Wednesday, November 21st, 2018

Dhaawaca Danny Welbeck oo aad looga dayrinayo

Published on November 9, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(09-11-2018) Weeraryahanka Arsenal ee Danny Welbeck ayaa waxa soo gaadhay dhaawac halis ah oo walaac weyn ku abuuray naadigiisa iyo xulka qaranka England oo filayey inuu boos ku yeesho, kaddib markii laga saaray ciyaartii barbar-dhaca ku dhamaatay ee Arsenal iyo Sporting CP, taaas oo Gunners ay ugu gudubtay wareegga 16-ka ee tartanka Europa League.

27 jirkan heerka caalami ee xulka England ayaa garoonka laga dhex-qaaday, waxaana markiiba loola cararay cusbitaalka oo xaaladdiisa  lagula tacaalayey xalay, waxaana tababare Unai Emery oo ka hadlay uu tilmaamay in dhakhaatiirtu ay ku hawlan yihiin dhaawaciisa oo ay ka dhur-sugayaan warbixinta ay soo saari doonaan.

Ciyaartooyada Arsenal qaarkood oo uu ugu horreeyo Mesut Ozil ayaa iyaguna si murugo leh uga hadlay, waxaanay u rajeeyeen caafimaad degdeg ah.

“Cusbitaalka ayuu ku jiraa, warkiisana waanu sugaynaa laakiin waxay ila tahay in dhaawaciisu halis yahay.” Sidaas waxa yidhi tababare Unai Emery oo saqdii dhexe ee xalay warbaahinta la hadlay.

“Dhaawacyadu way kala duwan yihiin laakiin kani waa inuu ka jabay kuraanta, waanu la joognaa waqtigann adag, sababtoo ah waa qof wanaagsan oo nagu weyn. Waa dhaawac ku weyn isaga, anaga iyo dhamaan dadka shaqsiyan u jecel” Ayuu tababare Unai Emery mar kale yidhi.

Welbeck oo ayaa daqiiqaddii 25aad si xun dhulka ugu dhacay isagoo kor ugu booday kubbad madax ahayd, waxaana markiiba dhinaca kale u jeedsatay lugta, waxaana lagula soo cararay naqas Oxygen ah oo lagu caawiyey maadaama uu galay xaalad adag iyo waxaana muddo ku hawlanaa xaalkiisa dhakhaatiirtii garoonka joogtay oo tiradoodu ahayd 10, hase yeeshee muddo kaddib waxay ula carareen cusbitaal ku yaalla magaalada London.

Dhinaca kale, laacibka khadka dhexe ee Mesut Ozil ayaa si qiiro leh uga hadlay dhaawaca saaxiibkii, waxaanu u rajeeyey caafimaad degdeg ah.

Farriin qoraal ah oo uu ku baahiyey bartiisa Twitterka ayaa waxa uu ku yidhi: “Allah, maya. Hore usoo laabo Danny”

Ciyaarta ayaa ku dhamaatay barbar-dhac goolal la’aan ah, waxaana ay Gunners u gudubtay wareegga labaad ee Europa League iyadoo laba ciyaarood u hadhsan yihiin, laakiin waxa damaashaadkooda iyo farxaddooda qariyey dhaawac Welbeck.

Si kastaba ha ahaatee, Welbeck ayaa muddo dheer ka maqnaan doona garoomada, waxaana xaaladdiisa iyo muddada uu maqnaan doono ku dhawaaqi doonta Arsenal.

 

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Madaxweynaha UEFA Oo Khiyaali Ku Tilmaamay Tartanka Lagu Mijo-xaabinayo Champions League Ee Kooxaha Waaweyn Abaabulayaan

(21-11-2018) Qalanjadii Cayaaraha Oo Ka Badbaadday Shil Gaadhi Iyo Dhaawac Jabiin Ah Oo Dhabarka Ka Gaadhay Madaxweynaha xidhiidhka kubadda ...

Qalanjadii Cayaaraha Oo Ka Badbaadday Shil Gaadhi Iyo Dhaawac Jabiin Ah Oo Dhabarka Ka Gaadhay

(21-11-2018) Gabadha ugu quruxda badan ciyaaraha baratanka baabuurta dheeraysa ee Formula 3 ayaa ka badbaadday shil gaadhi oo ...

