labadan oo kaliya may ahayn kuwa fursadaha lumiyey, waxaase ugu darnaa Pjanic iyo Cuadrado oo ay ahayd in lagu qoro liiska dhaliyeyaasha ciyaarta.

Marka laga yimaaddo goolka uu Cristiano Ronaldo dhaliyey daqiiqaddii 25aad ee qaybtii dambe iyo afarta fursadood ee Khedira, Dybala, Pjanic iyo Cuadrado, waxa kale oo jiray goolal kale oo ay Juventus dhashan karaysay.

2 Wada-shaqayntii wanaagsanayd ee Manchester United

Chris Smalling iyo Victor Lindelof ayaa si adag iskugu xidhmay, waxaanay u babbac-dhigeen weerarkii badnaa ee Manchester United oo ay ka diideen fursado badan oo goolal noqon lahaa haddii aanay heegan ahayn. Shaqada ugu weyn waxa qabtay Lindelof oo mar walba u muuqday ninka dhibaatada ku ah Ronaldo iyo Pogba.

Anthony Martial iyo Alexis Sanchez oo afka hore mataano ku ahaa ayaa si fiican u wada shaqaynayey, waxaana dhinaca bidix ka buurmay saddexley xidhiidhsan oo ahaa Shaw-Pogba-Martial, kuwaas oo difaac ahaan iyo weerar ahaanba wada-jir u samaynayey.

Jesse Lingard oo kasoo laabtay dhaawac ayaa si adag ula shaqeeyey Ashley Young oo laf-dhuungashay ku noqday Alex Sandro, laakiin wax-qabadkii Pogba ee qaybta dambe ayaa ahayd wax aan la qiyaasi karin inkasta oo khaladaad dhawr ah uu sameeyey, waxaana uu keenay laaggii xorta ahaa ee uu Juan Mata u beddelay goolka.

Waxa kale oo ciyaartooyada Manchester United ka muuqatay kalsooni badan iyo in aanay xasuusnayn sidii kulankii hore ay Juventus ugu garaacday Old Trafford, baqasho la’aan ayaanay siday doonaan ugu ciyaareen.

Arrintani waxay keentay in ugu dambayntii ay u dabbaal-degaan guul ay aad ugu baahnaayeen.

Haddaba, waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa saddex arrimood oo sabab u ahaa in Manchester United ay guul ka gaadho Juventus iyadoo weliba marti ah.

1 Jose Mourinho Oo Dejiyey Qorshe & Farsamo Cajiib ah

Waxaad doonto ku sheeg Jose Mourinho, waxaad doonto ka dheh sidii uu u dabbaal-degay dhamaadkii ciyaarta iyo dhegtii uu isqabtay isagoo u jawaabay jamaahiirta Juventus. Laakiin Jose Mourinho wuxuu qabsaday shaqadiisa, waxaanu caddeeyey in qorshihii iyo farsamadii uu ciyaarta ugu soo talo-galay ay sidooda ugu shaqeeyeen.

Beddelkii uu sameeyey ayaa Mourinho qorshihiisa u toosiyey xilli uu u muuqday in laga adkaaanayo, waxaanu mar kaliya isa soo raaciyey Juan Mata iyo Marouane Fellaini oo noqday ciyaartooyada dhaliyey goolasha ee mahaddeedana lahaa. Juan Mata ayaa toogasho laag xor ah kubadda ku dhex-dhigay goolka Juventus, afar daqiiqadood kaddibna kubbad uu dhinaca bidix kasoo laagay Ashley Young ayaa uu Fellaini madax sii taabsiiyey, waxaana loo yaacay damaashaadka goolka guusha xilli dhamaadka ciyaarta ay ka dhinnayd afar daqiiqadood oo dheeraad ah oo lagu daray.

Beddelka saddexaad ee Jose Mourinho sameeyey oo ahaa Marcus Rashford ayaa fursad caddaan ah oo uu ciyaarta kaga dhigi lahaa 3-1 lumiyey dhamaadkii, marka la isku soo duubana, waxay Manchester United samaysay ciyaar cajiib ah oo tamarta ay ka heshay ay kusii jiri doonto kulamada soo socda.

Saddexdan arrimood ayaa ka caawiyey Manchester United inay guul ka gaadho Juventus oo lagu tilmaamo inay tahay kooxaha sannadkan ku guuleysan karaya Champions League midda koowaad.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Madaxweynaha UEFA Oo Khiyaali Ku Tilmaamay Tartanka Lagu Mijo-xaabinayo Champions League Ee Kooxaha Waaweyn Abaabulayaan

(21-11-2018) Qalanjadii Cayaaraha Oo Ka Badbaadday Shil Gaadhi Iyo Dhaawac Jabiin Ah Oo Dhabarka Ka Gaadhay Madaxweynaha xidhiidhka kubadda ...

