Sunday, February 17th, 2019

Ronaldo iyo Messi Midna Kuma Guuleysan Doono Xiddiga Adduunka, Waa Sannadkii Koobka Adduunka

Published on November 9, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(09-11-2018) Lionel Messi iyo Cristiano ayaa si isle’eg u qaybsaday abaalmarinta xiddiga ugu wanaagsan dunida ee Ballon d’Or tobankii sannadood ee ugu dambeeyey, welina waxay ku ku jiraan murashaxiinta loo saadaalinayo inay hantiyi doonaan sannadkii 11aad oo xidhiidh ah, hase yeeshee weeraryahanka reer France ee Kylian Mbappe ayaa sheegay in xiddigahani aanay sannadkan calfan doonin.

19 jirkan ku guuleystay Koobka Adduunka, ayaa qaatay waqti wanaagsan oo uu ku noqon karo ciyaartoygii ugu horreeyey muddo toban sannadood ah ka guuleysta Messi iyo Cristiano, ayaa waxa uu xusay in uu doonayo in abaalmarinta sannadkan la guddoonsiiyo mid ka mid ah ciyaartooyadii Faransiiska u horseeday Koobka Adduunka, sidaana ay ku soo afjaranto sannadihii xidhiidhka ahaa ee labada nin ee illaa hadda taagan.

“Haddii aan anigu ku guuleysanao, ma garanayo, laakiin ugu yaraan waxa aan la doonayaa ciyaaryahannadayadii. Anigu wax walba oo karaankayga waan sameeyey illaa maalintii ugu dambaysay codbixinta, mana qoomamayn doono, wixii iiga soo baxaana waa abaal-marin.” ayuu yidhi.

Mbappe oo 21 gool u dhaliyey PSG xili ciyaareedkii tegay ayaa raaciyey afar gool oo Koobkii Adduunka ahaa, kuwaas oo sabab u noqday in dalkiisu ku guuleysto.

Dhinaca kale, Mbappe waxa uu xusay in Ronaldo iyo Messi aanay shaqadooda oo kale cidina qaban karin, hase yeeshee aanay sannadkan hantiyi doonin Ballon d’Or, waxaanu yidhi: “Qofna ma samayn karo xilligan wax ka wanaagsan Ronaldo iyo Messi, mana odhan karno waa dhamaadka waayahoodii sababtoo ah uma dhamaanayso marka qof kale uu wax ka wanaagsan sameeyo. Laakiin ilama aha in midkoodna ku guuleysan doono Ballon d’Or sannadkan sababuna waa sannadkii Koobka Adduunka, waxaana mudnaanta leh Koobka Adduunka.”

Mbappe waxa kale oo uu qiray in marka ciyaaryahanno ahaan loo eego aanay cidina gaadhi karaynin Messi iyo Ronaldo, waxaanu yidhi: “Haddii aad qaab-ciyaareedkooda eegto, ma jirto cid ka wanaagsan, sannadkana iyagaa ahaa labada ugu wanaagsan. Messi wuxuu ahaa dhaliyaha ugu wanaagsan Yurub; Ronaldo na wuxuu ahaa dhaliyihii ugu badnaa Champions League.”

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Madaxweynaha Ac Milan Paolo Scaroni Oo Dhac Layaab Leh Loo Geystay & Haweeney Qaab Cajiib Ah Garab Usiisay Dambiilaha.

(16-12-2018) Madaxweynaha kooxda Ac Milan Paolo Scaroni ayaa lagu soo waramayaa in laga xaday jimcadii shalay aheyd boorso ...

Macalinka Kooxda Liverpool Jurgen Klopp oo Ka Hadlay Jose Mourinho Ka Hor Ciyaarta Manchester United iyo Liverpool

(16-12-2018) Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa ka hadlay dhigiisa Manchester United ee Jose Mourinho iyo ciyaarta ay ...

Khabiirada Shabakadda Mirror Football Oo Isku Khilaafay Shaxda Isku Dhaf Ah Kulanka Liverpool vs Man United – Mid Walba Shax Ayuu Doortay!

