Thursday, January 17th, 2019

Fadeexad: Manchester City oo la ogaadey in ay qaab adoonsi oo kale ah ku soo qaadato Cayaartoyda Africa

Published on November 10, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(10-11-2018) Xidhiidhka kubadda cagta Adduunka ee FIFA ayaa baadhitaano ku samaynaya naadiga Manchester City oo qaab addoonsi oo kale ah ku qafaasha ciyaartooyada da’da yar ee kasoo jeeda qaaradda Afrika, kuwaas oo ay u dhigtay dabin lacag la’aan ay ku soo qaadanayso iyadoo koox kale sii dhex-maraysa.

Sida uu daabacay wargeyska Politiken ee kasoo baxa Denmark, Manchester City ayaa heshiis kula gashay kooxda reer Danmark ee FC Nordsjaelland inay usoo afduubto ciyaartooyada da’da yar ee kasoo jeeda qaaradda Afrika oo ay qaab-bilaash ah ugu geyso, waxaana uu heshiiskaasi dhacay sannadkii 2016.

Warbaahinta BBC, ayaa sheegtay in warkan ceebta ah ay xidhiidh kala samaysay madaxda Manchester City laakiin looga jawaabi waayey, hase yeeshee heshiiska ayaa dhigaya in ciyaartooyo da’yar ay FC Nordsjaelland kasoo qaaddo qaaradda Afrika oo ay ku darto kulliyaddeeda Dream Academy sannadaha u dhexeeya 2016-2020, muddadaasna ay Man City xor u tahay inay si xor ah ku qaadato ciyaartoyga ay doonto ee Afrikaan ah ee kulliyadda ku jira.

Warku ma sheegin in ciyaartooyada reer Afrika ee City ay bilaashka ku qaadato ay siinayso lacag mushahar ah iyo in kale, hase yeeshee madaxweynaha naadiga FC Nordsjaelland oo lagu magacaabo Tom Vernon ayaa u sheegay wargeyska Politiken in aanu jirin ciyaartoy la qasbay illaa hadda oo afduub lagu geeyey Man City.

“Waxa aanu ku kalsoonahay inaanu u hoggaansanahay shuruucda kubadda cagta, laakiin aanu xaq u leenahay maamulidda kulliyadda da’yartayada ee Right to Dream” sidaas waxa yidhi Tom Vernon.

Heshiiska ay FC Nordsjaelland la gasho ciyaartooyada Afrika ayaa waxa mulkiile dhinac saddexaad ah ka noqonaysa Manchester City, waxaanay taasi ka hor imanaysaa sharci ay FIFA sannadkii 2015 ku mamnuucday in dhinac saddexaad mulkiile ka noqdo ciyaartoy.

Fadeexaddan ayaa soo baxday maalmo kaddib markii wargeyska Jarmalka ah ee Der Spiegel uu faafiyey faddeexad ku saabsan heshiisyo la buunbuurniyey oo Manchester City ay ku khiyaamaysay sharciga ilaalinta dhaqaale wanaagga ee FFF.

Fadeexaddaas ayaa waxay oo bandhigtay dhukumentis sannadkii 2013 ay Manchester City qaab been abuur ah kor ugu qaadday heshiisyo ay kula jirtay shirkado kaas oo si ay FIFA u tusto lacag badan oo soo gashay ay si been ah ugu dartay  £9.9 milyan oo ahayd dakhli aan soo gelin.

Mulkiilaha City ee Sheikh Mansour ayaa isaguna dhaqaale toos ah xisaabtooda ugu shubay Manchester City, taas oo iyaduna ka hor imanaysa sharciga dheelli-tirka dhaqaale wanaagga.

Si kastaba ha ahaatee, FIFA ayaa warkan u dambeeyey ee addoonsiga Afrikaanka ku samaynaysa baadhitaan, waxaana laga dhur-sugi doonaa waxa kasoo baxa.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Madaxweynaha Ac Milan Paolo Scaroni Oo Dhac Layaab Leh Loo Geystay & Haweeney Qaab Cajiib Ah Garab Usiisay Dambiilaha.

(16-12-2018) Madaxweynaha kooxda Ac Milan Paolo Scaroni ayaa lagu soo waramayaa in laga xaday jimcadii shalay aheyd boorso ...