Qalanjadii Cayaaraha Oo Ka Badbaadday Shil Gaadhi Iyo Dhaawac Jabiin Ah Oo Dhabarka Ka Gaadhay

(21-11-2018) Gabadha ugu quruxda badan ciyaaraha baratanka baabuurta dheeraysa ee Formula 3 ayaa ka badbaadday shil gaadhi oo ...

Edinson Cavani Oo Liiska Murashaxiinta Ballon d’Or Ka Saaray Lionel Messi Iyo Cristiano Ronaldo

(21-11-2018) Weeraryahanka xulka qaranka Uruguay iyo kooxda PSG ee Edinson Cavani ayaa sheegay in abaal-marinta xiddiga adduunka ee ...

Barcelona oo dashisey qorshe ay Real Madrid kaga dulqaadayaan Eden Hazard

(21-11-2018) Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa ku hawlan sidii ay iskugu samayn lahayd dibu-dhis iyo xoojin meelaha ay ...

Shaqsiyaadka u Tartami doona abaal marinta Horyaalka Talyaaniga xiligii l;asoo dhaafay oo la magacaabay

(20-11-2018) Waxaa laqabtay xaflad lagu bixinayey abaal marinadii Xili Cayaareedkii lasoo dhaafay ee Horyaalka Talyaaniga waxaana labixiyey biladi ...

Xulka Soomaaliya oo Guul ka gaaray kulankii lugta labaad ee Itoobiya balse ku haray Goolal tirsi

(20-11-2018)Waxaa soo idlaatay ciyaartii u dhaxeysay xulkeena Soomaaliya iyo Ethiopia, taa oo qeyb ka aheyd isreeb reebka koobka ...

Fadeexad: Halyey Ka Fadhiistay Xulka Qaranka England Oo Weerar Kufsi Ah Ku Qaaday Gabadh Ay Tareen Wada Raaceen

(20-11-2018) Halyeygii hore ee xulka qaranka England khadka dhexe uga ciyaari jiray ee Paul Gacogne oo lagu naanaysi ...

XOG: Goormaa La Samaynayaa Isku Aadka Afar Dhamaadka UEFA Nations League? Xulalka Soo Baxay Iyo Waqtiga Kulamadan La Ciyaari Doono

(20-11-2018) Waxaa caawa la soo gaba gabayn doonaa xulalka u soo baxaya afar dhamaadka tartanka xulalka qaramada qaarada ...

Fadeexad: Garsoore ka dhabeeyey balan qaadkiisii ahaa in Rigoore ka dhigi doono Turkiga

(20-11-2018) Xulka qaranka Sweden ayaa soo nooleeyey rajada ay ka qabaan inay kaalinta koowaad kaga soo baxaan Group ...

N’Golo Kante, Rabiot, Sancho & Koulibaly – Sidee Ayey Noqon Doontaa Shaxda Manchester United

(20-11-2018) Tababare Jose Mourinho ayaa ku hawlan sidii uu ugu qancin lahaa maamulka sare ee kooxdiisa inay usoo ...

Antoine Griezmann” Lionel Messi ayaa iga gacan siiyey in aanan Barcelona ku biirin

(19-11-2018) Weeraryahanka xulka qaranka France iyo Atletico Madrid ee Antoine Griezmann ayaa ka hadlay sababtii uu u diiday ...

Jurgen Klopp Oo Lagu Wargeliyey Dhaawac Cusub Oo Soo Gaadhay Mid Ka Mid Ah Xiddigaha Ugu Muhiimsan Liverpool

(19-11-2018) Toddobaadka soo socda waxa dib u bilaabmaya horyaalka Premier League oo Liverpool ay la ballansan tahay Watford ...

LA OGAADAY: Kulan Dhex-maray Real Madrid Iyo Arsene Wenger, Diidmadiisii Iyo Goob-jooge Ka Warramay Wixii Dhaca

(19-11-2018) Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa kulan la yeelatay tababarihii hore ee Arsenal ee Arsene Wenger, kaas ...

Ugu Danbayn Lionel Messi Iyo Cristiano Ronaldo oo lakala Saaray?

(19-11-2018) Muddo ka badan toban sannadood ayey taagnayd doodda u dhaxaysa Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi, waxaanay soo ...

Daawo: Switzerland oo aad u bahdishay Belgium-kii laqaban waayey

(19-11-2018) Wadanka Switzerland ayaa Guul weyn ka gaaray kulankii aadka u adkaa ee ay lacayaareen dalka dunida ugu fiican ...