Edinson Cavani Oo Liiska Murashaxiinta Ballon d’Or Ka Saaray Lionel Messi Iyo Cristiano Ronaldo

(21-11-2018) Weeraryahanka xulka qaranka Uruguay iyo kooxda PSG ee Edinson Cavani ayaa sheegay in abaal-marinta xiddiga adduunka ee ...

Barcelona oo dashisey qorshe ay Real Madrid kaga dulqaadayaan Eden Hazard

(21-11-2018) Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa ku hawlan sidii ay iskugu samayn lahayd dibu-dhis iyo xoojin meelaha ay ...

Shaqsiyaadka u Tartami doona abaal marinta Horyaalka Talyaaniga xiligii l;asoo dhaafay oo la magacaabay

(20-11-2018) Waxaa laqabtay xaflad lagu bixinayey abaal marinadii Xili Cayaareedkii lasoo dhaafay ee Horyaalka Talyaaniga waxaana labixiyey biladi ...

Xulka Soomaaliya oo Guul ka gaaray kulankii lugta labaad ee Itoobiya balse ku haray Goolal tirsi

(20-11-2018)Waxaa soo idlaatay ciyaartii u dhaxeysay xulkeena Soomaaliya iyo Ethiopia, taa oo qeyb ka aheyd isreeb reebka koobka ...

Fadeexad: Halyey Ka Fadhiistay Xulka Qaranka England Oo Weerar Kufsi Ah Ku Qaaday Gabadh Ay Tareen Wada Raaceen

(20-11-2018) Halyeygii hore ee xulka qaranka England khadka dhexe uga ciyaari jiray ee Paul Gacogne oo lagu naanaysi ...

XOG: Goormaa La Samaynayaa Isku Aadka Afar Dhamaadka UEFA Nations League? Xulalka Soo Baxay Iyo Waqtiga Kulamadan La Ciyaari Doono

(20-11-2018) Waxaa caawa la soo gaba gabayn doonaa xulalka u soo baxaya afar dhamaadka tartanka xulalka qaramada qaarada ...

Fadeexad: Garsoore ka dhabeeyey balan qaadkiisii ahaa in Rigoore ka dhigi doono Turkiga

(20-11-2018) Xulka qaranka Sweden ayaa soo nooleeyey rajada ay ka qabaan inay kaalinta koowaad kaga soo baxaan Group ...

N’Golo Kante, Rabiot, Sancho & Koulibaly – Sidee Ayey Noqon Doontaa Shaxda Manchester United

(20-11-2018) Tababare Jose Mourinho ayaa ku hawlan sidii uu ugu qancin lahaa maamulka sare ee kooxdiisa inay usoo ...

Antoine Griezmann” Lionel Messi ayaa iga gacan siiyey in aanan Barcelona ku biirin

(19-11-2018) Weeraryahanka xulka qaranka France iyo Atletico Madrid ee Antoine Griezmann ayaa ka hadlay sababtii uu u diiday ...

Jurgen Klopp Oo Lagu Wargeliyey Dhaawac Cusub Oo Soo Gaadhay Mid Ka Mid Ah Xiddigaha Ugu Muhiimsan Liverpool

(19-11-2018) Toddobaadka soo socda waxa dib u bilaabmaya horyaalka Premier League oo Liverpool ay la ballansan tahay Watford ...

LA OGAADAY: Kulan Dhex-maray Real Madrid Iyo Arsene Wenger, Diidmadiisii Iyo Goob-jooge Ka Warramay Wixii Dhaca

(19-11-2018) Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa kulan la yeelatay tababarihii hore ee Arsenal ee Arsene Wenger, kaas ...

Ugu Danbayn Lionel Messi Iyo Cristiano Ronaldo oo lakala Saaray?

(19-11-2018) Muddo ka badan toban sannadood ayey taagnayd doodda u dhaxaysa Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi, waxaanay soo ...

Daawo: Switzerland oo aad u bahdishay Belgium-kii laqaban waayey

(19-11-2018) Wadanka Switzerland ayaa Guul weyn ka gaaray kulankii aadka u adkaa ee ay lacayaareen dalka dunida ugu fiican ...