Friday, February 22nd, 2019

Cayaartoygii Reer Brazil Ee Qoorta Iyo Xubinta Taranka Laga Jaray Oo Boolisku U Heleen Markhaatiyaal Goob-joog U Ahaa Dilkiisa Iyo Afar Qof Oo Ka Sheekeeyey Sidii Wax U Dhaceen

Published on November 9, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(10-11-2018) Dalka Brazil waxa weli ruxaya warka dilkii foosha xumaa ee loo geystay ciyaartoy lagu magacaabi jiray Daniel Correa oo ka tirsanaa naadiga heerka koowaad ee Sao Paulo, kaas oo maydkiisa laga helay duurka iyadoo qoorta iyo xubinta taranka laga jaray.

Falkan oo dhacay 27 October ayaa waxa uu gilgilay guud ahaan dunida, waxaana loo qaybtay ganacsade u dhashay dalkaas oo qirtay inuu isagu sameeyey falkan, hase yeeshee ku dooday inuu kufsaday xaaskiisa.

Sawirro mar dambe la helay oo ka hor intii aan la dilin uu la wadaagay qof ay saaxiibbo yihiin ayaa soo bandhigay in Correa ay xidhiidh lahaayeen inanta uu dhalay Edison Brittes oo ah ninka dilka geystay, hase yeeshee warbaahinta dalkaas ayaa soo bandhigtay warbixin ay ka heleen booliska oo ku saabsan dhacdadan.

Warbixintu waxay sheegtay in boolisku ay heleen afar qof oo markhaatiyaal ah oo goob joog u ahaa sidii dilku u dhacay.

Warbixintu waxay tibaaxday in markhaatiga koowaad iyo ciyaartoyga la dilay ay ka baxeen guriga Brittes oo ay ka dhacaysay xaflad dhalasho oo loo sameeyey Allana oo uu dhalay ninka falka geystay, ayna si toos ah u tageen meherad aan ka fogeyn guriga oo ay kasoo iibsadeen maandooriye si degdeg ahna ugu soo laabteen xafladda. Intaas kaddib ayaa waxa uu markhaatigu sheegay inuu arkay Edison oo dilka geystay oo sii gelaya madbakha gurigiisa oo u jiray masaafo dhan 20 mitir, halkaana uu kasoo qaatay mindi, isaga oo ku qaylinaya “Dil ninka”. Markhaatigu waxa uu ku dooday  in Edison Brittes uu ka hor joogsaday inuu garaaco booliska.

“Ma doonayo inaan dhingto. I caawiya!”

Markhaatiga labaad ee warbixinta booliska ee warbaahintu daabacday ka muuqda, ayaa waxa uu sheegay in ciyaartoyga si arxan daran loo dilay. Markhaatigan oo ah gabadh aan la magacaabin, ayaa waxay sheegtay inay indhaheeda ku aragtay, dhagaheedana ku maqashay qof dumar ah oo ay u kala garan weyday Cristiana oo ah xaaskiisa ama Allana oo ka codsanaysa Edison inuu ka qabto Daniel Correa oo isku dayayey inuu kufsado. Waxa kale oo intaa ay ku dartay haweenayda markhaatiga ah in ay maqlaysay cod kale oo ahaa Daniel oo dhiig-baxaya, isla markaana ku qayllinaya: “I caawiya, ma rabo inaan dhinto. I caawiya!”.

Markhaatiga saddexaad ayaa waxa uu isaguna sheegay in Edison uu ka codsaday, in aanay booliska u sheegin waxa uu sameeyey, kaliyana ay ku doodaan inuu ka baxay guriga maadaama uu albaabku furnaa oo dadka xafaladda joogay ka baxayeen.

Qofka afraad ee warbixinta booliska markhaatiga kaga qoran oo dumar ah, ayaa waxay sheegtay inay gashay qolka hurdada Cristiana ee la sheegay in kufsigu ka dhacay, balse aanay ku arag wax calaamad ah oo muujinaysa in kufsi amaba wax isku day kufsi ah uu ka dhacay, balse ay Edison iyo laba qof oo kale ay ciyaartoyga dhulka jiideen iyagoo guriga ka saaraya. Markii ay dibedda geeyeen, ayaa ay si xun u garaaceen, ilaa mar dambe la helay maydkiisa oo qoorta iyo xubinta taranka laga jaray.

Si kastaba ha ahaatee, Edison Bitters, xaaskiisa iyo inantiisa ayaa ku xidhan saldhig boolis, waxaana weli ku socda baadhitaan.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Madaxweynaha Ac Milan Paolo Scaroni Oo Dhac Layaab Leh Loo Geystay & Haweeney Qaab Cajiib Ah Garab Usiisay Dambiilaha.

