Thursday, December 13th, 2018

6 Arimood Oo Sabab U Ah In Xiddiga Muslimka Ah N’Golo Kante Noqdo Shaqsiga Ugu Fiican Uguna Daacadsan Kubada Cagta Caalamka

Published on November 15, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(16-11-2018) Cayaaryahan N’Golo Kante ayaa noqday xiddiga loogu jecel yahay kubada cagta dunida. Xiddiga gaaban ee ku guuleystay Koobka Adduunka ayaa diiday in lacagta xuquuqda muuqaalkiisa loo soo marsiiyo shirkado ka baxsan England si uu uga badbaado in canshuur uu ku bixiyo Ingariiska waxaana taas bedelkeeda uu u sheegay Chelsea inuu kaliya doonayo mushahar caadi ah.

Arintaan ugu danbeysay ayaa cadeyn u ah sababta ay dad badan 27 jirkaan ugu arkaan shaqsiga ugu fiican kubada cagta ahna shaqsiga ugu daacadsan.

Dabcan ma maqleysid Kante oo sidaas isku tilmaamaya madaama xishood iyo afgaabni lagu yaqaano ninkii sameeyay taariikhda ee labo horyaal uu isku xigta la qaaday Leicester iyo Chelsea.

Maa maxay sababta Kante loo jecel yahay? Waxaan eegeynaa lix waxyaabood uu sameeyay oo jecleysiiyay jamaahiirta kubada cagta.

Inuu diiday inuu la dhuunto canshuur

Inkastoo haddii lacagta uu ka qaato Chelsea loo marsiin lahaa shirkado ku yaala meelo ka baxsan England ay Kante u baaqan laheyd 870 kun ginni oo canshuur ah sannadkii hadana xiddiga reer France ayaa diiday inuu ku kaco qiyaamo canshuur.

Go’aanka uu Kante qaatay oo lagu soo bandhigay sir faafiyaha Football Leaks ayaa waxa uu ku muteystay amaan badan iyo inuu yahay shaqsi daacad ah. Laakiin waxa ay muujineysaa sida uu ugu dhegan yahay diinta Islaamka.

Inuu Koobka Adduunka kor u qaado ayuu ka xishooday

Steven N’Zonzi ayaa arkay Kante oo taagan meel gadaal ah iyadoo xiddigaha xulka France ay u dabaaldegayaan hanashada Koobka Adduunka kulankii finalka ee Moscow ka dhacay bishii July.

N’Zonzi ayaana koobka ka farmaroojiyay Florian Thauvin si Kante uu sawir isaga qaado koobkii uu gacan ka geystay in France ay ku guuleysato. Ninka xishoodka badan Kante ayaa xitaa u baahday in shaqsi kale uu koobka u keeno si uu isagu sawiro.

Kante oo ciyaaray kulankii finalka ee 4-2 ay kaga badiyeen Croatia isagoo calool xanuun qaba ayaa sidoo kale weydiistay ciyaartoyda France inay isdejiyaan markii ay bilaabeen inay si qeylo ah magaciisa ugu dhawaaqaan.

Inuusan heysan gaari qaali ah

Inkastoo Kante xiddigaha ay isku kooxda yihiin ay garoonka tababarka ku yimaadaan gawaari raaxo oo qaali ah, Kante waxa uu wataa gaari celis ah oo Mini Cooper ah oo uu iibsaday markii uu ku biiray Leicester City seddex sannadood ka hor.

Xilli ciyaareedkii hore waxa ay isku dhaceen gaari xamuul ah laakiin weli gaarigiisa Mini Cooper oo jugtii gaartay ay ka muuqato ayuu tababarka ku yimaadaa.

Kante ayaana ka hadlay inuusan jecleyn gawaarida qaaliga ah: “Ma ahi qof jecel gawaarida, markii aan yaraana kuma hamin jirin gaari ama wax la mid ah.”

Nin aan dadka iskala weyneyn

Geesiga Chelsea kante ayaa seegay tareenka Eurostar ee u qaadi lahaa Paris oo qoyskiisa ay degin yihiin, waxaana taas bedelkeeda uu ku hoyday guri dad kale ay leeyihiin oo uu habeen fiican ku qaatay.

Ka dib kulankii Cardiff ee bishii September, Kante ayaa ka daahay waqtiga tareenka, madaama uu yahay shaqsi si weyn ugu dhegan diinteena quruxda badan ee Islaamka waxa uu taleefankiisa ka raadiyay Masjid u dhawaa goobta u joogay si uu salaada cishaha ugu tukado.

Taageerayaal iyagana Masjidka ku tukanayay ayaa aqoonsaday Kante waxaana ay ku martiqaadeen casho, waxaana ay la ciyaareen ciyaar gacmeedka FIFA iyagoo sidoo kale isla daawaday barnaamijka Match of the Day oo Kante shaqsi ahaantiisa looga hadlayay.

Wuu u naxariistaa taageerayaasha kooxaha kale

Kante ayaa ah shaqsi naxariis badan waxaana taas la arkay markii uu la kulmay taageere Arsenal ah kulankii ay Chelsea 3-2 kaga badisay Gunners ee Stamford Bridge ka dhacay bishii Agoosto.

Taageeraha ayaa sawir uu la galay Kante waxa uu soo dhigay Twitter waxaana uu ku soo qoray: “Waxaan goordhow la kulmay ninkaan. Waxaan u sheegay inaan ahay taageere Arsenal islamarkaana aan ka careysanahay natiijada kulankii isbuuca laakiin wuu ii dhoolacadeeyay waxaana uu igu yiri ‘raali ahow’. Alla muxuu nin rag yahay”

Ma jecla amaanta badan

Ka dib markii France ay 4-3 kaga badisay Argentina wareegii 16ka ee Koobka Adduunka, Kante ayaa hoos u dhigay amaan weyn oo loo soo jeediyay.

