Thursday, December 13th, 2018

RAJO LA’AAN: Waxama Haka Sugina Man United Inta Mourinho Joogo

Published on November 14, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(14-11-2018) Toddobaadkii guul-darrada qadhaadh ee Man United ay ku dhiibtay kooxda ka arrimisa magaalada Manchester oo si buuxda gacanta ugu gashay Man City, khubarada ciyaaraha iyo halyeeyadii hore uga fadhiistay ayaa faallooyin kala duwan ka bixinaya dhibaatada haysata Red Devils, waqtiga ay suurtogal tahay inay ka baxdo iyo in Jose Mourinho uu yahay qofka badbaadin kara.

Khabiirka ciyaaraha ee Chris Sutton ayaa ugu dambeeyey shaqsiyaadka rajo la’aanta ka qaba in United ay horumar samayso, waxaana isaga oo xalay saqdii dhexe la hadlayey idaacadda BBC uu sheegay in Mourinho u dhaqmayo sidii Carruurta sidoo kalena aanu lahan aragti horumar uu ku samayn karo kooxda Manchester United, ugu dambayna uu waqtigiisu fashil iyo guul-darro kusoo dhamaan doono.

Manchester City ayaa 3-1 u dhiibtay dhiggeeda United, waxaana markii ay ciyaartu dhamaatay uu Mourinho sheegay in qorshihiisii uu kala daadiyey Paul Pogba oo maqnaaday, taasina ka dhigtay kulanka sidii mid saaxiibtinimo, hase yeeshee Sutton ayaa doodda Mourinho ku tilmaamay mid ixtiraam darro iyo qudhun ah.

“United may jirin, waxaanay ciyaartu u ekayd sidii aan daawanayo Manchester oo la ciyaaraysa kaydka Manchester. Waxa jira farqi weyn oo u dhexeeya iyaga iyo City, xaaladdooduna isma beddelayso illaa ay tababaraha beddelayaan. Maxaa ka fool-xumayd hadalladii Mourinho ee ciyaarta kaddib – Wuxuu u matagay sidii canug weynaaday. Goormay ayay arrintaasi istaagi doontaa?” Sidaas waxa yidhi Sutton oo kooxda Blackburn Rovers kula guuleystay horyaalka Premier League, sidoo kalena usoo ciyaaray Celtic.

Manchester United waxay xili ciyaareedkii hore ku dhamaysatay kaalinta labaad iyadoo 19 dhibcood laga horreeyo, waxaana markii uu xili ciyaareedku uu dhamaaday uu Mourinho dalbaday ciyaartooyo, hase yeeshee waxa uu soo qaatay laacibka khadka dhexe ee reer Brazil, Fred oo uu kooxda Shakhtar Donetsk kaga soo iibsaday lacag dhan £47 milyan iyo weliba difaaca 19 jirka ee Diogo Dalot oo uu £17.4 milyan kaga soo qaatay FC Porto halka uu goolhaye saddexaadna kala soo wareegay Stoke City, laakiin Sutton ayaa ku dooday in tababare Mourinho uu yahay shaqsi mar walba ka hadlay lacag.

“Mourinho wuxuu dalbanayey lacag laakiin mala aqbali karaa in xili ciyaareedkana ay United ku celiso qaabkii sannadkii hore?

“Wuxuu mar walba ka hadlayaa tirada lacagta City ay kharash-garaysay laakiin waxa ka horreysa inay soo qabtaan Watford iyo Bournemouth.

“Marka aad eegto saxeexyadii uu sameeyey, imisa ayaa xaqiiqo ahaan guuleystay. Miyuu lacagta si wanaagsan u kharash-gareeyey? Ilama aha aniga. Waa maxay sababta ay maamulka United ugu aaminayaan inuu lacag kharash-gareeyo bisha January?” ayuu si adag isku weydiiyey Sutton.

 

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Xulka kubada Cagta Soomaaliya oo Taariikhi ah ka gaaray dhigiisa Jabuuti

(13-12-2018) Xulka qaranka Soomaaliya ayaa guul ka gaaray wiilasha Xulka Jabuuti kulan ciyaareed Saaxiibtinimo ee ka dhacay wadanka ...

Maxey Aheyd Fariintii Uu Pierre-Emerick Aubameyang Twitter-ka Ugu Gudbiyay Dembele & Falcelintii Halyeeyga Kooxda Ian Wright.