Macalinka Kooxda Liverpool Jurgen Klopp oo Ka Hadlay Jose Mourinho Ka Hor Ciyaarta Manchester United iyo Liverpool

(16-12-2018) Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa ka hadlay dhigiisa Manchester United ee Jose Mourinho iyo ciyaarta ay ...

Khabiirada Shabakadda Mirror Football Oo Isku Khilaafay Shaxda Isku Dhaf Ah Kulanka Liverpool vs Man United – Mid Walba Shax Ayuu Doortay!

(16-12-2018) Kulanka ugu weyn England ayaa berito dhici doona, waana kulan aan laga mideysneyn aragtida laga aaminsan yahay, ...

Wiilkii Uu Dunida Kaga Tegay Feedhyahankii Muslimka Ahaa Ee Mohamed Ali Oo Qarka U Saaran Inuu Dawarsado Ama Tuugsado Sabab?

(16-12-2018) Wiilka kaliya ee uu dhalay feedhyahankii Muslimka ahaa ee Muhammad Ali ayaa ku sugan xaalad nololeed oo ...

Wanda Nara Oo Diyaarinaysa Qandaraas Dabar Ku Noqonaya Mauro Icardi

(16-12-2018) Wanda Nara oo ah xaaska iyo Wakiilka ciyaartoyga reer Argentina ee Mauro Icardi oo afka hore uga ...

Farriintii Uu Diego Costa U Diray Arsenal Markii Uu Dhaawacay Laurent Koscielny Iyo Qaabkii Axmaqnimada Ahaa Ee Uu Isku Difaacay

(16-12-2018) Difaaca Arsenal ee Laurent Koscielny ayaa shaaciyey inuu u bilaabmay wax uu ugu yeedhay ‘Cutubka Cusub Ee ...

Barcelona Oo Baadi Goobaysa Beddelka Luis Suarez Iyo Xiddigaha Ay Isha Ku Hayso

(16-12-2018) Luis Suarez hadda da’diisu waxay noqotay 32 jir, waxaana kooxdiisa Barcelona u muuqatay in ay u baahan ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Manchester City oo Mar Kale Hogaanka Si Ku Meel Gaadh ah U Qabatay Maanta.

(15-12-2018) Cayaar ay maanta wada ciyaareen kooxda Manchester City iyo kooxda Everton oo ahayd horyaalka dalka ingiriiska oo ...

Layaab!: Boqortooyada Kuwait oo la ogaadey in ay lacag ka dhacday Cayaartoy waa weyn oo magac leh

(15-12-2018) Lix bilood kaddib markii dalka Kuwait uu martigeliyey ciyaar ay iskugu yimaaddeen xiddigaha waaweyn ee dunida oo ...

Dhamaan Kulamada Sabtiga iyo Saacadaha Geeska Africa ee ay bilaaban doonaan?

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa dhamaan Cayaaraha dhici doona Sabtiga ee ku tirsan Horyaalada kala duwan ee qaarada ...

Halyeygii Manchester United Ee Willie Morgan Oo Magacaabay Afarta Ciyaartoy Ee Uu Doonayo In Kooxdiisa Hore Iska Iibiso Bisha January

(15-12-2018) Halyeygii Manchester United ee Willie Morgan ayaa aaminsan in tababaraha kooxdaas Jose Mourinho ay tahay inuu iibiyo ...

May Ahayn In Arsenal Loo Ogolaado Inay Ciyaarto Europa League – Tababaraha Qarabag Oo Dood Cajiib Ah Bedka Keenay Kaddib Guushii Gunners Sabab?

(15-12-2018) Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa sii wadda guul-darro la’aanta xidhiidhka ah, waxaanay xalay 1-0 ku muquunisay naadiga ...

Qorshaha Jose Mourinho Ku Qaban Doono Salah, Mane & Firmino, Dhibaatada Difaaca Ee Haysata Iyo Sida Uu U Kala Xulan Doono Xiddigaha Uu Haysto

(15-12-2018) Manchester United ayaa Axadda safar ugu tegaysa Liverpool oo kulankooda ugu horreeya xili ciyaareedkan ee horyaalka Premier ...

Cristiano Ronaldo Oo Markale looga yeeray Maxkamad dalka Spain ah iyo Ciqaabta uu lakulmi doono?

(15-12-2018) Maxkamad ku taalla dalka Spain ayaa go’aamisay xilliga ay dhegaysan doonto dacwad la xidhiidha lunsi cashuuro oo ...

Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018 kaas ...