Thursday, December 13th, 2018

XULKA RIYADA: Oblak, Modric, Brozovic, Pjanic, Milinkovic-Savic, Perisic & Dzeko – Xulka Qaranka Yugoslavia – Waddankee Iska Celin Lahaa?

Published on November 14, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(14-11-2018) 11-ka ciyaartoy ee xul ahaan u wada ciyaari lahaa guud ahaan dunida amaba ugu yaraan qaaradda Yurub, waxay kasoo wada jeedaan hal oo kala qaybsamay intii ka dambaysay 1991-kii.

Waddankii burburay ee la odhan jiray Yugoslavia, waxa uu caan ku ahaa ciyaartooyo waaweyn oo dunida magac ku leh waxaana xiddighii waaweynaa ee la xasuusan yahay ugu dambeeyey kuwii wacdaraha ka dhigi jiray horyaalka Talyaaniga sida Inter Milan oo afkeeda hore ku tamarin jiray ee Stojkovic, haddana waa sidii oo ciyaartoyga ugu wanaagsan qaarkood ayaa kasoo jeeda dalkaas oo hadda ka kooban lix dal oo yaryar.

Sannadihii u dhexeeyey 1991-kii illaa 1999-kii, waxa Yugoslavia ka socday dalal sababay in guud ahaan magacii dalkaasi ka baxo meesha oo uu u kala googo’ dalalka sida Croatia, Serbia, Slovenia, Bosnia, Macedona iyo Montenegro.

Xulkii qaranka Yugoslavia ee ugu magaca weynaa intii burburku bilaabmay, waxa ku jiray Robert Prosinecki, Davor Suker, Darko Pancev, Dejan Saicevic iyo Alen Boskic kuwaas oo kala yaacay markii uu bilaabmay dagaalku sannadkii 1992, kaddibna u ciyaaray waddamo kala duwan oo dalkoodii weynaa usii qaybsamay.

Qormadan waxa aanu ku eegaynaa ciyaartooyada kasoo jeeda lixda dal ee Yugoslavia u qaybsantay ee hadda ku jira garoomada iyo sida ay ugu adkaan lahayd dalalka kale inay iska celiyaan haddii aanu burburkaasi kala daadin lahayn.

Xulka qaranka Yugoslavia boos joogto ah kamay heleen ciyaartooyada ay ku jiraan weeraryahanka Juventus ee Mario Mandzukic, laacibka khadka dhexe ee Manchester United ee Nemanja Matic, xiddiga dhexda uga ciyaara Chelsea ee Mateo Kovacic, iyo xiddigga hibada u leh gool-dhalinta ee Aleksandr Mitrovic.

Goolhayaha Atletico Madrid ee Jan Oblak ayaa dhex-istaagi lahaa goolka kooxda xulka qaranka Yugoslavia waxaana kaydka u geli lahaa labada goolhaye ee Asmir Begovic & Samir Handanovic, hase yeeshee waxa khadka dhexe u istaagi lahaa Luka Modric iyo halbolwaha Juventus iyo Pjanic.

Shaxda xulka riyada:

Goolhaye: Jan Oblak (Atletico Madrid / Slovenia)

Difaac: Sime Vrsalijko (Inter Milan / Croatia), Dejan Lovren (Liverpool / Croatia),  Stefan Savid (Atletico Madrid / Montenegro), Saed Kolasinac (Arsenal / Bosnia).

Dhexda: Marcelo Brozovic (Inter Milan / Croatia), Luka Modric (Real Madrid / Croatia), Miralem Pjanic (Juventus / Bosnia), Sergej Milinkovic-Savic (Lazio / Serbia).

Weerarka:

Ivan Perisic (Inter Milan / Croatia) & Dzeko (Roma / Bosnia).

Ciyaartoyga kale ee xulka Yugoslavia heli lahaa:

Mario Mandzukic, Nemanja Matic, Aleksandr Mitrovic, Dusan Tadic, Ante Rebic, Josip Illicic, Mateo Kovacic, Enis Bardhi, Aleksandr Kolarov, Asmir Begovic & Samir Handanovic.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Xulka kubada Cagta Soomaaliya oo Taariikhi ah ka gaaray dhigiisa Jabuuti

(13-12-2018) Xulka qaranka Soomaaliya ayaa guul ka gaaray wiilasha Xulka Jabuuti kulan ciyaareed Saaxiibtinimo ee ka dhacay wadanka ...

Maxey Aheyd Fariintii Uu Pierre-Emerick Aubameyang Twitter-ka Ugu Gudbiyay Dembele & Falcelintii Halyeeyga Kooxda Ian Wright.