(16-12-2018) Kulanka ugu weyn England ayaa berito dhici doona, waana kulan aan laga mideysneyn aragtida laga aaminsan yahay, ...

Wiilkii Uu Dunida Kaga Tegay Feedhyahankii Muslimka Ahaa Ee Mohamed Ali Oo Qarka U Saaran Inuu Dawarsado Ama Tuugsado Sabab?

(16-12-2018) Wiilka kaliya ee uu dhalay feedhyahankii Muslimka ahaa ee Muhammad Ali ayaa ku sugan xaalad nololeed oo ...

Wanda Nara Oo Diyaarinaysa Qandaraas Dabar Ku Noqonaya Mauro Icardi

(16-12-2018) Wanda Nara oo ah xaaska iyo Wakiilka ciyaartoyga reer Argentina ee Mauro Icardi oo afka hore uga ...

Farriintii Uu Diego Costa U Diray Arsenal Markii Uu Dhaawacay Laurent Koscielny Iyo Qaabkii Axmaqnimada Ahaa Ee Uu Isku Difaacay

(16-12-2018) Difaaca Arsenal ee Laurent Koscielny ayaa shaaciyey inuu u bilaabmay wax uu ugu yeedhay ‘Cutubka Cusub Ee ...

Barcelona Oo Baadi Goobaysa Beddelka Luis Suarez Iyo Xiddigaha Ay Isha Ku Hayso

(16-12-2018) Luis Suarez hadda da’diisu waxay noqotay 32 jir, waxaana kooxdiisa Barcelona u muuqatay in ay u baahan ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Manchester City oo Mar Kale Hogaanka Si Ku Meel Gaadh ah U Qabatay Maanta.

(15-12-2018) Cayaar ay maanta wada ciyaareen kooxda Manchester City iyo kooxda Everton oo ahayd horyaalka dalka ingiriiska oo ...

Layaab!: Boqortooyada Kuwait oo la ogaadey in ay lacag ka dhacday Cayaartoy waa weyn oo magac leh

(15-12-2018) Lix bilood kaddib markii dalka Kuwait uu martigeliyey ciyaar ay iskugu yimaaddeen xiddigaha waaweyn ee dunida oo ...

Dhamaan Kulamada Sabtiga iyo Saacadaha Geeska Africa ee ay bilaaban doonaan?

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa dhamaan Cayaaraha dhici doona Sabtiga ee ku tirsan Horyaalada kala duwan ee qaarada ...

Halyeygii Manchester United Ee Willie Morgan Oo Magacaabay Afarta Ciyaartoy Ee Uu Doonayo In Kooxdiisa Hore Iska Iibiso Bisha January

(15-12-2018) Halyeygii Manchester United ee Willie Morgan ayaa aaminsan in tababaraha kooxdaas Jose Mourinho ay tahay inuu iibiyo ...

May Ahayn In Arsenal Loo Ogolaado Inay Ciyaarto Europa League – Tababaraha Qarabag Oo Dood Cajiib Ah Bedka Keenay Kaddib Guushii Gunners Sabab?

(15-12-2018) Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa sii wadda guul-darro la’aanta xidhiidhka ah, waxaanay xalay 1-0 ku muquunisay naadiga ...

Qorshaha Jose Mourinho Ku Qaban Doono Salah, Mane & Firmino, Dhibaatada Difaaca Ee Haysata Iyo Sida Uu U Kala Xulan Doono Xiddigaha Uu Haysto

(15-12-2018) Manchester United ayaa Axadda safar ugu tegaysa Liverpool oo kulankooda ugu horreeya xili ciyaareedkan ee horyaalka Premier ...

Cristiano Ronaldo Oo Markale looga yeeray Maxkamad dalka Spain ah iyo Ciqaabta uu lakulmi doono?

(15-12-2018) Maxkamad ku taalla dalka Spain ayaa go’aamisay xilliga ay dhegaysan doonto dacwad la xidhiidha lunsi cashuuro oo ...

Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018 kaas ...