Xiddiga kale ee ay khadka dhexe iska garab ciyaaraan Blaise Matuidi ayaa yiri: “N’Golo Kante waa nin yar laakiin waxa uu celiyay Lionel Messi.”

Laakiin Kante ayaa ku jawaabay: “Maya, maya, maya… si wadajir ah ayaan u sameynay, si koox ahaan ayaan u sameynay.”

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Xulka kubada Cagta Soomaaliya oo Taariikhi ah ka gaaray dhigiisa Jabuuti

(13-12-2018) Xulka qaranka Soomaaliya ayaa guul ka gaaray wiilasha Xulka Jabuuti kulan ciyaareed Saaxiibtinimo ee ka dhacay wadanka ...

Maxey Aheyd Fariintii Uu Pierre-Emerick Aubameyang Twitter-ka Ugu Gudbiyay Dembele & Falcelintii Halyeeyga Kooxda Ian Wright.

(13-12-2018) Weeraryahanka Arsenal Pierre-Emerick Aubameyang ayaa fariin hambalyo ah twitter-ka u dhigay saaxiibkiisii hore Ousmane Dembelekadib markii uu ...

Rocio Oliva oo Guriga ka Cayrisey Diego Maradona Kooxdee ayey Taageertaa?

(13-12-2018) Halyeeyga reer Argentina Diego Armando Maradona ayaa laga ceyriyay gurigiisa kadib markii ay isku dhaceen gacalisadiisa Rocio ...

Goolhaye Dida oo kahadlay Tayada Xiddiga Cusub ee AC Milan Lucas Paqueta

(13-12-2018) Goolhayihii hore Ac Milan Dida ayaa aaminsan Lucas Paqueta inuu si fiican ula qabsan doono Rossoneri, balse ...

Mohamed Salah Ma Farxsana, Fursadda Uu Helo Ma Dhalinayo Oo Waanu Dhibaatoonayaa

(12-12-2018) Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa xalay iska xaadirisay wareegga 16-ka ee tartanka UEFA Champions League, waxaana ay ...

Booqashadii Rooney Ee Aqalka Cad, Kulankii Carruurta Trump Iyo Qaabkii Uu Ku Tegay Madaxtooyada Maraykanka

(12-12-2018) Kabtankii hore ee kooxda Manchester United iyo xulka qaranka England ee Wayne Rooney ayaa booqday aqalka cad ...

Barcelona Oo Ganaax Lacageed Oo Xad-dhaaf Ah Kusoo Rogtay Xiddigii Xalay Badbaadiyey Ee Ousmane Dembélé

(12-12-2018) Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa ciqaab adag oo dhaqaale kusoo rogtay xiddigooda Ousmane Dembele oo ahaa laacibkii ...

Wararkii ugu danbeeya Suuqa kala iibsiga Cayaartoyda

(12-12-2018) Shabakeda qalinkacayaaraha ayaa waxa ay eegeysaa wararkii ugu waa weynaa ee suuqa kala iibsiga iyo wararka xanta ...

Messi Airlines: Xogta Gudaha Diyaarad Si Gaarka Ah Loogu Farsameeyey Messi Iyo Waxyaabaha Qariibka Ah Ee Laga Helayo

(12-12-2018) Xiddiga kooxda kubadda cagta Barcelona ee Lionel Messi ayaa markii ugu horreysay loo sameeyey diyaarad u gaar ...

Ronaldo Oo Arrimo Ganacsi Ah Kala Hadlay Gerard Pique – Hadana Doonaya Inuu Wax Badan La Fariisto Si Ay U Wada Hdalaan.

(12-12-2018) Daafaca kasii hawlgabaya kubada cagta ee Gerard Pique ayaa doonaya inuu durba saameyn ku yeesho ganacsiga dunida ...

HOLAC: Kor Kulanka England Ugu Wayn Ee Liverpool vs Man United,Jamie Carragher & Gary Neville Oo Soo Xushay Shaxda Isku Darka Kooxihii Ay Ku Soo Xufiltameen.

(12-12-2018) Kooxaha Liverpool iyo Manchester United ayaa axada geesaha isku dari doona Anfield kulanka kubbada cagta England ugu ...

Waa Maxay Rikoorka Uu Rajeynayo Lionel Messi Inuu Sameeyo Kulanka Levante? Immisa Ciyaartoy Ayaase Kaga Horreeya.

(11-12-2018) Cayaaryahan Lionel Messi waa u dhaqan inuu mar walba rikoor sameeyo, kulankiisa xiga ee horyaalka wuxuu ku ...

Cayaartoygii Ingiriiska Ee Tareenka Ku Dhex Kufsaday Gabadha Oo Maxkamadda Ka Sheegay Wixii Uu Sameeyey

(11-12-2018) Cayaartoy hore ugu ciyaari jiray xulka qaranka England yaaa la hor keenay maxkamadda York ee Duham isaga ...

Lionel Messi oo ku soo bilaaban doona kulanka Caawa

(11-12-2018) Cayaaryahanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa laxaqiijiyey in uu ku soo bilaaban doono Cayaarta Caawa ay kooxdiisu ...

Magacyada iyo Sawirada 6 da Cayaaryahan ee ku lug yeelatay Goolasha ugu badan Xiligaan Horyaalka Premier League

(11-12-2018) Waxaan idiin soo gudbineynaa aqristeyaasheena sharafta lahoow Magacyada iyo Sawirada 6 da Cayaaryahan ee ku lug yeelatay ...