(16-12-2018) Madaxweynaha kooxda Ac Milan Paolo Scaroni ayaa lagu soo waramayaa in laga xaday jimcadii shalay aheyd boorso ...

Macalinka Kooxda Liverpool Jurgen Klopp oo Ka Hadlay Jose Mourinho Ka Hor Ciyaarta Manchester United iyo Liverpool

(16-12-2018) Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa ka hadlay dhigiisa Manchester United ee Jose Mourinho iyo ciyaarta ay ...

Khabiirada Shabakadda Mirror Football Oo Isku Khilaafay Shaxda Isku Dhaf Ah Kulanka Liverpool vs Man United – Mid Walba Shax Ayuu Doortay!

(16-12-2018) Kulanka ugu weyn England ayaa berito dhici doona, waana kulan aan laga mideysneyn aragtida laga aaminsan yahay, ...

Wiilkii Uu Dunida Kaga Tegay Feedhyahankii Muslimka Ahaa Ee Mohamed Ali Oo Qarka U Saaran Inuu Dawarsado Ama Tuugsado Sabab?

(16-12-2018) Wiilka kaliya ee uu dhalay feedhyahankii Muslimka ahaa ee Muhammad Ali ayaa ku sugan xaalad nololeed oo ...

Wanda Nara Oo Diyaarinaysa Qandaraas Dabar Ku Noqonaya Mauro Icardi

(16-12-2018) Wanda Nara oo ah xaaska iyo Wakiilka ciyaartoyga reer Argentina ee Mauro Icardi oo afka hore uga ...

Farriintii Uu Diego Costa U Diray Arsenal Markii Uu Dhaawacay Laurent Koscielny Iyo Qaabkii Axmaqnimada Ahaa Ee Uu Isku Difaacay

(16-12-2018) Difaaca Arsenal ee Laurent Koscielny ayaa shaaciyey inuu u bilaabmay wax uu ugu yeedhay ‘Cutubka Cusub Ee ...

Barcelona Oo Baadi Goobaysa Beddelka Luis Suarez Iyo Xiddigaha Ay Isha Ku Hayso

(16-12-2018) Luis Suarez hadda da’diisu waxay noqotay 32 jir, waxaana kooxdiisa Barcelona u muuqatay in ay u baahan ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Manchester City oo Mar Kale Hogaanka Si Ku Meel Gaadh ah U Qabatay Maanta.

(15-12-2018) Cayaar ay maanta wada ciyaareen kooxda Manchester City iyo kooxda Everton oo ahayd horyaalka dalka ingiriiska oo ...

Layaab!: Boqortooyada Kuwait oo la ogaadey in ay lacag ka dhacday Cayaartoy waa weyn oo magac leh

(15-12-2018) Lix bilood kaddib markii dalka Kuwait uu martigeliyey ciyaar ay iskugu yimaaddeen xiddigaha waaweyn ee dunida oo ...

Dhamaan Kulamada Sabtiga iyo Saacadaha Geeska Africa ee ay bilaaban doonaan?

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa dhamaan Cayaaraha dhici doona Sabtiga ee ku tirsan Horyaalada kala duwan ee qaarada ...

Halyeygii Manchester United Ee Willie Morgan Oo Magacaabay Afarta Ciyaartoy Ee Uu Doonayo In Kooxdiisa Hore Iska Iibiso Bisha January

(15-12-2018) Halyeygii Manchester United ee Willie Morgan ayaa aaminsan in tababaraha kooxdaas Jose Mourinho ay tahay inuu iibiyo ...

May Ahayn In Arsenal Loo Ogolaado Inay Ciyaarto Europa League – Tababaraha Qarabag Oo Dood Cajiib Ah Bedka Keenay Kaddib Guushii Gunners Sabab?

(15-12-2018) Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa sii wadda guul-darro la’aanta xidhiidhka ah, waxaanay xalay 1-0 ku muquunisay naadiga ...

Qorshaha Jose Mourinho Ku Qaban Doono Salah, Mane & Firmino, Dhibaatada Difaaca Ee Haysata Iyo Sida Uu U Kala Xulan Doono Xiddigaha Uu Haysto

(15-12-2018) Manchester United ayaa Axadda safar ugu tegaysa Liverpool oo kulankooda ugu horreeya xili ciyaareedkan ee horyaalka Premier ...

Cristiano Ronaldo Oo Markale looga yeeray Maxkamad dalka Spain ah iyo Ciqaabta uu lakulmi doono?

(15-12-2018) Maxkamad ku taalla dalka Spain ayaa go’aamisay xilliga ay dhegaysan doonto dacwad la xidhiidha lunsi cashuuro oo ...

Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018 kaas ...