(13-12-2018) Weeraryahanka Arsenal Pierre-Emerick Aubameyang ayaa fariin hambalyo ah twitter-ka u dhigay saaxiibkiisii hore Ousmane Dembelekadib markii uu ...

Rocio Oliva oo Guriga ka Cayrisey Diego Maradona Kooxdee ayey Taageertaa?

(13-12-2018) Halyeeyga reer Argentina Diego Armando Maradona ayaa laga ceyriyay gurigiisa kadib markii ay isku dhaceen gacalisadiisa Rocio ...

Goolhaye Dida oo kahadlay Tayada Xiddiga Cusub ee AC Milan Lucas Paqueta

(13-12-2018) Goolhayihii hore Ac Milan Dida ayaa aaminsan Lucas Paqueta inuu si fiican ula qabsan doono Rossoneri, balse ...

Mohamed Salah Ma Farxsana, Fursadda Uu Helo Ma Dhalinayo Oo Waanu Dhibaatoonayaa

(12-12-2018) Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa xalay iska xaadirisay wareegga 16-ka ee tartanka UEFA Champions League, waxaana ay ...

Booqashadii Rooney Ee Aqalka Cad, Kulankii Carruurta Trump Iyo Qaabkii Uu Ku Tegay Madaxtooyada Maraykanka

(12-12-2018) Kabtankii hore ee kooxda Manchester United iyo xulka qaranka England ee Wayne Rooney ayaa booqday aqalka cad ...

Barcelona Oo Ganaax Lacageed Oo Xad-dhaaf Ah Kusoo Rogtay Xiddigii Xalay Badbaadiyey Ee Ousmane Dembélé

(12-12-2018) Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa ciqaab adag oo dhaqaale kusoo rogtay xiddigooda Ousmane Dembele oo ahaa laacibkii ...

Wararkii ugu danbeeya Suuqa kala iibsiga Cayaartoyda

(12-12-2018) Shabakeda qalinkacayaaraha ayaa waxa ay eegeysaa wararkii ugu waa weynaa ee suuqa kala iibsiga iyo wararka xanta ...

Messi Airlines: Xogta Gudaha Diyaarad Si Gaarka Ah Loogu Farsameeyey Messi Iyo Waxyaabaha Qariibka Ah Ee Laga Helayo

(12-12-2018) Xiddiga kooxda kubadda cagta Barcelona ee Lionel Messi ayaa markii ugu horreysay loo sameeyey diyaarad u gaar ...

Ronaldo Oo Arrimo Ganacsi Ah Kala Hadlay Gerard Pique – Hadana Doonaya Inuu Wax Badan La Fariisto Si Ay U Wada Hdalaan.

(12-12-2018) Daafaca kasii hawlgabaya kubada cagta ee Gerard Pique ayaa doonaya inuu durba saameyn ku yeesho ganacsiga dunida ...

HOLAC: Kor Kulanka England Ugu Wayn Ee Liverpool vs Man United,Jamie Carragher & Gary Neville Oo Soo Xushay Shaxda Isku Darka Kooxihii Ay Ku Soo Xufiltameen.

(12-12-2018) Kooxaha Liverpool iyo Manchester United ayaa axada geesaha isku dari doona Anfield kulanka kubbada cagta England ugu ...

Waa Maxay Rikoorka Uu Rajeynayo Lionel Messi Inuu Sameeyo Kulanka Levante? Immisa Ciyaartoy Ayaase Kaga Horreeya.

(11-12-2018) Cayaaryahan Lionel Messi waa u dhaqan inuu mar walba rikoor sameeyo, kulankiisa xiga ee horyaalka wuxuu ku ...

Cayaartoygii Ingiriiska Ee Tareenka Ku Dhex Kufsaday Gabadha Oo Maxkamadda Ka Sheegay Wixii Uu Sameeyey

(11-12-2018) Cayaartoy hore ugu ciyaari jiray xulka qaranka England yaaa la hor keenay maxkamadda York ee Duham isaga ...

Lionel Messi oo ku soo bilaaban doona kulanka Caawa

(11-12-2018) Cayaaryahanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa laxaqiijiyey in uu ku soo bilaaban doono Cayaarta Caawa ay kooxdiisu ...

Magacyada iyo Sawirada 6 da Cayaaryahan ee ku lug yeelatay Goolasha ugu badan Xiligaan Horyaalka Premier League

(11-12-2018) Waxaan idiin soo gudbineynaa aqristeyaasheena sharafta lahoow Magacyada iyo Sawirada 6 da Cayaaryahan ee ku lug yeelatay ...