(13-12-2018) Weeraryahanka Arsenal Pierre-Emerick Aubameyang ayaa fariin hambalyo ah twitter-ka u dhigay saaxiibkiisii hore Ousmane Dembelekadib markii uu ...

Rocio Oliva oo Guriga ka Cayrisey Diego Maradona Kooxdee ayey Taageertaa?

(13-12-2018) Halyeeyga reer Argentina Diego Armando Maradona ayaa laga ceyriyay gurigiisa kadib markii ay isku dhaceen gacalisadiisa Rocio ...

Goolhaye Dida oo kahadlay Tayada Xiddiga Cusub ee AC Milan Lucas Paqueta

(13-12-2018) Goolhayihii hore Ac Milan Dida ayaa aaminsan Lucas Paqueta inuu si fiican ula qabsan doono Rossoneri, balse ...

Mohamed Salah Ma Farxsana, Fursadda Uu Helo Ma Dhalinayo Oo Waanu Dhibaatoonayaa

(12-12-2018) Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa xalay iska xaadirisay wareegga 16-ka ee tartanka UEFA Champions League, waxaana ay ...

Booqashadii Rooney Ee Aqalka Cad, Kulankii Carruurta Trump Iyo Qaabkii Uu Ku Tegay Madaxtooyada Maraykanka

(12-12-2018) Kabtankii hore ee kooxda Manchester United iyo xulka qaranka England ee Wayne Rooney ayaa booqday aqalka cad ...

Barcelona Oo Ganaax Lacageed Oo Xad-dhaaf Ah Kusoo Rogtay Xiddigii Xalay Badbaadiyey Ee Ousmane Dembélé

(12-12-2018) Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa ciqaab adag oo dhaqaale kusoo rogtay xiddigooda Ousmane Dembele oo ahaa laacibkii ...

Wararkii ugu danbeeya Suuqa kala iibsiga Cayaartoyda

(12-12-2018) Shabakeda qalinkacayaaraha ayaa waxa ay eegeysaa wararkii ugu waa weynaa ee suuqa kala iibsiga iyo wararka xanta ...

Messi Airlines: Xogta Gudaha Diyaarad Si Gaarka Ah Loogu Farsameeyey Messi Iyo Waxyaabaha Qariibka Ah Ee Laga Helayo

(12-12-2018) Xiddiga kooxda kubadda cagta Barcelona ee Lionel Messi ayaa markii ugu horreysay loo sameeyey diyaarad u gaar ...

Ronaldo Oo Arrimo Ganacsi Ah Kala Hadlay Gerard Pique – Hadana Doonaya Inuu Wax Badan La Fariisto Si Ay U Wada Hdalaan.

(12-12-2018) Daafaca kasii hawlgabaya kubada cagta ee Gerard Pique ayaa doonaya inuu durba saameyn ku yeesho ganacsiga dunida ...

HOLAC: Kor Kulanka England Ugu Wayn Ee Liverpool vs Man United,Jamie Carragher & Gary Neville Oo Soo Xushay Shaxda Isku Darka Kooxihii Ay Ku Soo Xufiltameen.

(12-12-2018) Kooxaha Liverpool iyo Manchester United ayaa axada geesaha isku dari doona Anfield kulanka kubbada cagta England ugu ...

Waa Maxay Rikoorka Uu Rajeynayo Lionel Messi Inuu Sameeyo Kulanka Levante? Immisa Ciyaartoy Ayaase Kaga Horreeya.

(11-12-2018) Cayaaryahan Lionel Messi waa u dhaqan inuu mar walba rikoor sameeyo, kulankiisa xiga ee horyaalka wuxuu ku ...

Cayaartoygii Ingiriiska Ee Tareenka Ku Dhex Kufsaday Gabadha Oo Maxkamadda Ka Sheegay Wixii Uu Sameeyey

(11-12-2018) Cayaartoy hore ugu ciyaari jiray xulka qaranka England yaaa la hor keenay maxkamadda York ee Duham isaga ...

Lionel Messi oo ku soo bilaaban doona kulanka Caawa

(11-12-2018) Cayaaryahanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa laxaqiijiyey in uu ku soo bilaaban doono Cayaarta Caawa ay kooxdiisu ...

Magacyada iyo Sawirada 6 da Cayaaryahan ee ku lug yeelatay Goolasha ugu badan Xiligaan Horyaalka Premier League

(11-12-2018) Waxaan idiin soo gudbineynaa aqristeyaasheena sharafta lahoow Magacyada iyo Sawirada 6 da Cayaaryahan ee ku lug yeelatay ...